Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya oo ka Digay Dib-u-dhac Mar Afraad ku Yimaad Doorashooyinka Somaliland

Danjire Norman Link oo ishaaray horumar laga sameeyey wadahadalladii uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland

“Waxa muhiim ah in la ogaado inaanay habboonayn mar afraad dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka Somaliland”

“Waxaan la kulmay Madaxweynaha, wasiirro iyo xisbiyada oo aan ka wadahadalnay qabanqaabada doorashada loo cayimay inay qabsoonto 27 September… waxana jiray kala duwanaansho yar”

Ambassador Link oo dalka ka dhoofay

Hargeysa (Jam)- Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Norman Link oo socdaal kedis ah Arbacadii ku yimi Somaliland, ayaa ishaaray waxoogaa horumar ah oo laga sameeyey wadahadalladii ku saabsanaa qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ee la yeeshay xukuumadda, saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Shir-jaraa’id oo danjire Norman Link gelinkii dambe ee shalay ku qabtay Madaarka Hargeysa ka hor intii aannu halkaa ka dhoofin, waxa kale oo uu caddeeyey in xukuumadda, axsaabta iyo Komishanka Doorashooyinka gaadhsiiyey dhambaallo uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, kuwaasoo uu sheegay in nuxurkoodu ahaa sidii loo hirgelin lahaa in doorashada Madaxtooyada ee loo cayimay inay dalka ka dhacdo 27 September 2009.

Safiirka oo booqasho kedis ah oo laba maalmood qaadatay ku yimi Hargeysa, waxa uu dhinaca kalena ka digay dib-u-dhac afraad ku yimaad qabsoomidda doorashada madaxtooyada, taasoo uu ku tilmaamay mid dhaawac weyn ku keeni karta sumcadda Somaliland ku leedahay caalamka.

Ugu horreyn danjiraha oo sharraxaad ka bixinayey ujeeddada socdaalkiisa Somaliland iyo natiijada ka soo baxday wadahadalladii kala duwanaa ee la yeeshay dhinacyada siyaasadda waxa uu yidhi; “Waa booqashadaydii saddexaad ee aan ku imaaddo Somaliland, waxaanan joogay muddo laba maalmood ah. Waxaan la kulmay Madaxweynaha, wasiirro iyo xisbiyada oo aannu ka wadahadalnay qabanqaabada doorashada loo cayimay inay qabsoonto 27 September ee foodda innagu soo haysa. Kulamadaasi waxay ahaayeen wadahadallo fiican oo aan la yeeshay masuuliyiintaas wakhti gaar ah, waxaanan rumaysanahay in horumar laga sameeyey, iyadoo aan rajaynayo in intaas ka sii badanna maalmaha foodda innagu soo haya la samayn doono, waxaanan ku kalsoonahay qaabka loo agaasimayo doorashadani inay dhacdo 27 September.”

Danjire Norman Link, waxa kale oo uu tilmaamay in saddexda xisbi qaran ku kala aragti duwanaayeen arrimaha la xidhiidha qabanqaabada doorashada, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan la kulmay wakiillo ka kala socday saddexda xisbi qaran, waxana jiray kala duwanaansho yar. Markaa waxa muhiim ah in la ogaado in aanay habboonayn dibu-dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland mar afraad aanay u fiicnayn sumcadda dalka, iyadoo xisbi kastaa iska fogaynayo dib-u-dhac kale oo yimaad oo aannu qofna xumaynayn mustaqbalka Somaliland, waxaan filayaa inay iminka taas aqbaleen oo yeelan doonaan kulamo ay kaga arrinsanayaan in isu soo dhoweeyaan mowqifyadooda kala duwan.”

Mar Safiirka la weydiiyey su’aal la xidhiidhay aragtidiisa ku wajahan in xilligan la beddelo xubno ka tirsan Komshanka Doorashooyinka amma dhammaantood la wada beddelo, waxa uu sheegay in aanu jeclayn inuu yeedhiyo sida wax u soconayaan, “Ma doonayo inaan mala-awaalo sida wax ugu soconayaan, waayo Komishanka Doorashooyinka Somaliland iima taallo inaan u yeedhiyo, arrintaasina waxay u taallaa xisbiyada uuna ku jiro Komishanku.”

“Xisbi kastaaba wuxuu aaminsan yahay inaan dib-u-dhac afraad oo ku yimaadda Somaliland aanu u fiicnayn Somaliland Waxaan aaminsanahay in horumar la sameeyey labadii casho ee la soo dhaafay oo xukuumaddu bixisay saamigii kaga aaddaana kharashka doorashooyinka iyo habraaca diiwaangelintii codbixiyayaasha,” ayuu Danjire Norman Link hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Jamhuuriya Online