Dawladda Maxay Uga Jeeday Masuuliyiinta KULMIYE ee Madaark Hargeysa Loo Diiday?

https://i0.wp.com/rsrc1.bubbleshare.com/media/01/3a/21/d0/b1a9b3693ab16c51382b8b1e37a9e57335ccd06d/580x435/DSC01875_580x435.jpg?resize=480%2C360

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka soo degay gegida dayuuradaha ee Hargeysa 2dii July 2009 iyadoo madaxdii iyo taageerayaashii xisbiga KULMIYE  ee soo dhawayn lahaa ay debedda dhooban yihiin oo loo diiday inay galaan madaarka gudihiisa. 

Uma baahnin inaynu is xasuusino in madaxdaa KULMIYE ee halkaa loo diiday ay yihiin kuwii faqashta ka xoreeyey madaarkaas Hargeysa. Halka kuwa u diidayna ay ahaayeen kuwii laga xoreeyey oo weliba qaarkood Maxamed Siyaad Barre illaa Garbahaaray ula qaxay iyadoo dadkoodii uu Siyaad u soo kireystay calooshood u shaqaystayaal South African ah oo weeraro cirka ah oo is-daba joog ah kaga soo qaadaya madaarka Hargeysa ee ay maanta ka hortaagan yihiin raggii xoreeyey. Markaa mutamalaqnimada ay Daahir Riyaale kula socdaan waa ged ay lahaan jireen ee maaha wax cusub oo ay la soo baxeen. Malaa immikina Daahir Riyaale ayey Qolujeed ula qixi!! Waa niman aan caqligoodu fayoobayn oo ninka madaxweynaha kuu ah ah la qax mooyaane, talo fiican sii aan aqoon.

Marka madaarka Hargeysa loo diiday in lagu soo dhaweeyo Axmed Siilaanyo bal hadda waxaad ogaata in waddamo ajnabi ah oo caado iyo dhaqan toona aynaan wadaagin in si ka ixtiraam iyo sharaf badan loogu soo dhaweeyey.

Waddank Ingiriiska oo garoonkiisu yahay ka dunida ugu mashquulsan oo ay ka dhoofaan ama ka soo degaan 30miliyan oo rakaab ahi sannadkii, oo 46kii sekanba dayuuradina ka duusho midina soo fadhiisato oo usha kor loo tuuraa qof ay ku dhacdo mooyaane aanay dhul u dhacayn mar qudha lama weydiin tirada dadka soo dhaweynayay Siilaanyo intay le’egtahay. Sidaas oo ay tahay ayaa weliba jawi lala dagaalamayo Islaamka lagu jira oo askarta direyska xidhan iyo kuwa dharcadda ah ee madaarka joogaa aanay xad lahayn. Haddana dadka guddoomiyaha soo dhaweynayey oo la ogyahay inay wada musliniin yihiin lama joojin oo lagama shakiyin, mar qudhana qeyladooda iyo mashxaradooda lam sharaysan.

Waddanka Sweden-na Axmed Siilaanyo waxa loo soo dhaweeyey si la yaab leh. Waxa lagaga hortagay Siilaanyo fadhiga dayuuradaha halkaas oo lagaga soo qaaday gaadhi oo lagu keenay qolka VIP-da ee madaarka (bal halkan ka daawo
<a href= http://www.waryatv.com/><FONT COLOR=”#FF0000?>Warya-TV</FONT> </a>). Qolka VIP-da ee <a href=http://www.youtube.com/watch?v=-xfU-cvAmLs&feature=related/><FONT COLOR=”#FF0000?>Stockholm-Arlanda-Airport</FONT> </a> ayey dadkii reer Somaliland kuwa wada sugayeen guddoomiyaha iyo marwadiisa oo maalintaas iyaga ayaa la siiyay inay ku soo dhaweeyaan madaxdooda oo ay isticmaalaan qolka VIP-da. Dabcan Swedishku VIP-da waxay ugu talo galeen inay madxdooda iyo madaxda waddamada kale ay ka soo degaan markay waddankooda imanayaan.

Norway sidaasoo kale ayaa si sharaf leh loogu soo dhaweeyey bal haddaba waxa is-weydiin leh nin hoggaamiye ah oo madaaradii dhulalka shisheeye loo wada oggolaaday in lagu soo dhaweeyo in waddankii uu dhashayna ee uu weliba xoreeyeyna laga hor joogsaday dadkiisii inay soo dhaweeyaan. Taariikhdu iyadaa is-qoraysa.

Waxa ka sii ayaan daran weli ma hayno nin ka tirsan maamulka Rayaale oo ka yaxyaxa waxa meesha ka dhacay oo kelmad ka yidhaahda. Madaxweyne ku xigeenka oo la is-lahaa durbaankiisa iyo xadradiisa ayuu mashquul ku yahay ayaaba dhinac isaga yara riixay fool-xumadaas. Juuq iyo jaaq kama hayno kuwa kale. <p>

Daahir Riyaale ma jirto cid soo dhaweysay, mana jirto VIP la soo mariyey weligiis. Waddanka uu tagaba dhuumaalaysi ayuu ku tagaa isagoo madaxweynihii waddanka ah markaasuu kolba afar oday si qarsoodi hoteelka uu kolba dego kula shiraa. Wuu ku fashilamy inuu la kulmo dadkiisa isagoo had iyo jeer walwal iyo walbahaar ka qaba in lagu bannaan baxo ama in su’aalo laga weydiiyo sida uu waddanka u baabi’iyey.

Haddab dhacdada madaarka ka dhacday waa laba arrimood mid ahaan:

  • In laga yaabo inu Riyaale ka hinaasay oo ka muraara dilaacay sidii Siilaanyo loogu soo dhaweeyey dalalka debedaha oo markaa isaga iyo madaxdiisu ay sida dhoocilaha xin iyo xaasidnimo xal moodeen.
  • In ujeedada ka dambeysaa ay ahayd si rabshad loo abuuro in la ceebeeyo oo daandaansado oo meel ka dhac lagu sameeyo madaxda xisbiga KULMIYE oo ah niman mujaahidiin ah sidaa awgeed marka  ay ka dagaalamaan arrintaas in markaa jeelka loo taxaabo oo dabeedna halkaas rabshado reeraysan ka bilaabmaan si doorashada dib loogu dhigo.

KULMIYE wax weynbaa ugu kordhaya arrintaas si sharaf ah oo qurux badan ayey yeeleen laakiin afhayeenada KULMIYE eedda waa inay ku oogaan Daahir Riyaale looma baahna wasiir hebel iyo wasiir hebel iyo askari baa noo diiday. Waxa masuul ka ah wixii waddanka ka dhaca Daahir Riyaale (The buck stops at Rayale).

Jamal Madar

London, United Kingdom.