Guddoomiyaah Kulmiye oo xog-waran siiyay Madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbigaas

https://i0.wp.com/rsrc1.bubbleshare.com/media/01/3b/2e/64/e0e02e559c8e09b2e2860c22e159f39d38dbff14/580x435/Siilaanyo_580x435.jpg?w=620Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xog-waran siiyay qaar ka mid ah Madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay, kaas oo ku saabsanaa socdaalkii uu dalal badan oo dibedda ah ku soo maray iyo wacyiga Siyaasadeed ee dalku hadda marayo.

Munaasibaddan loo qabtay xog-warankan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa guddoomiyuhu wuxuu kaga warbixiyay socdaalladii uu ku soo maray dalal badan oo Waddamada Yurub ah, kuwaas oo uu sheegay in waxa ugu badan ee uu kala soo kulmay ay ahayd walaac ay ka muujiyeen qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada. Waxaanu sheegay in ay ku qanciyeen Wefti ahaan in Doorashadu waqtigeeda qabsoomayso, diyaarna ay u yihiin.https://i1.wp.com/rsrc1.bubbleshare.com/media/01/3b/2e/94/ae6c2cdddb20866b126bcbf421109667c548d23d/580x435/Ahmed_580x435.jpg?w=620Guddoomiyuhu wuxuu Guud ahaan Xisbiga Kulmiye, xubnaha iyo taageerayaashiisa kula dardaarmay in loo diyaar garoobo Ololaha Doorashada oo uu sheegay in ay muddo yari ka hadhay. “Ololaha Doorashada arrinteedii way dhaw dahay, iyada oo Ramadan oo foodda inagu soo hayso. Qorshaha Ololahana si dhaqso ah ayaanu u soo saarayna ee waa in qof kasta oo Xisbiga ahi u diyaar garoobo dhiniciisa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.https://i1.wp.com/rsrc1.bubbleshare.com/media/01/3b/2e/a4/53b31e2570743bce480a3cfa137eeccc086b0e83/580x435/Marti-sharaf_580x435.jpg?w=620Axmed-Siilaanyo wuxuu Xukuumadda M/weyne Rayaale ku eedeeyay in aanay dalka waxba u qaban, hase ahaatee muddadii ay joogtay dalku ka dhaxlay Musuqmaasuq, waddo-xumo, biyo-la’aan iyo wax-qabad la’aan kale oo baahsan.https://i0.wp.com/rsrc2.bubbleshare.com/media/01/3b/2e/5d/fd6fd31e9bf1c4f0cb60e7ddc6e88a3345fd5d4b/580x435/Ahmed-SIilaanyo_580x435.jpg?resize=396%2C360Gudoomiyaha oo halkaa su’aalo lagu waydiiyay wuxuu ballan qaaday Xisbi ahaan in Haweenka iyo Dhalinyarada uu wax u qaban doono Xisbigoodu hadii uu talada dalka qabto, isla markaana door muuqda ka geli doonaan hoggaanka Siyaasadda dalka.

Xigasho/Somaliland.Org