Md Bashe Cabdi Gaboobe Ayaa Loo Magaacabay Gudoomiyaha Olalaha Doorashada Ee Gobolada Galbeed

https://i0.wp.com/www.haatuf.net/2008images/baashegaboboe01.JPG?w=620

Hargeysa, August 23, 2009 (Haatuf) – Xisbiga KULMIYE ayaa shalay u magacaabay md Baashe Cabdi Gaboobe inuu noqdo guddoomiyaha olalaha doorashada ee gobollada galbeedka Somaliland, kadib markii uu jagadaasi baneeyey Alle ha u naxariistee marxuum Cali Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal) oo dhawaan ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera waqtigaas oo ay soo dhawaynayeen guddoomiyaha Xisbigaas oo Madaarka Berbera ka soo degayay.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargaysa, kaas oo lagu sheegay in magacaabista xubintan olalaha doorashada gobalada galbeedka uu guddoomiyuhu wada tashi kala yeeshay dhammaan xubnaha sare iyo waxgaradka Xisbiga, isla markaana ay ku qanceen magacaabista Baashe Cabdi Gaboobe, warsaxaafadeedkaasina waxa uu u Qornaa Sedan:. Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Somaliland

Kulmiye Ref: Xk/G/00166/09  Date: 22/08/2009

Ku: Baashe Cabdi Gaboobe                                           =Gacan-Saar=

Og: Xubnaha Hoggaanka Sare Ee Xibiga                =Xarunta=

Ujeeddo; Magacaabid Madaxa Ololaha Doorashada

Ee Seddexda Gobolee Galbeedka Somaliland

: Mudane, Anigoo tixraacaya magacaabistii aan  hore ugu magacaabay   madaxdii ololaha  Doorashada   Xisbiga Kulmiye ee  tirsigeedu ahaa XK/G/00148/09, ee 17.07.2009.

Kadib markii aan wada-tashi kala yeeshsay Madaxda iyo waxgaradka kale ee Xisbiga , arrinta jagadii  uu banneeyey Marxuum Cali Muxumad Guuleed  ( Cali  Maarshaal ) ee Madaxa  Ololaha Doorashada Xisbiga ee Gobolada Galbeed ee Somaliland.

Waxaan u Magacaabay MUDANE BAASHE CABDI GABOOBE inuu yeesho awoodda dhismaha guddiyada ololaha iyo hoggaamintoodaba ee seddexda Gobol ee Galbeedka Somaliland.

Waxa kaloo aan kula socodsiinayaa , in ay xarunta Xisbiga ka dhisan yihiin guddi – mus-dambeed ah oo uu  madax ka yahay  Musharaxa Madaxweynaha, ayna ka mid yihiin  xubnaha Hoggaanka Xisbigu, Madaxda Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee loo baahdaa.

Guul baan Xisbiga u rejeynayaa.

MD: AXMED MAXAMED  SIILAANYO

GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE

Somaliland, Hargeysa