Taageerayaashii Ugu badnaa ee Xisbiga kulmiye oo isugu soo baxay Gabiley iyo dareenkii Xukuumada.

Taageerayaasha kulmiye oo aad utiro badnaa ayaa dhamaadkii isu soo baxaasi waxay socod ku soo mareen Jidadka waawayn ee magaalada Gabiley, waxaanay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xukuumada riyaale … Daawo Sawirada

Gabiley (Gabiley News) Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo Go,aankii xukuumada iyo Komishanku ku laaleen Diiwaan galinta ayaa shalay Ka dhacay Magaalada Gabiley,

Isu soo baxaasi oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin sar sare oo uu Hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Madax sarsare oo ka tirsan xisbiga kulmiye iyo taageerayaashooda gobolka Gabiley.

DSC02405

Ugu horayn waxaa Taageerayaasha Xisbiga kulmiye halkaasi kala hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ugu horayn mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhammaanba dadkii isku soo baxay , waxaanu fariin ah sallaan oo uga siday Guddoomiyaha xisbigooda Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in qorshuhu ahaa in uu yimaado hasa ahaatee, uu ku mashquulay kulan uu xisbigu la lahaa wafdigii Itoobiyaanka ahaa ee dhawaan dalka yimid.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Muuuse Biixi Cabdi, waxa kale oo maanta si wayn u faaqiday xaalada uu dalku marayo. Waxaanu yidhi” waxa aynu mar walba isku guubaabinaa oo ay nolosheenu tahay waa Nabada. Anigu markii aan yaraa waxaan ahaa Geel jire oo qadhaamaad ayaan geelasha caanaha ka qaadi jiray. Gorofka marka aan la wareegayo waxa aan ku heesi jirnay Nabadeey Caanooy iyo Nabaadshiyo Allaw na sii. Waa seddex kalmood oo Nolosha aas aas u ah. Hadaba Nabadii waynu keenay oo Nafteenii waynu u hurnay. Agoontii Aabayaashood ku dhinteen ee Afraadii koowaad oo imika Xaas ah, iyaga oo aan maanta shillin haynin waxa ay nabbada u ilaalinayaan waa in Inankoodu uu iskuul helo. Oo uu shaqo helo. Waxa la doonayaa dhaawaca iyo hadhaagoodii in ay helaan caafimaad” Muuse Biixi waxa uu intaa raaciyay “ walaalayaal waxaan la yaabanahay oo aan nolol u aqoon ahna nabad la kharibay, marka uu nin yidha, Ilig ayaa I xannuunaya oo jarmal ayaan ku soo dawaynayaa, Alle ha u naxariistee Xasan Yoonis oo xannuunsanaya la yidhaa, Tigidhbaa loo waayay si loo soo daweeyo. Anigu ma garanayo nabbada noocaas ah ee la yidhi, Nina caruurtiisii ayuu aqalo uga dhisayaa Faraas iyo Masar oo caruurtiisiibuu Baasaabooro dal kale ku qaadayaa, Jaamac Cali Cilmi oo ahaa Taliyihii Ciidankii soo galay 1988-kii iyo Wasiirkii Gaashaandhigana oo la yidhi joonis baa haya oo intii Tigidh loo daydayay ayuu Manhaj ku dhintay.” Waxaanu intaa ku sii daray “ Nabadii ma aha in aniga la igu dhaco. Hadii dadkaygu maalin walba gaajo u dhinto iyo dawo la’aan, maxay dhaantaa xabadii ku dhacaysay ee iska bedelay, ma dhimashaa dhimasho ka wanaagsan. Taa macnaheedu ma aha Nabdaynu tuuraynaa, ee labada gacmood ayanu iskugu keenaynaa, hasa ahaatee, anaga Nabda noo macnayn maayo Nin nagu dhacayaa ee anaga ayaa micnayna waxa aanu ka doonayno. Ma aha in Oday Qaad la soo siiyay uu yidhaa, nabad baan keenayaa. Nabada waxa dhaliyay raggii intay soo halgameen hadana qoryihii dhigay, guryahoodiina iibiyay.. Markaa ma aha in shaydaan aan la garanayn meel uu ka soo dhacay inta uu xoolahaygii qaatay in uu maalin walba yidhaa Nabadaan waxaynayaa, Afar nacas oo aanu ilmaadeer nahayna inta ay isasoo garab taagaan, waxaana uu ugu baaqay taageerayaasha kulmiye inay doortaan nin dadka la dareen ah oo garanaya wixii ay soo mareen.

DSC02425

Waxaa isaguna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay xildhibaan ibraahin axmed haybe oo ku eedeeyay xukuumada madaxwayne riyaale inay ku fashilantay hanaankii geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland , waxaa kale oo xildhibaanku aad ugu dheeraaday Hantida qaranka oo uu sheegay inay xukuumadu ku tumatay oo ay sidii ay doonaan ka yeelaan, isaga oo intaa ku daray inay dhawaan isku qabsadeen Gudoomiyihii hore ee Wajaale iyo gudoomiyaha Cusub 190,000,000 Sh.l oo la garan waayay meel ay mareen.

Xildhibaanku mar uu ka hadlayay arinta ceelbaraadle waxa uu yidhi “ Ceel baradaale noqon mayso meel lagu murmo, waa baytkayagii iyo baradayadii, cidna uga daba fadhiisan mayno”

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay masuulyiin tiro badan oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee kulmiye waxaanay dhamaantood ka hadleen sida ay uga soo horjeedaan doorasho bilaa diiwaan galin ah iyaga oo xusay inay taageersanyihiin Go,aankii golaha wakiilada ee lagaga soo horjeeday laalida diiwaan galinta, waxaanay xukuumada riyaale ugu baaqeen inay sharciga u hogaansanto.

DSC02417

Taageerayaasha kulmiye oo aad utiro badnaa ayaa dhamaadkii isu soo baxaasi waxay socod ku soo mareen Jidadka waawayn ee magaalada Gabiley, waxaanay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xukuumada riyaale iyo doorasho bilaa diiwaan galin ah.

Waxaana ka didiyaya Booliska magaalada Gabiley, halkaasi oo ugu danbayntiina boolisku u adeegsaday inuu rasaas ku kala dareeriyo, taageerayaasha kulmiye ayaa iska caabiyay booliska iyaga oo shiid kala hor yimi ciidanka booliska, waxaana xabsiga loo taxaabay inta la ogyahay ilaa shan ruux.

DSC02411

DSC02373

DSC02382

DSC02430

DSC02408

DSC02423

DSC02406

DSC02395

DSC02410

DSC02371

DSC02426

DSC02412

DSC02428

Gabiley News Desk
Gabiley /Somaliland