Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan oo ka bilaabmay Hargeysa

https://i0.wp.com/www.somalitalk.com/2009/jun/mutarn01.JPG?resize=480%2C360

Hargeysa (Somaliland.Org)- Tartanka Quraanka Kariimka ah ee sanadkiiba mar la qabto Bisha Ramadaan, ayaa shalay ka bilaabmay Masaajiddada Cali Mataan iyo Rusheeye ee Magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay Qoraal uu na soo gaadhsiiyey Sh. Maxamed Macallin Cabdi (Carab), Tartankan Quraanka Kariimka oo sanadkiiba mar la qabto Bisha barakaysan ee Ramadaan, isla markaana la soo geba-gebayn doona maanta oo Khamiis ah, ayaa Ardayda Wiilasha ah ee ka qayb-galaysa ka kala yimaadeen Gobollada dalka oo dhan. Kuwaas oo soo maray tartan hore oo is-reeb-reeb ah oo ka dhacay gobol walba.

Tartankan oo ay maalgelisay Shirkadda Dahabshiil, ayaa la sheegay inay ka qayb galayaan 60-Arday, isla markaana ku tartamaya 30-ka Jus iyo 15-ka Jus, ayaa Xafladda Gunaanadka la qaban doonaa maalinta Jimcaha ee beri ah. Halkaas oo saddexda Arday ee ugu sarreeya 30-ka Jus iyo 15-ka Jus qolo walba la siin doono Jaa’isado ka kooban Kitaab Quraan ah, Lacag Kaash ah, Rikoodh, Shandad, Saacad iyo Shahaado. Sidoo kalena, waxa la qaban doonaa Tartan kan la mid ah oo Hablaha loo qaban doono, kaas oo bilaabmaya maalinimada Arbacada soo socota 2/9/2009.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com