Dahir Rayaale Oo ku Riyooday In Loo Soo Xidho Md Abiib Timacade



Hargeysa, September 01, 2009, (Haatuf) – Xukuumada Rayaale ayaa la sheegay inay amar ku bixisay in la soo xidho Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacde) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Kulmiye, kaas oo la sheegay inay ciidamo ka tirsan bileysku ay xalay dhawr jeer tageen gurigiisa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumada oo ku saabsan xadhiga lala damacsan yahay Abiib Timacade, hasa yeeshee warar laga soo xigtay Abiib Diiriye labtiisa ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Bileysku ay dhawr jeer yimaadeen Guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa, balse aanay ciidamadaasi isaga toos ugu imanin markii uu arintaasi u kuurgalayna uu ogaaday inuu jiro Amar uu Madaxweyne Rayaale ku bixiyey in la soo xidho isaga oo waxa uu yidhi “Ilaa shalay waxa aan maqlayay waaran baa lagu soo jaray oo madaxweynaha ayaa amar bixiyey oo yidhi waa in lasoo qabtaa, sababtana ma garanayo, markii horena waxaan moodayey in warkaa la igu xidhayaa uu yahay mid ku tidhi ku teen ah, laakiin galabta ayaan xaqiiqsaday in ay arrintaasi sideeda u jirto ka dib  markii aan arkay baabuurta uu bilaysku leeyahay oo gurigayga ku gaaf wareegaysa, dabcan sida aan is idhina waxa ay hubinayeen in la ila joogo iyo in kale, markii ay ogaadeen in ay dad ila joogaana kolba way iga noqonayeen”

Mar la waydiiyay Abiib Timacad waxa uu u malaynayo in laga daba joogo ee loo xidhayo iyo in lagu wargeliyay kiiska loo haysto waxa uu yidhi “Maya anigu ma garanayo wax la ii sheegayna ma jiraan, galabta (Shalay Galab) rag looga qaateen ah ayaa ii sii xaqiijiyay xadhiga ay xukuumada ila damacsan tahay iina sheegay in taliyaha Booliska Somaliland uu amar ku siiyay saraakiishii ka hoosaysay in ay I soo qabtaan arrinkaasina waa xaqiiqa jirta oo aanu daah saarnayn, ilaa iminkana ma garanayo waxa la ii sibir saarayo, waxaanse u malaynayaa in ay tahay uun uu Madaxweynehu ku doonayo in uu dalka fadqalalo iyo iska hor imaad ka abuuro”

Maaha markii ugu horaysay ee ay xukuumada Madaxweyne Rayaale xidho siyaasiyiin magac ku leh dalka oo ka soo jeeda axsaabta mucaaradka ah, balse waxa ay hore xabsiga u dhigtay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid muddo hada laga joogo sanado, kuwaas oo muddo dheer ku xidhnaa Xabsiga Mandheera