Halkan Ka Daawo Dadweynihii Reer Tog Wajaale oo Eydii U Xidhay Calankii UDUB

Ay-gii loo xidhay Calanka udub

Hargeisa, Somaliland Gabiley News ) Xaalada magaalada Wajaale oo Degan iyo Wasiiro isku dayaya inay Xoog u isticmaalaan Qabsoomida Xaflad Taageero Loogu Raadinayo Xisbiga UDUB.

Ciidanka Booliska Wajaale ayaa saaka Rasaas ooda kaga qaaday Taageerayaashii kulmiye Waxaana la sheegay inay Xabsiga utaxaabeen inta la ogyahay ilaa 11 qof oo iskugu jira Dumar iyo Dhalinyaro… Daawo Sawirada

Wajaale (GNS)- Mudaraad balaadhan oo Gilgilay Guud ahaanba magaalada Wajaale ayaa sakaa halkaasi ka dhacay, kaasi oo lagaga soo horjeeday mashruuc ay xukuumadu ubixisay Taageerayaal ka soo baxay kulmiye ayaa UDUB- ku soo biiraya.

Mudahaardkaasi oo gaystay Dhaawacyo fudud oo ka soo

gaadhay masuuliyiin ka tirsan Dawlada hoose Degmada Tog-wajaale oo Dhagaxaan lagu weearay saaka markii ay udiyaar garoobeen inay bilaabaan Xafladii balaadhnayd ee Wasiirada iyo Badhasaabku hogaaminayeen oo lagu Soo dhawaynayo sida ay sheegeen Taageerayaal ka soo baxay kulmiye.

kul

Guud ahaanba jawiga Magaalada Wajaale ayaa Degan maanta Galinkii Danbe, ka dib markii la joojiyay Xafladii uu Xisbiga udub ka waday Degmada Wajaale, taasi oo ay Taageerayaasha kulmiye rafeceen Saaka subaxdii hore.

kulmiye-2

Ciidanka Booliska Wajaale ayaa saaka Rasaas ooda kaga qaaday Taageerayaashii kulmiye Waxaana la sheegay inay Xabsiga utaxaabeen inta la ogyahay ilaa 11 qof oo iskugu jira Dumar iyo Dhalinyaro, kuwaasi oo saaka ka dhex muuqday Mudaharaadkii lagaga soo horjeeday Xisbul xaakimka udub iyo Xukuumada Daahir Rayaale kaahin.

Picture2

Xisbiga kulmiye ayaa Taageero xoogan ku leh Degmada Wajaale, iyada ay dadwayna Wajaale nacay ay ka qabaan Xisbiga udub iyo Xukuumada Riyaale , koofiyadihii iyo Calankii UDUB uxidhay Ay-da Darbi jiifka ah ee magaalada Wajaale, kaasi oo ay tilmaameen in Taageeradii Xisbiga udub ee Wajaale ay sii hayaan oo kaliya Ey-da nijaasta ah, ee ku dhaqan Wajaale.

Daawo Ey-ga xidhan Calanka UDUB
Ay-gii loo xidhay Calanka udub

Xukuumada Rayaale ayaa isku Dayday inay Xoog ku qabato Xaflada taageerada loogu raadinayo Xisbiga udub Taasi oo usuuro gali wayday ilaa xalayna ay ku xanibnaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada riyaale iyo Maamulka Gobolka Gabiley ee Xisbiga udub.

kulmiye-2

Maaha markii ugu horaysay ee Xisbiga udub ku hungoobo Wajaale, waxaana Caado unoqotay Xisbul Xaakimka udub in dadwayne lacag la sii yay oo lasoo ururiyay la yidhaahdo waxay ka soo bexeen xisbiga kulmiye.

a href=”http://www.flickr.com/photos/33299935@N05/3877956045/” title=”kulmiye-2 by contactgabiley, on Flickr”>kulmiye-2

Ciidanka badan oo Gaaf wareegayay magaalada oo laga soo guray Gabiley iyo wajaale ayaa isku dayaya inay joojiyaan kacdoonka Shacabka wajaale iyo Xisbiyada isbedel doonka ah, waxaanay mar labaad qorshaynayaan inay Caawa qabsoonto, xafladii ilaa xalay suurto gali la,ayd, iyada oo ay Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dawlaha hawlaha Guud, Badhasaabka Gaibley ay geed dheer iyo geed gaabanba ufuuleen sidii ay uqabsoomi lahayd Xafladaasi.

Daawo Wasiiradii iyo Masuuliyiintii ku hungawday Wajaale Saaka.

Wixii ka soo kordha kala Soco Shabkada Wararka ee Gabiley News

Source: Gabiley News
C/risaaq Aw daahir (C/risaaq Dhago)
Gabiley News Desk
Wajaale/Office.