Gebiley: Munaasibad lagaga hadlay Sooyaalka Taariikheed iyo Nololeed ee Abwaan Timacadde

Gabiley (kulmiye.Org)- Bandhig suugaaneed ku saabsan Maalmihii & Maansooyinkii Abwaankii Cabdilaahi Suldaan Timacadde ayaa lagusoo bandhigay Hotel Askar ee

magaalada Gebilay.  Bandhig Suugaaneedkan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka qaybgalay aqoonyahan Boobe Yuusuf Ducaale,badhasaab ku xigeenka gobolka gabilay Cabdirisaaq sh.Aadan cali, Caaqil Max’ed C/laahi Xareed (weerar), Maryan Cabdilaahi suldaan Timacadde, Idiris Iimaan Rooble & marti sharaf kale oo aad u tiro badan. Madashan oo ahayd Mid kulmisay Abwaano , Waayeel la Noolaa Saaxiibna ay ahaayeen Abwaanka Timacadde, sidoo kale Masuuliyiin, iyo Dhalin badan, ayaa Munaasibaddan qabashadeedu waxay ka dhalatay Codsi Dhalinta Gobolka ka yimid waqti hore oo Naadigu soo bandhigay Buugga Diiwaanka Maansada Timacadde, Dhalintu waxay ka codsadeen Qoraaga in si gaar ah Maalin uu ugu sameeyo Guud ahaan Taariikhdii iyo Sooyaalkii Abwaan Timacadde, isna Yeedhmadaa wuu ka ajiibay Dhalinta. Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo Madashaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga xogwaramay Taariikhdii & Sooyaalkii Abwaanka lagasoo

bilaabo 1920-1973, waxaanu si hufan usoo bandhigay qaybahii kala duwanaa ee suugaantii murxuum C/laahi Suldaan Timacadde & erayadii uu halhaysta ulahaa abwaanku ee wakhtigan taariikhda baal dahab ah ka galay. Aqoonyahan Boobe yuusuf Ducaale waxa uu xusay in Abwaan Timacadde uu ahaa abwaan ka gabyay xaaladihii wakhtigii uu noolaa ka taagnaa caalamka taasina ay inoo cadaynayso in uu ahaa abwaan caalami ah. Waxa uu tilmaamay sidii uu Abwaan Cabdilaahi Suldaan bulshada uga wacyi galin jiray ku dhaqanka qabyaalada uguna dhiiri galin jiray inay wax qabsadaan oo aanay waxba ka sugin Wadamo shisheeye & Hay’ado caalami ah . Waxaanu uu Xusay in ay ku kaliftay in uu qoro Taariikhda iyo Suugaanta Abwaan Suldaan Timacadde Dal jacaylka iyo Wadaniyada uu u hayay Wadankiisa iyo Dadkiisa. Niciima Yuusuf Cilmi oo ku hadlaysay Magaca Naadiga Akhriska Timacadde ayaa ka xog warantay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray

Naadiga Akhriska Timacadde ,waxyaabihii u qabsoomay & ujeedooyinkii loo aas aasay Naadiga oo ahaa ayey tidhi kobcinta aqoonta dhilinyarada Gobolka & guud ahaan Somaliland . Naciima Yuusuf Cilmi waxay faahfaahin ka bixisay Himilooyinka Naadigu hiigsanayo, iyada oo Xustay in Naadugu Xudun u noqon doono isku xidhka Qorayaasha, Abwaanada, Dhalinyarada iyo Bulshada inteeda kale, waxa kale oo ay intaasi ku dartay in Naadiga Timacadde ay Muhiimada saarayaan La dagaalanka Jahliga iyo kor uqaadida Akhriska iyo Qoraalka Dhalinyarada Somaliland gaar ahaana Gobolka Gabiley. Waxa sidoo kale madashaasi ka hadlay, Idiris Iimaan Rooble oo ay isku gado ahaayeen Marxuum Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde kana waramay waxyaabaha iyo aqoontii uu u lahaa Abwaanka, isaga oo xusay in ay aad u Saaxiibo ahaayeen, Aqoon fiicana uu ulahaa Timacadde, waxa uu halkaasi ka tiriyay Maanso ka mid ah maansooyinkii Ugu caansanaa Timacadde, waxa uu halkaasi ka tiriyay Maanso ka mid ah maansooyinkii Ugu caansanaa ee uu tiriyay Abwaanku. Dadkii kale ee halkaa iyana ka hadlay, isla markaana ka xog-waramay taariikhdii Abwaanka waxa ka mid ahaa, Maryan Cabdilaahi Suldaan Timacadde, Maxamed Cabdilaahi Xareed (weerar) & Shabcaan Cali Ducaale Ka hor Gunaanadkii Madasha ka soo qaybgalayaashu qoraaga ku hafiyeen wixii Maskaxdooda ku jiray ee Su’aalo ahaa, ood ka dheehanaysay Xiisaha ay u qabeen inay si qoto dheer wax uga ogaadaan Noloshii Abwaan Timacadde iyo Waayo Aragnimada Qoraaga Caanka ah ee Boobe yuusuf Ducaale. Gabagabadii Naadiga Akhriska Timacadde (TRC) waxay shahaado sharaf gudoonsiiyeen qoraaga caanka ah ee Cabdi yuusuf Ducaale(Boobe) kadib markii ay arkeen taariikhda & xogta sugan ee uu uga tegay Dhalinyarada soo koraysa. Somaliland.Org Hargeisa News Desk

Xiagasho/ Somaliland.org