Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo la kulmay Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Cardiff

Kulan aan hore loo arag oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff isuguna dhafnaa soo dhoweyn iyo iswaraysi laguna marti geliyey Guddoomiyaha Aqalka Odayada Somaliland ayaa ku qabsoomay xarunta lagu magcaabo Cardiff County Hall oo ka mid ah dhismayaasha la majeerto ee ku yaalla magaalo madaxda carriga Wales ee Cardiff.

Haddii aynnu wax yar ka dulxaadinno taariikhda magaalada Cardiff, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn waddanka UK. Sida dad badani la socdaan, Cardiff waxa ay hormood u ahaan jirtey baayacmushterkii reer Europe, siiba dhoofintii dhuxuldhagaxda oo ahayd shidaalka dhaqaajiya gaadiidkii u kala gooshi jirey badaha caalamka, wershedihii wax-soo-saarka iyo weliba gaadiidka ku dul sullaaca biraha xadiidka ah (trains). Balse waxa shidaalkani suuqa ka baxay markii la helay ceelasha saliidda ah ee ceegaaga dhulweynaha Khaliijka iyo weliba goobo kale oo caalamka ah sida Iiraan iyo weliba waddamada lagu magcaabo Qooqaas (caucasus) ee ka mid ahaa bahdii Ruushka.

Sababta kor ku xusan ayaa ka mid ahayd arrimihii keenay in xoogsato badan oo reer Somaliland ahi u soo shaqo tagaan waddanka UK marka laga soo bilaabo qarnigii 19aad. Ilaa maanta Cardiff waxa ay ka mid tahay buddhigga ruugcaddaagii badmareennada ahaa ee reer Somaliland kuwaas oo inta badan ahaan jirey halbawlaha maraakiibtii walwaali jirey badeecadaha kala geddisan ee u kala safri jirtey carro-edeg. Dashii iyo qaraabadii badmareenada iyo Soomaali kaleba waxa ay iyana sida daadka ugu soo qulquleen gobolka Wales siiba Cardiff laga soo bilaabo 80naadkii ina weydaartey, markii masiibadu ku habsatay Jamhuuriyaddii Soomaalidu lahaan jirtey. Soomaalida reer Cardiff waa kuwa ugu dhow ee weli sii haya dhaqankii marka la barbardhigo qurbe oo dhan. Arrinta dhaqanku kama madhnayn sababaha keenay in lagu soo qamaamo xafladdan lagu soo dhoweynayey Guddoomiyihii Aqalka Odayada ee Somaliland.

Marka aynnu u soo laabanno xafladdii Cardiff iyo soo dhoweynta odayga qaaliga ah ee reer Somaliland Mudane Maxamuud Saleebaan Aadan (Saleebaan Nuur), waxa ay u dhacday si hufan iyadoo aan loo kala hadhin rag, dumar, dhallaan iyo cirrooleba. Weliba waxaa laga yimi magaalooyin durugsan oo ay ka mid tahay Birmingham oo ah caasimadda labaad ee UK. Waxaa reer Somaliland ku weheliyey soo dhoweynta Ku-xigeenka Duqa Cardiff (Deputy Mayor Keith Hyde) iyo afadiisa (Deputy Mayoress Ann Hyde). Inkasta oo ay ahayd xilli lagu jiro fasaxii Sannadka Cusub misana taasi kama joojin duqa reer Cardiff in uu salaan sharafeed ku soo dhoweeyo mudanaha ka socdey Somaliland oo ah oday miisaankiisa leh.

Daadihiyaha xafladda oo ahaa Ibraahim Carab kana socdey Xafiiska Jaaliyadda ee Cardiff waxa uu tilmaamay in xafladdu ka koobnaandoonto laba qaybood –qayb hore iyo qayb dambe. Furitaankiinka kulanka waxa lagu bilaabay aayado quraan ah oo uu akhriyey Cabdirraxmaan Dooddi. Dabadeed waxaa loo galay bilowgii qaybta hore ee xafladda taas oo Guddoomiyaha Xafiiska Jaalliyadda Cardiff, Mr. Cabdirraxmaan Cawed, ku soo dhoweeyey odayga ku xiga duqa magaalada Cardiff (Deputy Mayor Keith Hyde) si uu ereyo soo dhoweyn iyo warbixin isugu jirta uga yidhaahdo madasha. Weedhaha soo dhoweynta Guddoomiyaha Guurtida la xidhiidha ka sokow, wuxuu Maayarku tilmaamay doorka Jaaliyadda Somaliland kaga jirto arrimaha kobcinta dhaqaalaha iyo isdhexgalka labada bulsho ee Weleshka iyo mujtamaca ka soo jeeda Somaliland ee ku dhaqan carriga Weleshka taariikhda fogna ka mid noqday halbawlaha horumarineed ee gobolka. Waxaa kale oo uu kula dardaarmay dadka soomaalida ah in ay ku dedaalaan waxbarashada si aanay marnaba u noqon kuwo aan ka dhexmuuqan mujtamaca ay la noolyihiin. Waxaa isna hadalkii qaatay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland isagoo ka mahadnaqay soo dhowynta iyo sida loo sharfay.Guddoomiye Saleebaan waxa uu runtii si xikmadi ku jirto ula hadlay bulshada reer Somaliland isaga oo ku waaniyey in ay ku dedaalaan waxbarshada kuna biiraan siyaasadda waddanka ay ku dhaqan yihiin si ay mustaqbal fiican ugu yeeshaan go’aan-qaadashada arrimaha muhiimka ah ee khuseeya bulshada iyo horumarkeeda.

Ka bilow midig; Cabdirraxmaan- guddoomiyaha Xarunta Jaaliyadda Cardiff, Deputy-Mayoress Ann, Deputy-Mayor Keith, Mud. Saleebaan, Cabdikareem – agaasimaha Xarunta Jaaliyadda iyo Axmed Carwo.

Qaybta labaad oo bilaabantay ka dib markii ubaxyo cuddoon lagu sagootiyey duqi reer Cardiff iyo afadiisa, waxa codbaahiyaha loo dhiibay Xaaji Ciise oo ka mid ah odayada reer Cardiff ee sida weyn loo qaddariyo. Xaaji Ciise wuxuu soo dhoweyn iyo dardaaranba u jeediyey oday Saleebaan isaga oo tilmaamay in reer Somaliland, gudo iyo dibadba, ay maanta guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay u noqon lahaayeen ul iyo diirkeed iyaga oo midaysanna u qabsan lahaayeen doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxaa isna ku xigey oday ka mid ah ruugcaddaagii badmareennada ahaa magac iyo maamuusna ku leh bulshada dhexdeeda, Maxamed Aadan, oo isna ereyo soo dhoweyn, talo iyo dhiirigelin ah ka dhawaajiyey. Axmed Carwo oo ka mid ah aqoonyahanka reer Cardiff ayaa isna hambalyeeyey Guddoomiye Saleebaan iyo doorkii suubbanaa ee uu ka galay masaalixda ummadda. Wuxuu kaloo carrabbaabay doorka weyn ee looga baahanyahay in guurtidu ka ciyaarto arrimaha siyaasadda maadaama ay qayb ka yihiin. Wuxuu kaloo codsaday in shirguddoonka guurtidu joogteeyo wacyigelinta odayada guurtida isaga oo ku sii daray sababta guurtidu u xakamayn weydey suldaan-bararka ku habsadey waddankii.

Intaas dabadeed, waxaa loo gudbey mucdii iyo ereyadii loo dhegtaagayey ee Guddoomiye Saleebaan. Mahadnaqa reer Cardiff dabadii, waxa odaygu taabtay arrimo badan oo muhiim ah lana xidhiidha taabba-qaadka Somaliland ee dhinaca nabadgelyada iyo isxilqaanka ku salaysan. Wuxuu ku adkeeyey bulshada reer Somaliland in ay gacmaha is qabsadaan gudo iyo dibadba si aynnu uga midha dhalinno hammigeenna. “Waa in aynnu isku duubnaannaa si aynnu u gaadhno ictiraafka aynnu ku daba jirno.” Wuxuu kaloo sheegay in Jaaliyadda Cardiff ee reer Somaliland ay yihiin kuwo isku duuban oo si weyn uga muuqda magaalooyinka kale. Waxa odaygu mar labaad ka codsaday bulshada in ay joogteeyaan taageerada ay la garabtaaganyhiin dadkooda waddankii ku dhaqan iyo in ay ku dedaalaan waxbarista da’yarta si ay mustaqbal fiican u yeeshaan. Waxa guddoomiyhu ku kaftamay, “Waar carruurtana iskuulada ku haya annagana xaggaa iyo wadankii nagu haya.” Si weyn ayaa runtii loogu riyaaqay xogwarranka guddoomiyaha. Waxaa dabadeed loo gudbey su’aalahii ka soo qaybgalayaasha kuwaas oo taabanayey guurtida iyo doorkooda, sidii wax looga qaban lahaa arrimaha muranku ka jiro ee ka taagan gobollada qaarkood iyo qaar kale oo badan. “Qof waliba dantii hadal dabuubtiina loo dhiib.”

Markii la gaadhey dabayaaqadii xafladda ayaa la isu taagey sidii Guddoomiyaha Guurtida loo guddoonsiin lahaa shahaado iyo billad sharaf ay soo diyaareen dhallinyarada reer Cardiff. Goobtaas waxa reer Cardiff ku muujiyeen maqaamka oday Saleebaan ku leeyahay quluubta Somalilanderska ku dhaqan carriga Wales iyo weliba sida ay ugu heellan yihiin horumarka waddankoodii hooyo. Sidaas ayaa reer Cardiff dhaqan u ah oo ay u soo dhoweeyaan mas’uul kasta oo reer Somaliland ah. Dheeho sawiradda.
Deputy-Mayorka iyo afadiisa oo isu diyaarinaya in ay xafladda sagootiyaan

Bidix; Ibraahim – xidhiidhiyaha, Yaasiin Maxamuud, Carwo, Gud.Saleebaan, Cabdiraxmaan iyo Cabdirisaaq Abyan.

Shahaado sharaf iyo billad la guddoonsiinayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur)