Md Muse Biixi Oo Maamulka Rayaale ka dalbaday inuu mideeyo Weedhaha kala fog ee ka soo Yeedhaya Wasiiradiisa

Hargeysa(HWN):- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah KULMIYE ayaa wax lala yaabo ku tilmaamo weedho is burinaya oo ka soo yeedhay todobaadkan Wasiiro ka tirsan Xukuumada. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE ahna ku simaha Gudoomiyaha Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay haddallo ku aadan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka soo yeedhay Wasiiro xukuumadda ka tirsan.

“Warbaahintu afar war oo is khilaafsan ayay dawlada ka keeneen oo aan is lahayn oo waayeelna aanu ku hadal xukuumadeenana aynaan ka filayn, Wasiiradeena inoo madaxda ahna aynaan ka filayn, haddii wararkaasi jiraan oo sidaa madaxdu tidhi waa mid subxaanaha leh oo dalku gurmad ayuu  u baahan yahay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi waxaana uu intaa ku daray isaga oo haddalkiisa sii watana uu yidhi.

“Maalin dhawayd Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadu waxa uu yidhi baa la yidhi Siilaanyo dalka kama soo dagi karro, haddana waxa ka dambeeyay Wasiirkiisii oo isaga ka sareeya, waxaanu yidhi arrintaasi maaha wax dhici kara oo sidii nin odey ah iyo sidii waajibka dawladu ahaa ayuu u hadlay, isla warkaa waxa daba socday Wasiirkii warfaafintaba inoo qaabilsanaa ee adduunkaba inoola haddli lahaa oo leh cafis ha soo waydiisto dalka, haddana saaka (shalay subax) waxa ku xigay Wasiirkii hore (Arrimaha dibada) oo leh arrintaa waxba kama jiraan, waanu dhaga barjownay, xukuumada waxaanu leenahay waxani miyay jiraan, waxaan leeyahay ha isku noqdaan oo wax midaysan ha keenaan.”

Muuse Biixi waxaa uu sheegay in uu wer-wer ka qabo qaabka xukuumaddu u qaabisho waddamada dunida. “Waxa aan ka warwaray oo tolow marka ay caalamka u baxaana wasiiraddiinu ma sidanbaa, waxaan la idiin af-garan la’yahay ee aad labaatanka sanadood aad ictiraafka u waydeen, ma sidan ayaad iskaga hortimaadaan waa masiibee.”Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi oo ka hadlayay shalay xaflad loo sameeyay guddi fulineed cusub oo xisbiga KULMIYE u sameeyay gobolka Maroodi-jeex.

Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xassan Cige oo isaguna xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo dalka ku soo laabanayo ilaa 29-ka bishan, Islamarkaana waxaa uu ku guubaabiyay taageerayaasha inay u diyaar-garoobaan soo dhaweynta gudoomiyaha;

“Guddoomiyaheenii wuu imanayaa 27/01/2010-ka ayuu soo ambabaxayaa, waxaynu doonaynaa in aynu isku diyaarino soo dhawaynta guddoomiyaha, waad maqasheen in xisbiyadda qaarkood ay ku  andacoodeen in guddoomiyaha Kulmiye aanu imanayn dalka, taasi oo noqotay wax lagu qoslo, Guddoomiyeheenii wuu imanayaa 28-ka ama 29-ka bishan waynu ogaanaynaa, waa in tabaabulshaha iyo qabanqaabada ugu wayn aynu galno, waa inaynaan waxba iskula hadhin xoogeena, maalkeena iyo gaadiidkeenaba, waa in aynu tusnaa xukuumada joogta maanta ee iyadu ka talinaysa dalka erayadaana ku hadlaysa inaynu nahay xisbi dhisan oo madaxdiisii leh oo xoogiisii leh, oo aan cidnaba laga horjoogsan karin haddii ay Siilaanyo tahay iyo haddii ay Guddoomiyaha tahay iyo haddii ay xubin tahayba inaan la iska hortaagi karin, dalka waala wada leeyahay waala tartamayaa, UDUB waxaanu leenahay waala tartamayaaye wax iska celi, maaha inaad tidhaahdo hebel baan celinayaa.” Ayuu yidhi

Dhinaca kalle, waxaa masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE si weyn uga hadleen gudidan fulinta ee loo sameeyay gobolkan oo ka kooban 17 xubnood, kuwaasoo uu hormuud ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji). Waxana munaasibadda lagu soo bandhigay hawlaha sida gaarka ah ay u qabanayaan gudidaasi oo noqonaya kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah ee xisbi yeesho ayaa waxa ay abaarayaan dad-weynaha. Iyagoo kullamo la yeelanaya, islamarkaana siyaabo kala duwan uga hawl-galaya guri illaa gurri Gobolka. “Waxa maanta laga bilaabo aynu isku ognahay in dhammaan gobolada oo ay ugu horeyaan shanta degmo ee caasimada Hargeysa in iyagana loo samayn doono nidaamka gudida, anigana waxa ii faan ah in aan ahay Guddoomiyhii ugu horeeyay ee dhamaystira gobolka Hargeysa.” Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa Xamarje.

Canab Cumar Illeeye oo ah Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa tidhi “Waxaanu ku rajo waynahay in maanta (shalay) laga bilaabo in gudigaasi ay bilaabi doonaan gobolka dardargalintiisii dhabta ahayd, qof waliba xil gaar ah ayaa saaran, waxaanuna leenahay barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen, waxa kale oo aanu guddo gali doonaa degmooyinka.

Waxaanu jecelnahay in xisbigu uu jaranjaradiisa uu sidaa ugu socdo, haddii xisbigu sidaa u socdana waxa aan u malaynayaa in aanay waxba ka xumaanayn, waayo waxa imanaysa kala dambayn, qof walbana waala jihaynayaa, haddii qof waliba jihadiisa ku hagaago nidaam iyo wada shaqayn ayaa imanaya.”

Guddoomiyaha haweenka ee Gobolka Hargeysa Marwo Layla Cismaan, oo iyaduna halkaas kalmado kooban ka tidhi, ayaa waxa ay soo dhawaysay gudidan oo ay xubin ka tahay, waxayna sheegtay in loo baahnaa in hore loo sameeyo, si Xisbiga ay ugu hirgalaan hawlo badan oo dhinaca ololaha ah, sidoo kale waxa ay xubnaha xisbiga kula daraarantay inay isku fikir ka noqdaan sidii loola shaqayn lahaa gudida fulinta ee gobolka Hargeysa.

Maxamuud Jaamac Warfaa, Guddoomiyaha gudida dardargalinta hawlaha xisbiga ee gobolka Hargeysa, oo isagu guddoomiye u ah gudida ku dadaashay sidii gudidan loo heli lahaa, oo isna halkaa ka hadlay isla-markaan ka akhriyay magacyada xubnaha gudida ayaa yidhi “Haddii aanu nahay gudidii musdambeedka, waxaanu isku xilsaarnay ama isku taagnay in aanu gobolkan oo aanu u aragnay inuu yahay gobolka ugu dadka badan ugu codadka badan, oo aanu ku qiyaasnay 39 ama 40% inuu codadka lixda gobol ee dalka ka yahay, haddii aanu nahay gudigan xil qaadistayadan waxa nagu kalifay markaanu aragnay in Gobolka Hargeysa yahay 40% codadka dalka yaala, waxaanu garanay in aanu dhisno gudidan, oo aanan gobolka ku daynin ee aanu socono ilaa heer laameed, oo aanu gaadhsiino heer ah in 50-kii guriba in aanu ogaano inta Kulmiye ah.” Ayuu yidhi.

Hadhwanaagnews.com/Office