Wariye Rambo Oo Si Sharci Daro Ah Xukuumado Doonayso Inay U Xidho

https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.net/attached/u_628d_2009-7-26-0-20-32f_rambo.JPG?w=620Hargeysa (HWN)- Xukuumadda Somaliland ayaa xadhig la raadinaysa Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo). Xadhigaas oo ay wararka qaar sheegayaan inay amarkiisa bixisay madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da loo yaqaan loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Wargeyska Geeska Afrika, taas oo ku saabsan aragti uu wargeysku baahiyay cadadkiisii 842aad ee soo baxay Axadii toddobaadkan, taasoo uu qoray muwaadin magaciisa la yidhaahdo Axmednagashi oo degen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxa uu ku naqdiyay socdaal la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale ku tagayo dalka Sucuudiga.

Qormadaas oo uu ciwaankeedu ahaa “Xadhkaha loo soohday Somaliland iyo safarka Madaxweynaha ee Sucuudiga,” una gaar ahaa qoraha, ayaa damqay madaxtooyada, taas oo aakhirkii keentay in la bixiyo amar si sharci darro ah lagu doonayo in xabsiga loogu taxaabo Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika.

Waaxda baadhista dambiyadda ee hay’adda CID-da, ayaa shalay u yeedhay Tifaftiraha Wargeyska, waxaanay wax ka weydiiyeen qormadaas, iyadoo isna sida la sheegay, uu masuuliyinta hay’adaas u sheegay inuu qormadaas qoray muwaadin degen dalka Kenya, kaas oo uu magaciisu ku caddaa lana socday cadadka uu wargeysku qormadaas ku baahiyay, maadaama distoorka qaranku xaq siiyay cabiraadda rayiga ee muwaadiniinta. Dad badan ayay amakaag ku noqotay in madaxtooyada Somaliland ka damqado muwaadin rayigiisa cabiray, taas oo ka dhigan ‘ciddi waxba igama qori karto.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay go’aansatay inay ugaadhsato saxafiyiinta Somaliland iyo weliba hay’adaha warbaahinta, taas oo si cad uga horimanaysa distoorka Somaliland oo fasaxaya xorriyadda saxaafadda Somaliland.

Mana ah markii u horaysay ee ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale qaado tallaabooyin ka dhan ah xoriyatal qawlka iyo cabiraadda rayiga.

Xigasho/Hadhwanaagnews

Toronto,Canada.