Xisbiga KULMIYE Oo Munaasibad Maamuus Ah Ku Soo Dhaweeyey Taageerayaal Cusub Oo Xisbigoodu Yeeshay

https://i2.wp.com/www.longlivesomaliland.com/IMAGES/Eng-Baashe-Cabdi-Gaboobe.jpg?w=620

Hargeysa(kulmiye.com):-Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga  KULMIYE, ayaa maanta Xaflad soo dhawayn ah ku qaabilay Taageerayaal cusub oo Xisbigooda ku soo biiray, isla markaana sheegay inay ka soo baxeen Xisbiga talada haya ee UDUB oo ay hore u taageeri jirieen.

Xafladan oo lagu qabtay hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. Waxaa ugu horeyn isagu halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Ololaha Gobollada Gallbeedka ee Xisbiga KULMIYE Md Baashe Cabdi Gaboobe, waxaana uu soo dhoweeyey taageerayaasha ku soo biiray xisbigooda oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen laf-dhabartii xisbiga UDUB, oo u adkaysan waayey dib u dhaca dalka ku habsaday isaga oo arintaas ka hadlay Md Gaboobe.

“Waxaan u arkaa taageerayaashan nagu soo biiray maanta inay yihiin laf-dhabartii uu ka dhaqaaqayay xisbiga UDUB, oo diiday dhibaatada, dib u dhaca iyo horumar la’aanta uu ku hayo dalka xisbiga UDUB. Isla markaana waxaa ay doonayaan inay ka qayb-qaataan is-bedelka la filayo in uu dalka ka dhaco ee uu hormuud ka yahay xisbiga KULMIYE, gacmo furana waanu ku soo dhoweynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Gaboobe.

Waxa kale oo uu Baashe Cabdi Gaboobe, sheegay in ay xuquuq siman ay leeyihiin dhammaan taageerayaasha xisbigu. Iyaguna ay la mid yihiin taageerayaashaas. Isla markaana uu xisbiga KULMIYE diyaar u la yahay, wixii ay ka waayeen xisbiga UDUB ee ay ka soo baxeen, waxaanu yidhi “Waxaan idin balan-qaadaynaa wixii aad ka weydeen xisbiga UDUB, in aad KULMIYE ka helaysaan, Xisbigana taageerayaashii hore iyo kuwiinan cusubi-ba waxaad ku leedihiin xuquuq isku mid ah”

Sida oo kale waxaa madasha hadal kooban ka jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi [Xamarji], waxaana uu taageerayaashan ka soo baxay xisbiga UDUB ee ku soo biiray xisbigooda u sheegay in ay masuuliyiinta xisbigu gacmo furan ku dhoweynayaan, isla markaana wakhtigan loo baahan yahay taageeradooda.

https://i0.wp.com/lughaya.com/lug/wp-content/uploads/2008/09/mudane-kulmiye-ah.JPG?w=620

Mr Xamarji waxaa uu sheegay in aanu Xisbiga KULMIYE, xaflado u qaban caruurta iyo ardayda dugsiyada hoose oo dirayskooda wata, sida uu inta badan sameeyo xisbiga talada haya ee UDUB, si uu u majaro-habaabiyo rayul-caamka taageera xisbiyada mucaaridka gaar ahaan KULMIYE.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, oo farxad weyn ka muujiyey taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbigooda, ayaa tilmaamay in taageerayaashani ahaayeen kuwo kaalin muuqata kaga jiray xisbiga UDUB, isla markaana yihiin masuuliyiin xilal ka hayey qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Hargeysa.

Munaasibadan oo ay kalmado kala duwan ka soo jeediyeen shakhsiyaad door ah, ayaa waxaa erayo kooban oo ku taxaluuqa u jeedadii ay uga soo baxeen xisbiga UDUB, una doorteen xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ka jeediyey Gudoomiyihii hore ee Garabka Dhalinyarta ee degmada 26-ka Juun ee xisbiga UDUB Mr Fu’aad Ibraahim Kooshin, waxaanu sheegay in mudo sideed sannadood ah oo ay ka mid ahaayeen xisbiga UDUB, ku dadaaleen sidii ay umadda quluubtooda ugu soo jeedin lahaayeen xisbigaas si ay ugu hirgesho in uu taageerayaal badan kas-bado. Hase yeeshee waxaa uu masuulkani carabaabay in sababta ay waxaas oo tabac ah ay galinayeen ay ahayd in xukumadu taageero iyo wax qabad la taaban karo ka geysato baahiyaha taageerayaasha, balse taasi aanay taasi dhicin.

Fu’aad waxa kale oo uu tilmaamay in wakhtigii uu socday ololihii doorashada madaxtooyada somaliland ee uu ahaa xisbiga UDUB ay gacamaha iskula tageen masuuliyiin ka tirsan KULMIYE, balse maanta ay u arkaan xisbiga kaliya ee dib u dhaca balaadhan ee dalka ku habsaday uu yahay KULMIYE, taasin ay keentay inay ka doortaan axsaabta kale.

Maaha markii ugu horeysay ee sidan oo kale Taageerayaal Xisbiga UDUB ka soo baxay ku soo biiraan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, hase ahaatee, toddobaad kasta waxay Masuuliyiinta KULMIYE soo dhaweeyaan taageerayaal cusub oo ku soo biiray, kana soo guuray UDUB.