Cali Guray Wuxuu Yidhi Kulmiye Gaboose Ayaan Uga Baxay, Hadana Wuxuu Yidhi Jug-soo Dhacay…

See  full size image

Cali Guray Wuxuu Yidhi Kulmiye Gaboose Ayaan Uga Baxay, Hadana Wuxuu Yidhi Jug-soo Dhacay- Hargeysa Aniga Ayuu Magan Iigu Yahay

Waad Salaamantiin  Shacabka Somaliland Iyo Saxafada gaar ahaan Webekadaha Wararka iyo Aragtiha Naga Gudbiya.

Dhacdo waliba taariikh leh maalin waliba sumad iyo sowrac gaara leh, Qofkastana  kartidiisa iyo aqoontiisa  Raganimadiisa iyo xilkasnimadiisa leh.

Waxay Ahayd daraad markii Nin Loo han waynaa oo  shacabka somaliland u haysteen in uu intaa dhaamo hadal aan milgo iyo nin-nimo waxgarad-nimo  Somaliland-nimo SNM- nimo  Mujaahid-nimo Intaa Midna Shuqul Kulahayni Ka Soo Yeedhay Cali Guray,  Hadalkaas  oo ahaa sidii aan uga baranay xusbiga udub iyo dadka ku jira,  Mid Murtida Iyo Aqoontaba Ka aradan oo aad moodo in uu Ka soo baxay calool iyo caqli ciil ku raagay.
Cali Guray  wuxuu noqday Kurtinkii Cigaal Shiidaad Bahalka Mooday ee yidhi ma waxaan ku mooday mise waxad noqtay mise waxan loo noqon doonin Waxaan kumooday bahal waxaad noqotay Kurtin Waxaan Loo Noqon Doonin Guure Habeenimo. Cali Gurayow Waxaan Ku Mooday Mujaahid Waxaad Noqotay Hangash Waxaan La Dhegaysan Doonin Cali Guray SNM Buu Ahaa.

Weligay Maan Arag Nin SNM ah ama soo maray oo hadana yidhaaho waxaan u hadlayaa Sida Cali Guray U hadlay Bal  Xasuuso hadallada Cali Guray.

1- Cali Guray Wuxuu Simay oo Isku Derejo ka dhigay Mujaahid Siilanyo oo Isaga oo Wasiira oo Wax Ka maqani Jirin Ka Gilgishay Tacadigii Shacabka Lagu Hayey Una Talaabay Duurka iyo Hawdka Si uu Ugu Dagaalamo Shacabkiisa Sidoo kalena Ahaa Gudoomiyihii SNM 7 Sano Hogaaminayey.
Iyo Mr Judh soo dhacay oo Somaliland  6 Bilood Joogey Oo Somaliland-nimadaba  Ay kala Wayn tahay Jacaylka Riyaale Haddii Beri Xilka Riyaale Ka degana Jabouti Qabanaya oo aan joogayn ba.

2- Cali Guray Wuxuu Sameeyey Qodob Ka xaaraan ah SNM nimada  Qodobkaasi waxa weeye in  Nin SNM ahi yidhaho halkan anaga ayaa leh hebelna wan u ogolay Hebelna uma Ogoli.

3- Cali Guray waxaa loo adeegsaday Isku Dir Reerro ama iska Horkeen Taasina Waa mid Ka xaaraan ah SNM-nimada.

4-Cali Guray Wuxuu Yidhi Kulmiye Gaboose Ayaan Uga Baxay, Hadana Wuxuu Yidhi Jug Soo Dhacay Aniga Ayuu Hargyesa iigu Magan Yahay.!

Waxaan Ku Soo Gebagebaynayaa  Hadal Kayga Tixdan

Caliyow Hareef Kuguma
WadinHaydhaf Iyo Liide
Hurintii SnmIyo Markaad
HawdkaLana Joogtey
HanaqaadkaWaataad
ahayd Loo Han waynyahaye
Halyey iyo Waxaad Nala Ahayd
Ruux Hadoodilane Hangash
NooqtayHadalkii Daraad
Hibidi Kaa Tuurye
Jug Soo Dhacayga Soo Haajiriyo
Hadal Jileeciisa
Hadaad Tidhi Waxan Hiil U ahay
Odaygan Soo Heermay
Hadaad Tidhi Hargaysadii
Wacnayd Haybta Anigaa Leh
Hadaad Tidhi Waxaan U
Hadalyaa Haaco Iyo Liidka
Hangashta Iyo NSS-Ta
Iyo Reer Iska Horkeenka
Haddaad Tidhi Hormuud
Baan U ahay Daahir Hadafkisa
Haddii Hebello Kugu Soo
Dhaheen Cay Halgame-yaasha
Oo Aad HogaanKii Snm
Adigu Heerayso Alleylehe
Halkan Kugu Wadiyo
Seegtay Hilinkii.
Alleylehe Hog Bay Kugu
Rideen Haybad Xumeyaal
Hunguri Baa Ku Qaatayoo
Calow Sharaftii Kaa Heeray
Wadigaa Hadaaqay Ku
DhacayUdub Hogeedii.

Cali Kayse Kabadhe
Calikayse@live.com
Netherlands