Cismaan Hindi, Waa Cismaan Guulwade

http://boorama.files.wordpress.com/2009/08/cisman-hindi-1.jpg?w=620

Gudoomiyaha xisbiga Udub u qaabilsan guulwadaynta  iyo sheeko baralayda mr Cismaan Sirilanki, Ops Cismaan Hindi,  ayaa baryahan dambe shaqadiisii ka dhamaan wayday inuu hadba Daahir Riyaale u saaro barnaamijka loo kiraystay ee ah aflagaadada mujaahidiinta iyo raggii dalka soo xoreeyay ee afkaagu yaanu ku ciilin.

Cismaan Guulwade, waxaa uu ku yara dheeraaday  Maxamed Muuse Abees iyo  Yusuf Guruuje oo u yidhi cid doorata ayay waayeen.   Jawaabta arintaas ee Cismaan guulwade ku dheeraan maayo waxaanan se leeyahay labadaa xubnoodba waxay yihiin laba nin oo beelahooda magac iyo maamuusba ku leh waa laba xubnood oo aad looga jecelyahay xisbiga Kulmiye xaasha guulwadenimana aan waligood ku shaqaysan halka adiga Cismaan Hindi  doorashadii golaha wakiilada ee xisbiga Kulmiye aad kuba soo bixi wayday xulkii murashaxiinta ugu horeeyay oo meel madhan iyo ciyaal sideed jir ah ku soo dhamaaday. Cismaan Hindi, xisbiga Kulmiye in badan buu kuu xan qariyay waayo dadka xisbiga kugula jiray kumay soo dhaqmin  umanayna  dhalan guulwadenimo ku ceesha iyo dab kaad xisbiga aad is tidhi dhex dhig balse aad ku fashilantay taasaana keentay in lagaa eryo xisbiga oo iridaha lagaa wada xidho duhur loo wada joogo.

Nin daad qaaday xumbo cuskay Cismaan Hindina horta hadal kasta odhaahdiisa qadhiidh yar oo daaqad loo saaro ayuu wax kaga helaa Daahir Riyaale. Cismaan Hindi waxaa lagu magacaaba gudoomiyaha olalaha xisbiga Udub, hadaba ayaan daran Udubay waxaa looga  fadhiyay Olale iyo waxaasaanu qabanay, qorshehaasna waanu haynaa waxaa se ay wada noqodeen illa Jug soo dhacay xisbiga Cismaan Guulwade u hogaaminayo olalaha aflagaadada iyo hadal macno daran.

Muuse Biixi Cabdi, Hargeysa , Burco, Boorame, Berbara,Ceergaabo iyo Laascaanoodba afkooda wuu ku hadli karaa kolay Cisman Hindi uga dhaw. Hargeysi  waa tii uu wax ku bartay kuna soo kacaamay. Muuse Biixi Somaliland oo dhan ayuu u soo wada  halgamay halka adigu Cismaan guulwade (Hindi)  meel aad aad ku sugnayd jaan iyo cidhib wakhtiyadaas  aan war loo hayn waayo muj Muuse Biixi dee Jigjiga kamuu iman isaga oo cirro leh.  Cismaan Guulwadow (Hindi) waa iga su’aale waxaad doontaba iskaga hadaloo dib ma u akhrisataa wax aad ku hadasho, cid ku saxda se ma ledahay?

Cismaan Hindi yaanu taariikhdeedii SNM kaba hadlin isagu waayo dadna way og yihiin isna wuu is og yahay. Wuxuu ahaa dadka intoodii laga aamin ka baxay  lagana xan qarsan jiray maanta se wuxuu  ka mid noqday  kuwa faraha badan ee daaqadda  SNM kaga soo wada booday ee mujaahidiintii soo halgamay is leh ku dherarsaada  noqdayna in loo adeegsado inay aflagaadeeyaan (attack dogs) mujaahidiinta. Waxay ka mid yihiin nasiib darooyinka dhacay ee in kuwii NSS ta ahaa iyo basaasiintoodiiba ay maanta qaarna SNM sheegtaan qaar aflagaadoodaan.

“Bohol hadimo ha qodin ku dhici doontaana mooyiye”  Cismaan Hindiyow, wakhtiga ha iska luminina, waxaana idiin fiican inaad tartan xalaal ah iyo dood caafimaad qabta nala gashaan oo aflagaadooyinka aad marba dhex fadhiisanayso aad iska dayso hadii kale ninkii taariikh wanaagsan lahaa iyo kii taariikh madow lahaaba, labadaba daahir yaa shamis bay dadku u arkayaan ee ma laga yaabaa in hadal dambeba lagaa waayo marka hadaladan jaban laguugu soo jawaabo kuwo xaqiiq ah oo aad ku farxi waydo

Khadar Aw Ahmed Amer

Hargeysa,Somaliland

(geeddeeble@live.com)