Cisman Hindi Ha La Yaabina Waxaa Uu Ahaan Jiray Gaashaamistee

https://i2.wp.com/www.longlivesomaliland.com/IMAGES/cisman-hindi-new.jpg?w=620

Cisman Hindi Ha La Yaabina Waxaa Uu Ahaan Jiray Gaashaamistee. Qofkii Aan Aqoon U Lahayn Ereyga ‘Gaashamiste’, Reer Hamarka Hargeisa Jooga Ha Waydiiyo

‘Ninka yidhi wax baan gani
anigoo gol iyo cayn jooga, garnaylkaan ridi ayaan gudub cad gudub u weydaarin, godka lagu cadaabyoow muxuu go,uhu been sheegay,’ Sayid Abdalle Hassan, hanjabada Cisman Ee Uu xildhibaan  Nacnac kula dul kufay baan ka idhi taas.

Waraysi uu siiyey Cisman Hindi wargeysa Haatuf shalay cidkasta oo akhriday waxay si cad u agoon kartaa,  aqoonta  darada iyo garashada liidata ee uu Cisman la shir yimid,  waraysigaasi oo ka madhnaa aragtida siyaasada,si jaahilnimo ahna uga hadlay qaarka mida siyaasinta Somaliland, oo ku eedeyey in aanay beelahooda taageero ka haysan, isna uu ku faanay in uu ka haysto tolkii taageero, waa yaabe Somaliland iyo kursiga uu ku jooga tolow muxuu u haystaa, miyaan qaran la ahayn oo qolo qolo laga soo gudbin,halkuu geediga ku wada, Alla gadhna waa leeyahay waana garasha liitaa?  Intaas baa
ugu filan aqoon halka uu ka jooga. AQOONTOO KAA XUMAATA CISMAANOOW AAMUS AYAA LAGU KABAA.

Cismaan Hindi waxaa ku faanay  in uu aqoon iyo cilmi leeyahay, balse waxaa uu garan waayey markii ergooyinka la xulayey ka qayb galaya doorashada in laga reebay liiska maadamoo,buuxin kari waayey shuruudihii looga baahna qofka xisbiga u galaya doorashadu in uu leeyahay aqoon, taaso isaga laftiisu isku cadeeyey. Mid ka mid ah  murtidii Suldaan Saxardiid (AUN),Ayaa laga soo wariyey in uu yidhi sheekadan murtida ah.’Waxa jirey waqti hore in nin socota ahi  goor fiid ah uu Libaax kadaba yimid kadibna uu nafta kula caraarey geed dheer, balse nasiib daro intaanu geedka dushiisii sare gaadhin oo uu marayo meel dhexe ayuu indhihiisii qabteen Mas xaga sare ku sugaya, hoostiina Libaaxii isasoo taagay, kadib ninkii dhinacna waa uu u socon waayey oo talo ayaa ku cadaatay, ninkii wuxuu yidhi shantan hal ama hadal.

Libaax hal baan idhi,

Geedkana halbaan idhi,

Maskana hal baan idhi,

Naftaydana hal baan idhi,

Ilaahayna hal baan idhi

Murtidani uma baahna sharaxaad badan, balse aan ka qaato waxaan  u soo xigtay murtidan, waa geedka oo uu yidhi  ninkaasi waxaan ku aqaanay iyadoo lagu intifaacsado xooluhu ku daaqaan, midho lagaa gurto, maydhax lagaa diirto, udbo lagaa goosto, dadka daalanin hadhkaaga ku nastaan, balse waxaad noqotay bahalo galeen markii aad xaga sarena Mas dhigatay xaga hoosana Libaax dhigatay, balse marka aan kaa dego ayaan xidida ku saarayaaa, si aanan cid ama qof danbe u qaldin.

Ana waxaan qabaa in xisbiga UDUB geedkaas ka dhigan yahay, markii Cismaan Hindi  oo
shaqadiisu ahayd Gaashaamiste ka hor intii aanu Mafreshka ama Qaad iibinta ka bilaabin cariga Ingiriiska, uu ku noqday dadkii xisbiga ka tirsanaa Maskaas oo kale, kuwii xisbiya kalena u gashaday magic qabiil isagoo maalinba qof  dadka dhexdiisa karaamo ku
leh ama qabiil cid walba leh war loo soo dhiibay kula dhacay, taas oo sida igu  maqaalo ah
loogu bixiyey naanaysta ah( Dhakotiinle) oo loo bixiyo qofka aan sheegin wax maskaxdiisa ka soo baxa balse ku faana inuu sheego qof kale wuxuu u sheegay !!! waa yaab inuu magacaa u qalmana waxaan u daynayaa dadka iga aqoonta roon,

Afxumada cismaan hindi  kula dul kufo xisbiga Kulmiye,  gaar ahaana madaxdiisa sare, sida labadiisa gudoomiye, mudane, Ahmed Silaanyo, iyo Mudane  Muuse Biixi Abdi, uma baahna in waayo iyagaa Cismaan seejiyey shaqadiisii uu kusoo bar baaray, howshan iyo
badweyntan siyaasadeedna soo dhex geliyey, waa sida  hore loo yidhi ,‘idoor ninka ay maqasha ugu tag waayaan ayey geela u diraan’,  tan uu kula dul kufay xildhibaan Nac Nac  iyo warankiisan afaysan waxay ka dhigan tahay kubad gool dhaaftay sida looga aamuso!!!!!!

Waa ayaan darada Somaliland in maanta nin aan aqoon u lahayn siyaasad uu siyaasad mooday shaqi la caayo, cid la xumeeyo, been laga baayac mushtaro iyo in had iyo goor la
boobo hantida dawlada, qabiil lagu wax laysku moodo, waxaase is waydiin leh, hadalada loo soo dhiibayo Cisman Hindi intay gaadhsiin doonaan Madexweyne Riyale oo amiinsan in sida ay hada wax ugu socdaan u ku sii caano maali doono. Waxaanse leeyahay ha is waydiiyo Madexweynuhuu hadalada caynkan ee ay ku hadaqayaan madexda xisbigiisu’ Are they hurting or helping him’.
“Mandhoow axsaan lagama tago eed hadaad faliye”

By
Elmi Duale Jama

Cilmidheere1@hotmail.com

University College Cork (UCC) Ireland

Food Science and Engineering Faculty