CODKAAGA KU CIIL BAX- 23- Warbiixntii Xuuqda Aadmiga 2009 ee Xuku…

[arwo2.jpg]

Wasaarada Khaarajiga Maraykanka oo soo saartay Warbixin daaha ka rogtay boogaha Xukuumadda Rayaale

Waa sanadkii labaad ee dawladda Maraykan si ba’an u durtay nidaamka uu Madaxweyne Riyaale dalka ku hago, iyadoo soo qaadatay falalka ka dhanka ah xuquuqda muwaadinka. Waxa ay taabatay xadhiga joogta ah ee saxaafadda iyo muwaadiniinta kale een lahayn dacwad iyo maxkamad. Waxa ay muujisay tumashada dastuurka, ooy soo qaadatay mamnuuca mudaharaadada, idaacad xor ah oon jirin, iyo cidhiidhiga la galiyo dhaqdhaqaaqa xisbiyada. Waxa ay iftiimisay inayna jirin xuduud u kala yaal maxkamadaha iyo madaxtooyada. Waxa ay farta inoo saartay in dakhliga dawladdu ku baxo hay’adaha amniga ooyna isla markaas ahayn ciidan nidaamsan bal se ay ku tilmaantay malitia ooy ugu wacantay darojo la’aantu.

Waxa ay soo qaadatay ooy toos u abaartay in Madaxweynahu xeelad kasta uu ciyaaray si uu ugu sii nagaado kursiga. Waxay qaawisay sharci darradii korodhsiimaha xilka Guurtida ee Madaxweynahu u kordhiyey ooy u aragtay “Aan idiin qoqee idina ii qoqa”..

Waxay is-dul taagtay dhacdadii mudaharaadkii Sebtember 2009 ee barlamanka loogu gurmaday ee muwaadiniinta lagu laayey rasaas nool. Waxa ay xustay inaan dilalkii bolisku geystay hore iyo dambeba aan midna la maxkamadeen wax war ahna laga soo saarin. Ogow xataa shacbi iyo barlamaan midna arrintan ma dabo joogo, waxa se dabo socda laanta xuquuqda aadmiga ee dawladda Maraykan…Muwaadin taasi siday kuula muuqataa?

Waxa ay muujisay mas’uuliyad-darrada ka taagan Ceel-Bardaale oon xil ayna iska saarin xukuumaddu dilkii foosha xumaa ee is-daba joogay iyo talaadayda nacasnimo ee kolba soo labo-kaclaysa iyo dhacdooyinkii ka horeeyeyba. Waa xukuumad xilkeed gabtay iyo shacbi cadaalad waayey.

Haddaba warbixintan oon hoos idinku soo gudbin doono, waxay ku koobnayd arrimaha xuquuqda aadmiga oo keliya, taas marka aad ku darto musuq-maasuqa, dhaca hantida qaran, af-xumada iyo kala qaybinta bulshada, been iyo xaalad abuurka iwm miyeyna kuu muuqan inaad u baahantay is-bedel dhab ah oo dhakhso ah. Nabarka dalka ku yaalaa waa mid si degdeg ah u fidaaya, waa mid u dhow inuu curyaamiyo.Waxa muuqata rafad iyo olool ka soo birqamaaya UDUB oo loo xaqiijiyey in xumaanteedii la arkay. Waa kiis iska waal iyo jeedin marinka bulshadu qabsatay laga duwaayo, ka furayso dhegaha oo noqoo ruux ku adkeysta wadajirka bulsho iyo danta guud. Ha noqon ninka raadkii geelisa haya ee kii dhacay marin habaabiyey. Danta muwaadinku min Loya’caddo ilaa Ceelaayo waa sharciga oo loo sinaado, waa hantida qaranka oo loo sinaado, waa xaqqa iyo cadaaladda oo loo kaco, waa inagoo gacmaha is-haysana oo marinka toosan ku soo celina nidaamka dalka lagu hago.

U gurmo dalkaaga oo ummaddaada kala qayb gal siday u dooran lahaayeen xukuumad iyaga u adeegta, u shaqaysa, iyagu leeyihiin ee ayna iyaga lahayn. Ku aarso CODKAAGA oo ku CIIL BAX. Taageer Kulmiye isagaa kaa maydhi xumihii ku soo daashaday. U toos xaqaaga oo gacantaada ku soo cesho xaqqa dastuurku ku siiyey inaad wax doorato, inaad xukunka ka riddo kaad u garan weydo, ood saarto kaad rabto. Waqti yaana kaaga lumin U-DHIS ee raac DHISKA jira, Intaad DHISMAHA jira duminayso hagaaji, how adeegin si dadban cimri dhererka xukuumadda gaal iyo muslinba xumaheeda arkay. DHIS aan asaasba loo jeexin waqtigaaga ha ku lumin. Ninka raba inuu helo URUR u gaar ah ha taageero sifaha sharciga ah ee lagu gaadhaayo. Waa sida QARAN garatay oo ah taageerada Kulmiye, isagaa kuu furi xisbigaa jeebka ku sidato ee u Codee Kulmiye, hana noqon nin si dadban ugu shaqeeya UDUB.

Warbixinta oo aslan ahaan ku dhex jirta tan Soomaliya Ingiriisina ku qoran oon khad bluu ah ku xardhay inta Somaliland khusaysa ka akhri halkan:

http://samotalis.blogspot.com/2010/03/somalia-and-somaliland-2009-country.html

Dhinaca af-soomaaliga waxa inaga dabooshay OGAAL oon ka soo xigtay waana tan ee akhris wacan iyo caqli fakira.

Washington (ogaal)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka, ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Rayaale dhawr jeer dib u dhigay Doorashada Madaxtooyada, isla markaana Dawladda uu madaxda ka yahay ay tacaddiyo kula kacdo qaybha kala duwan ee Bulshada. Waxaanay sheegtay in aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin, sharcigana la horkeenin Ciidamo Boolis ah oo Rasaas ku dilay dad shacab ah iyo Malleeshiyo jid-gooyo ay galeen dad ku dilay Waddada xidhiidhisa Borama iyo Gabiley.

Warbixin dheer oo ay soo saartay qaybta Dimuqraadiyadda, Xuquuqda Aadamaha iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanku, lagagana hadlayay xaaladda nololeed, siyaasadeed, xorriyadeed iyo dimuqraadiyadeed ee guud ahaan dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale geysatay tacaddiyo ka dhan ah Shacabka, Saxaafadda, Ururada Xuquuqda Aadamaha iyo Siyaasiyiinta qaarkood.

Warbixintan oo aad u dheer, isla markaana qayb ka mid ah Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay, ayaa lagaga hadlay dhacdooyinka siyaasadeed iyo nololeed ee Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxaana lagu sheegay in tacaddiyo badan ay geysteen Maamul-gobolleedka Puntland iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintaas oo lagu baahiyay barta Shabakadda Internet-ka ay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay geystay tacaddiyo bani-aadamnimo. “Bishii July Warbixin ay soo saareen Ururada aan dawliga ahayn ee Caalamiga ah iyo kuwa Xuquuqda Aadamaha, ayaa lagu sheegay in Maamulka Somaliland uu geystay xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha, isla markaana dhaliyay qalalaase halis ah oo doorasho.” Ayaa lagu yidhi Warbixintaas.

Mudaharaadyadii dhacay iyo jawaabtii Xukuumadda:

Mar Waribixintu ka hadlaysay Mudaharaadyo sanadkii tegay ka dhacay Somaliland iyo sida Xukuumaddu ula dhaqantay dibed-baxayaasha iyo sidoo khilaafka Deegaanka Ceel-berdaale, ayaa waxay tidhi, “Ciidamada Somaliland oo si adag loo adeegsaday, ayaa keenay dhimashada dad Mudaharaadayaal ah sanadkii tegay. Bishii April shan qof ayaa ku dhintay khilaaf ka dhashay Dhul-beereedka Ceel-Berdaale ee Gabiley. In ka badan 100 Madax-dhaqameed ayaa tegay Kala-baydh, iyaga oo adeegsaday habka dhexdhexaadin-dhaqameedka. Dhacdo la xidhiidhay taas oo dhacday 11 July, ayaa ahayd Malleeshiyo aan la aqoonsan oo Gaadhi ay ku joojiyeen Jidka u dhaxeeya Borama iyo Gabiley ku qafaashay 10 qof oo afar ka mid ah ay gawraceen. Maamulka Somaliland cidna uma xidhin dilkaas, Madax-dhaqameedka ayaana laga sugayay inay soo qabtaan oo ay u gacan-galiyaan dadka waxan fuliyay Booliska. Ma jiraan wax tallaabo ah o laga qaaday dadkii dilalka geystay.” Waxaana Warbixintan lagu sheegay in Miindooyinka Dhulka ku aasani ay sababeen dhimashooyin kala duwan.

Sidoo kale, waxa Warbixintan lagu sheegay in Dawladda Somaliland iyo ta ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya aanay wax tallaabo ah ka qaadin dad ay sheegeen inay geystaan jidh-dil, kufsi iyo tallaabooyin kale oo bani’aadamnimada ka dhan ah sanadkii 2007 ilaa 2008. Waxaanay sheegeen in Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP uu tababaro u fidiyay Ilaalada Xabsiyada Somaliland qaarkood, isla markaana ay guddi madax bannaan u dirtay Xabsiyada, si xaaladdooda loo indho-indheeyo. Hase ahaatee, waxay sheegtay Warbixintu in Xukuumadda Somaliland aanay baadhitaan ku samayn tallaabooyin ay qaadeen Booliska iyo Malleeshiyada Jidka Borama iyo Gabiley dadka ku laysay. “Meel-ka-dhacyada Somaliland ee ay geystaan Booliska iyo Malleeshiyada in yar oo ka mid ah ayaa baadhitaan lagu sameeyay, Ciidamada Booliskuna way ku guul-darraysteen inay difaacaan amaba ka jawaabaan xad-gudubyada shacabka lagula kacay.” Ayaa lagu yidhi Warbixintaas.

Xadhigga Wadaaddada iyo Suxufiyiinta:

Waxyaabaha kale ee Warbixintani xustay waxa ka mid ah xadhigyo lagula kacay Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland, halka sida Warbixintu sheegtay aanay Dawladda Shariifku sanadkii tegay xidhin wax Suxufi ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay Warbixinta inay xidhay sanadkii tegay Wadaaddo kala duwan oo ka hadlay xaaladda dalka iyo Doorashooyinka baaqday. “Bishii April 4 Ciidamada Booliska Somaliland waxay xidheen laba ka mid ah Iimaamyada Masaajiddada Hargeysa oo kala ah; Sh. Axmed Dayib Aadan iyo Sh. Cabdilaahi Maxamed. Ciidamadu waxay Sh. Axmed xidheen subax hore, ka dib markii uu Khudbaddii Salaad Jimce kaga hadlay Doorashooyinka. Maamulka Somaliland wax tafaasiil ah kamay bixin sababta xadhigga, balse waxay Wadaaddada sii daysay 6 April iyada oo aan Maxkamad la geynin.” Waxaanay intaa raacisay Warbixintu oo ay tidhi, “Bishii April 14-keedii Ciidamada Booliska Somaliland waxay xidheen Boqor Saleebaan Xasan oo ka qayb galay isu-soo-bax ay soo abaabuleen Mucaaradku oo dhacay maalintii maalintaas ka horraysay. Sidoo kale, bishii August 20-keedii Guddoomiyayayaasha Degmada Borama ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, ayaa la xidhay markii lagu eedeeyay inay fulinayeen falal nabadgelyada ka dhan ah.”

Madax-bannaanida Garsoorka iyo Saxaafadda:

Warbixintan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanku waxa kale oo lagu sheegay in waaxda Garsoorka ee Somaliland aanay madax-bannaanayn, islamarkaana Xukuumaddu adeegsato Xeerar ka horjeeda Dastuurka. “Dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa Garsoor madax-bannaan, hase ahaatee, Garsoorku uma madax-bannaana hawlahooda. Dastuurka Somaliland wuxuu ku qotomaa mabaadii’da Dimuqraadiyadda, laakiin maamulku wuxuu joogteeyay adeegsiga shuruuc ka hor imanaysa Dastuurka, kuwaas oo qaarkood ka horjeedaan mabaadii’da Dimuqraadiyadda. Maxkamado shaqeeyaa way ka jiraan Somaliland, inkastoo ay jiraan Garsoorayaal aan tababarnayn..Ururada Caalamiga ah ayaa soo tebiyay in Masuuliyiinta qaarkood ay farogeliyaan arrimaha Sharciga iyo in sharciga guud ee Somaliland had iyo jeer loo isticmaalo xadhigga iyo xabbisidda dadka, iyaga oo aan Maxkamad la horgeyn.” Ayaa ka mid ahaa warbixintani waxyaabihii ay xambaarsanayd.

Waxa kale oo Warbixintan lagu sheegay in Madax-dhaqameedka Somaliland ay door ku leeyihiin dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka, mar arrintaa lagag hadlayayna waxay warbixintu tidhi, “Sanadkii tegay Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa dhex galay khilaafaadkii Siyaasadeed ee u dhaceeyay Dawladda iyo Axsaabta Mucaaradka ah. Qabaa’ilka iyo Jilibyada hoose ee Qabiiladu waxay adeegsadaan Cadaalad-dhaqameed.”

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa Warbixintu tilmaantay in ay ka horjeeddo lahaanshaha iyo furashada Idaacadaha Madaxa bannaan. “Somaliland waxa ka soo baxa toddoba Wargeys oo madax bannaan oo si maalinle ah uga soo baxa Hargeysa oo kala ah; Geeska Afrika, Ogaal, Jamhuuriya, Haatuf, Waaheen, Saxansaxo iyo Maalmaha. Sidoo kale waxa jira Wargeys Dawladdu leedahay ee Maandeeq iyo laba Wargeys oo kale toddobaadkii mar Ingiriisi ku soo baxa; Somaliland Times iyo The Republican. Waxa kale oo jira saddex Telefishan, HCTV, SLSC iyo mid ay Dawladdu leedahay SLNTV. Inkastoo Dastuurka Somalialnd ogolaanayo madax-bannaanida Saxaafadda, haddana Dawladda Somalialnd waxay mamnuucday furashada Idaacadaha madaxa bannaan ee mawjadaha FM..Warbaahinta madaxa bannaana waxa soo waajahay tacaddiyo kaga yimi dhinaca Dawladda Somaliland, gaar ahaan waqtigii muddayntii hore ee Doorashada.” Ayaa ka mid ahaa Warbixintaas. Waxaanay magacowday Suxufiyiin kala duwan oo ka hawl-gala Warbaahinta Madaxa bannaan oo xabsiyada loo taxaabay iyo taariikhda la xidhay. Sidoo kalena, waxay Warbixintani soo qaadday in Somaliland uu ahaa dal madax bannaan muddo kooban oo xorriyaddiisa ka qaatay Ingiriiska, ka hor intii aanu la midoobin Soomaaliya.

Baaqashada Doorashooyinka iyo doorka M/weyne Rayaale:

Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweyne Rayaale dib u dhigay Doorashada Madaxtooyada afar jeer. “Madaxwenaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo la doortay bishii April 2003, wuxuu qaaday tallaabooyin kala duwan oo uu dib-ugu-dhigay Doorashada markii afraad, si uu xilka u sii hayo. Bilowgii 2006 Rayaale wuxuu bilaabay tallaabo ay Golaha aan la dooran ee Guurtidu ugu kordhiyeen muddada xil-haynta. Bishii April 2008, Guurtidu waxay dib u dhigtay Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka, waxaanay muddadii u kordhiyeen Madaxweyne Rayaale oo ay sanad ugu dareen. Ka dib markii la galay dhexdhexaadin lagu guulaystay oo Caalamku waday, waxa Xisbiyadu ku heshiiyeen in April 2009 ay dhacdo Doorashadu, ka dib marka la qabto Diiwaangelinta. Laakiin, bishii March 3-deedii ayaa Guddida Doorashada Qaranku ay ku dhawaaqeen in Doorashadu qabsoomayso 31 May, hase ahaatee, 28 March ayay Guurtidu u codaysay in dib lood dhigo Doorashada oo Rayaale xilka hayo ilaa 27 September. Waxa kor u kacday xaraaraddii Siyaasadda, bishii August 29-keedii ayay Ciidamada Boolisku xidheen Dhismaha Baarlamaanka. Intii u dhaxaysay March ilaa September ayay Xisbiyada Mucaaradku ka mudaharaadeen muddo-kordhinta, waxaana Miiska Golaha Wakiilada la soo dhigay Mooshin xilka-xayuubin Madaxweyne ah.” ayaa lagu yidhi, waxaanay si qoto dheer uga warbixisay in waqtigaa Xabsiyada loo taxaabay dad tiro badan oo 44 qof kor u dhaafay. Waxaanay xustay in 25 September Golaha Guurtidu ansixiyeen heshiis 6 qodob ah oo ay gaadheen Axsaabtu, dhexdhexaadina ka ahaayeen Beesha Caalamku. “…Waxa lagu heshiiyay in Madaxweyne Rayaale xilku ka dhammaanayo bil ka dib marka Doorashadu qabsoonto.” Ayaa lgu yidhi Warbixintaas.

Gebogebadiina, Warbixintani waxay sheegtay xadhiggii Madaxdii Urur-Siyaasadeedkii Qaran, waxaana lagu soo gebogebeeyay Warbixintaas oo lagu yidhi, “Dhammaadkii sanadkii tegay saddexda hoggaamiye Siyaasi (Madaxda Qaran) waa loo ogolaaday inay is-diiwaangeliyaan, laakiin waa loo diiday inay ka qayb-galaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed cusub oo ay sameeyaan.”

Waa akhris wacan iyo fikir suuban.

Tan iyo qormo kale, ammaano Alle.

Hu biir SAMOTALIS

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=nf

Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com