Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Booqday Cisbitaalka Guud ee Hargaysa

Hargaysa(Ramaas) Mar.28, 2010 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqday bukaanka ku jira cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargasya, waxaanu soo maray dhamaan waadhadhka cisbitaalkaasi ka kooban yahay.

Guddoomiyaha oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE waxa uu ILLAAHAY uga baryay dadkaasi bukaanka ah in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu si gaar ah waadhka uu ku jiro ugu booqday guddoomiyihii Xafiiska Xawaadle ee magaalada Hargaysa ee xisbiga KULMIYE Rabiic Maxamed Xuseen oo xalay ku dhaawacmay rasaas ciidanka boolisku ku rideen dhalinyaro la sheegay in ay rabash samaynayeen.

Muddadii uu guddoomiyuhu ku guda jiray kormeerkiisa cisbitaalka guud ee Magaalada Hargasya waxa indhihiisa soo jiitay mid ka mida bukaankii cisbitaalka yaalay oo sariirtiisa dul sudhay calanka xisbiga KULMIYE,

kaas oo guddoomiyuhu dul istaagay sariirtiisii ILLAAHAYNA uga baryay in isaga iyo bukaanka kaleba uu shaafiyo.

Qaar kamida bukaankii cisbitaalka yaalay ayaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE si wayn ugaga mahad naqay booqashadiisa oo ay sheegeen in ay wax wayn u tahay.

Dhinaca kale ma jirin cid ka tirsan masuuliyiinta cisbitaaka guud oo guddoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay ku qaabilay halkaas.

Ramaasnews Desk
Hargaysa