Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Gudida Musdambeedka Olalaha Doorashada Madaxtooyada.

https://i1.wp.com/lughaya.com/wp-content/uploads/2010/01/silaanyo-21.jpg?w=620

Hargeysa (Kulmiye.org)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay guddi musdambeedka oo miisaan culus  laguna sii xoojinayo hoggaanka xisbiga, gudidaas oo u xilsaaran taakulaynta iyo dabagalka hawlaha la xidhiidha ololaha doorashadda madaxtooyadda ee inagu soo fool leh.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal shalay ka soo baxay xarunta dhexe ee KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha xisbiga, isla markaana ah murashaxa xisbiga ee doorashadda madaxtooyadda, kaasi oo u qornaa sedan;

“Maadaama uu soo dhawaaday Ololihii Doorashada Madaxtooyadda, loona baahan yahay Guddi heer Qaran ah oo u xilsaaran taakuleynta iyo dabagalka hawlaha la xidhiidha Ololaha Doorashada, waxaan u magacaabay inay hawshaasi gutaan Xubnahan hoos ku qoran oo lagu xoojinayo Hoggaanka Xisbiga, waxaana ay kala yihiin:-

1. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudd. Ku xigeenka 1aad ee G. Wakiilada

2. Baashe Maxamed Faarax, Gud. Ku Xigeenka 2aad ee G. Wakiilada

3. Jaamac Maxamed Shabeel, Gudd. Golaha Dhexe ee Xisbiga

4. Maxamuud Jaamac Warfaa, Gudd. Ku Xigeenka G. Dhexe

5. Canab Cumar Ileeye, Xog. Haweenka Xisbiga

6. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Gudd. Ololaha Gobollada Bariga

7. Baashe Cabdi Gaboobe, Gudd. Ololaha Gobollada Galbeedka

Guddigan waxa Guddoomiye u ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.”