Waxaan Idinka Raali Galinayaa Hadalada Ka Soo Yeedhay Cali Guray

See  full size image

KU: AXMED MAXAMED SIILANYO

KU: XUSBIGA KULMIYE

KU: DADKA SOMALILAND

KA RAALI GALI

WAXAAN KA RAALI GALINAYAA DADKA SOMALILAND EE SHARAFTA LEH,  XUSBIGA KULMIYE IYO HALYAYGA WAYN EE SHARAFTA LEH EE AXMED MOXAMAD SIILANYO, HADALADA KA SOO YEEDHAY NIN AANU HABRO-WADAG NAHAY EE LA YIDHAA CALI  MAXAMED YUSUF  (CALI GURAY) OO LAGU SHEEGO INUU YAHAY AF-HAYEENKA XUSBI ISKU SHEEGA UDUB.

CALI IYO QAYRKII (UDUB) MA AHA DAD WADA DANTA DADKA KU NOOL HARGAYSA IYO SOMALILAND.

MARKAA, CALI CIDNA KAMA SHEEGAN KARO HARGAYSA, HANJABADASINA MA AHA HADAL AANU KA FILAYNAN CALI GURAY.

WAANA HADAL MEEL LOO WAYAY.

CALI GURAY HADDII UU INUU SHARAF LEEYAHAY MALINTII UU DAHIR RIYAALE ALBAABKA KA XIDHAY AYUU XILKANI ISKA CASILI LAHAA.

WAXAAN U  SHEEGAYAA CALI GURAY, IN AANU ISAGA IYO QAYRKII TOONA KU DHICIN IN AY DAD SOMALILAND AH UGU HANJABAAN HARGAYSA.

AXMED MAXAMED SIILANYO WAKHTIGA UU DOONA AYUU MUSHAXAYAA HARGAYSA IYO MAGAALO KASTA OO SOMALILAND KU TAALA. UMMADA SOMALILAND SIDAA AYAY KU JECEL YIHIIN, OO AY UBAX QOYAN IYO TAGEERO KALA HOR TAGAYAAN.

HADDII CID AYNA ISKAGA GUDBAYNIN XAFIISYADOODA IYO GURIYAHOODA WAA CALI GURAY IYO MADAXWAYNAHA KU MEEL GADHKA AH EE DAHIR RIYAALE EE HANTIDA UMMADA BOOBAY, SHARCIGA DALKANI DAMBIGA KA GALAY.

CALI GURAY WAXAAN LEEYAHAY HADDII AAD KU BIIRTAY XISBIGA UDUB EE UMMADII XILKA U DHIIBATAY AY NACDAY, WAXBA DADKA SOMALILAND, IYO HOGAAMIYAYAASHA DADKOODU JECEL YIHIIN HADAL NAXLIYA HA ULA IMAN.

OMAR ABDI YOUSUF