Kulan Laga Xaajoonayay Gudiga Olalaha Doorasha Ee Qurbajooga Xisbiga KULMIYE Oo Ka Dhacay LONDON

13032010458 by osomaliland.

London (Kulmiye.Org) Waxa galinkii danbe ee maalinti Sabtida ka dhacay waqooyiga magaaladda London shir ay isugu yimaadeen madaxda iyo tagerayasha xisbiga Kulmiye ee dalka Ingiriiska.  Shirkaas oo sida ujeedadisa lagu sheegay loogu talo galay u diyar garowga doorashoyinka dhowaan la filayo inay dalki ka dhacaan ayaa waxa ugu horeyn shirka furay Mudane Mukhtar Tayse oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga London.  Soo dhoweyn kadib waxa uu cod baahiyaha kusoo dhoweyey Mudane Ahmed Hassan Cunaaye oo isaga oo ku hadlaya afka laanta waqoyiga London sharaxad ka bixiyey ujeedada shirkaas.

Mr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Md Cismaan Saxardiid Cadaani oo kala ah xoghayaha arrimaha dibedda iyo xidhiidhiyaha jaaliyadaha ee xisbiga Kulmiye ayaa madashaas tagerayashi kaso qayb galay u s heegay in lagu dhowaqi doono guddi ololaha doorashada ka hawl gasha qurba joga Kulmiye, taaso cawin doonta guddiyada laamaha Kulmiye ee dibadaha ka dhisan. Waxaanay masuuliyintani ka dalbaden dadki shirkaas isugu yimi in waxii fikrad ay hayaan ee la xidhiidha arrimaha guddidas olole iyo doorashada la filayo dhowan sidi loogu diyar garobi laha ay golaha soo bandhigan.

Waxa madasha ka dhacday doodo kala duwan iyo waraysiyo ku saabsan doorashada iyo sida ugu fiican ee qurba joogtu ugu diyaar garoobi lahayd, una tageri lahayd xisbiga Kulmiye.  Marka laaga reebo madaxda kor ku xusan waxa kale oo shirka ka hadlay Md Ibrahim Dakhare oo ah guddomiya Kulmiye iyo UK, Jibril Cali, Afhayenka Kulmiye UK, Mujahid Adan Cade, Mudane Xasan Cisman, Mudane Cabdi Yuusuf.

Waxa gebegadii hadalo waano iyo guubabo isugu jira shirka usoo jeediyey Md Cabdiraxman Cabdiqadir oo ah xoghayaha labad ee xisbiga Kulmiye, isagoo kula dardaarmay dhamaan taagerayasha Kulmiye inay u diyar garoban ololaha doorashada, isla markaana dulqad isu yeeshan, dar dar cusubna muujiyan.