KULMIYE oo Cambaareeyey Fal Booliska Hargeysa ku Toogteen Taageera ka Tirsan Xisbigood

“Waxaan maqlay rasaas badan oo soo dhacaysa, inyar kadibna waxaan arkay shan dhallinyaro ah boolisku xabbaddo ku ridayey ay aniga jilibka igaga dhacday”

Rabiic Maxamed Xuseen

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Ololaha Gobollada Galbeedka ee xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Mr. Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa si kulul u cambaareeyey talaabo ciidanka bileyska saldhigga Dalloodho ee magaalada Hargeysa ku rasaaseeyeen dhallinyaro ka tirsan taageerayaasha xisbigooda, isla markaana mid ka mid ah ku dhaawacay.

Mr. Baashe waxa oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya, waxa uu falkaas ku tilmaamay mid ayaan-darro ku ah dalka, isaga oo sheegay in ciidankii nabadgelyadu beryahan dambe caadaysteen hawlgallada ay fuliyaan u adeegsadaan shacabka rasaas, arrintaasina tahay mid aan loo dulqaadan karin.

“Waxa ayaan-darro ah in booliska maanta jooga uu beryahan dambe caadaystay inuu rasaaseeyo, marka uu hawlagallada amma dambiilo soo qabanayo. Malaha hoggaanka ciidanka bileysku iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale raalli ayey ka yihiin in shacabka la rasaaseeyo, waayo waxa bay ka qaban lahaayeen.

Ciidanka booliska waxaan u soo jeedinayaa inay shacabkooda nabadgelyadooda ilaaliyaan, una tudhaan ciddii dambi lehna si anshax ku jiro u soo qabtaan,” ayuu yidhi Mr. Baashe Cabdi Gaboobe, isaga sheegay in ciidanka bileysku yihiin saaxiibkii dadweynaha, isla markaana ku miidaan-dayaan siday ula dhaqmayaan shacabkooda.

Dhinaca kale, Rabiic Maxamed Xuseen oo ah wiilka ah ee uu dhaawacu soo gaadhay oo isagana xalay Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka telefoonka, ayaa weydiisay siday waxa u dhaceen, waxaannu sheegay shalay duhurkii isagoo hortaagan meherad uu leeyahay ay ku dhacday xabbad ciidanka bileyska Dalloodho ku ridayeen shan dhallinyaro ah oo ay baacsanayeen, isla markaana rasaas badan ku rideen.

“Walaal, aabbaaro 2:30 duhurnimo aniga oo hortaagan meherdayda oo ku taal xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaan maqlay rasaas badan oo soo dhacaysa, iyadoo ay indhahayga ku dhaceen shan dhallinyaro ah oo yaacaya iyo boolis xabbad ku ridaya, taasoo aniga jilibka igaga dhacday, ina jabisay laftii lugta,” ayuu yidhi Rabiic Maxamed Xuseen, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid foolxumo ku ah ciidammada bileys, kaas oo sheegay inuu yahay mid khalkhal gelinaya nabadgelyada shacabku ku aamineen booliska.

Jamhuuriya Online