Musuq Maasuq Ma lay Baraa Maxjar Diin Ma Lay Furaa By A. Geeljire

https://i1.wp.com/1.bp.blogspot.com/_AW79p09A1FY/SUdGaNv3ZwI/AAAAAAAAAF0/LDvOdVgcdUw/S230/Geeljire2.JPG?w=620

DALJIRE

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waxan dambe ee uu shubay ee beelaysan anigu waxba ka garan maayee hadalkii hore ee saaxiibkay Muj. Cali Guray yidhi inkasata oo uu deelqaaf ku jiray oo uu arrintaa ka jawaabi doono Dubeeco, Afhayeenka mefrishku, haddana waxaan aaminsanahay inaan lagu foodhyin madaxda UDUB inta aanay hadal.

Doolaal:maxaad uga jeedda intaanay hadal?

Dubbe:waxaan uga jeedaa taageerayaasha axsaabtu waa mid eh horta ha ogaadaan inaynu nahay dad walaalo ah oo xaq isugu leh kala xishood iyo is qaddarin. Waa ta labaade muwaadin waliba xaq distooriya wuxuu u leeyahay inuu amaan iyo xasilooni helo oo aan lagu foodhyin ama la diiqin marka uu suuqa iska marayo ama joogo. Waa ta saddexaade madaxda axsaabtu, Jug-soo-Dhacayna ha ahaadee, markay fagaare ka hadlayaan waxay xaq u leeyihiin horta inay hadlaan oo dadka u soo ban dhigaan waxay qabaan. Dadkuna waxay xaq u leeyihiin inay markaa ama u sacabiyaan oo ku raacaan ama ku oriyaan oo ku foodhyaan. Laakiin qofkii oo aan juuqba odhan in lagu foodhyo laga fiican, dimuqraadiyaddana ka fog.

Doolaal:Dee maad dadkiina u sheegtid?

Dubbe:Dadkayaga iyo kuwa kaleba waan u sheegayaa. Kuwayagana waxaan gaar ugu sheegayaa. Walaalayaal UDUB waa xisbi qaran oo berrina shicibkeena noqonaya waana dadkeenii markaa inkasta oo madaxdoodi ina xadday welina ina xadayso oo jeebkeena gacanta kula jirto oo qarankii boobtay, inkasta oo ay dib inoo rideen, inkasta oo habkii dawladnimo inaga leexiyeen haddana, inkasta oo dulmi iyo caddaalad darro ay inagu dhaqayaan haddana inaynu cod iskaga ridno mooyee inaynu is colaadsanaa waa qalad. Dhegta ilaaliya. Watch the ear.

Doolaal:Waaryee waa maalintuu xanuusan jiray. Waar waadigan sida wanaagsan u hadlaya ee sidee laguu hayaa?

Dubbe:Waar adigaa buka oo hadalkayga kala doorta eh Jug-soo-dhacay iyo madaxdan UDUB waxay i soo xusuusiyeen laba nin oo qoladii Sablaale la odhan jiray ee Carabaha u dhoofi jiray ka mid ahaa oo iyagoo Sucuudiga jooga oo fadhiya meel shiishad(maqaaxi) ah carruur yaryari ku qososhay ee dabadeed ay ka kaceen oo ay galeen Baqaalad (dukaan) oo yaryarkii intay soo galeen baqaaladdii haddan qosleen oo mid ka mid ahi dhirbaaxay carruurtii mid ka mid ah oo Booliska loogu yeedhay. Markii la weydiiyay wuxuu u dilay ka yar ayuu illayn afcarabi garan maayee yidhi. “fii shiisha hiiiiihiiii, fii baqaala hiiiihiiiiihii” oo loo fasiray inuu u jeeday markaanu maqaaxida joognayna way nagu qosleen markaan dukaanka soo galnayna way nagu qosleen. Iminka Jug-soo-Dhacay xaalkiisu waa “fii beerta xorriyadda hiiiiihiiiihiii, fii xafladda Somtel hiiihiiiii. Fii suuqa hiii hiiiii hiii” oo macnaheedu yahay “fara badana ciyaalkan foodhyaya Ceelxumine qaar baanu ku soo laynay eh.”

Doolaal:Waar waxaa iska daayoo maanta laba jeer baan xaggaa iyo xaggaa kuu dhaafay adigoo Cali Waran Cadde, Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Hawada bacad joojiyay oo faraha uun fiiqfiiqaya ee maxaad ku shubaysay?

Dubbe:Waxaan lahaa waadigan Shiinaha keenay, shiinuhuna diinka iyo mascagalayda iyo waxaasay cunaan markaa kollay Maxjar Diinka ah baad samaynaysaa maxjarkaa aniga ii xidh sidii aydin ragga kaleba adhiga ugu xidhi jirteen.

Doolaal:Waar muxuu leeyahay? Oo dabeedna?

Dubbe:Waxaan idhi wixii nin tol ah laga qaado iga qaad,Odayga madaxweynahana intiisa wixii diin ka go’a diyaar baan u ahay haddii aad u qaadayso sida Idris iyo haddii France loo dhigayo iyo haddii Xisaabta Djibouti lagu shubayoba. Beryahan qawadka ayuu bartay baa la yidhi oo wuu kugu soosaydhayaa markuu qawado ee adigaa la hadli oo ka dhadhaadhicin inuu wuxu diin yahay. Labadii Doolar ee Cawil odhan jiray Maxjarka xoolaha ayay iga soo gaadhaanna illayn wuxu waa diin eh doolar uun hayga qaado mascagalaydana nus doolar. Wixii mascagalayda ka yare e mulac iyo qul iyo malaw iyo noocaas ahna waxba yuu tafniidine maris uun toban santi. Waa haddanay dabu ka go’in mulaca iyo qulka marka la soo qabanayo.

Doolaal:Oo muxuu ku yidhi markaa?

Dubbe: “marraa waaxid”

Doolaal: waa maxay marraa waaxid dee ma haa baa mise waa maya?

Dubbe:Bal adba garo. Anigoo markii sidaa kala garan la’ ayaan markii dambe dib ka fahmay.

Doolaal:Oo maxaad fahamtay.

Dubbe:markuu Ina Rayaale madaarka tegey baan gartay inuu Cali maxjarkii Diinka uga warramay oo halka laga dhisayo ayuu soo indho indhaynayay. Raalli ahaw Dubeecow in badan baan hadalka haystaye soco.

Dubeeco:Horta anigu wax badan odhan maayo ee Muj. Cali guray baan laba eray ka odhanayaa hanjabaaddii uu Muj. Axmed Siilaanyo kula kufay ee adyadda ahayd.

Waxaan leeyahay. Horta Calow anagu mafrishkan haddaanu nahay umaanaan qaadan inaad af beeleed ku hadlaysay markii hore iyo inay arrintu beel shaqo ku lahayd, inkasta oo markii dambe aad arrin beeleed dhex dabaalatay, laakiin waxaanu u qaadanay hadal iska dhe uun ah oon loo meel deyin lagana fikirin af xisbi xaakimna aan ku haboonayn.

Caliyow horta malaha hadda ayaad soo toostay ee Axmed Siilaanyo wax ay UDUB ula hadhay ma jirto. Foodhi baad ka cabanaysaa lagu foodhyay Jug-soo dhacay, oo fidmo wale ah ehe Axmed Siilaanyo Rasaas ayaa la dhacdeen isagoo waajibkiisa qaran gudanayaa oo taageerayaashiisa la hadlaya.

Rag baa u soo qaybseen xabbad ku rida oo ku riday oo uu tii Allah uun ku baxay.

Gaadhisgiisa suuqa, aqalkiisa hortiisa ayaa ku joojiseen waagii doorashada Wakiilada oo carruurta wasiirrada qaar ka mid ahi ku caayeen oo ku aflagaadeeyeen oo ay marag lahayd.

Askarta aad ku soo dirteen xafiiskiisa ayay sharci darro ku galeen oo dhagax rogeen(Kulmiye ayaad ahayd markaase)

Ttaageerayaashiisa ayay xabbad kala daaleen oo meydkooda suuqa laga ururiyay.

Beerta xorriyadda ayaa iska hor taagteen maalintii Shuhadadii SNM la xusayay oo tukhaantukho iyo riixis kaga soo kaxayseen aan qaban mujaahidkii u baoordiiqayay raggii ka dhintay.

Xishood darro awgeed goor iyo galab warbaahinta qaranka ayaa ka soo caydaan oo inta foodhi maqsin laga foodhyay gaadho kun laabkeed gaadha idinkoo ka gar daran.

Xaasidnimo iyo xiqdi awgii waxaad kula kacdeen wax umadda u hor ah oo xaaskiisa ayaa shaqo ay gaalo ka heshay ka hor joogsateen oo risiq maanacdeen.

Haddaba Mujaahid hadday cadho ku hayso, hadduu dulqaadkii kaa dhamaaday, hadda xumo diidayso, haddaad hiil garanayso isaga iyo xaqa ayaad u hiilin lahayd ee Sawirka Ina Rayaale oo abaal laawe ah kumaad hoos qayisheen intaad gidaarka mafrishkaaga sudho ee umaad hiiliseen Ina Rayaale Jug-soo-Dhacay oo waxa keli ah ee ay soo kordhiyeen ay tahay inay beelaha Somaliland ee walaalaha ah nacayb iyo xumaan iyo colaad dhex dhigaan.

Hadday cadho ku hayso oo aad xumaan diid tahay musuqa iyo maasuqa umaada ay UDUB ku boobayso ayaad ka xanaaqi lahayd. Wasaaraddii ninka keliya ahyd ee Xidhiidhka Golayaasha ee aad tidhi shan wasaaradood oo kale ayay ka miisaaniyad badan tahay weli way jirtaa waanad taageersan tahay. Cadjhoy lagu jecel.

Caliyow saaxiib xaq baad u leedahay inaad xisbigaaga difaacdo laakiin khibraddii aad dagaaladii xorraynta ka heshay waxa ka mid ahayd goobta aan la difaaci Karin dibugurasho xeeleed ka gal oo naftaada iyo ta ciidankaaga toona ha ku halligin. Haddana sidaa yeel. Waa talo rag ku jecel.

Waa inoo qoraalka xiga, haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire