Odayaal fikirkooda Siyaasadeed loogu xidh-xidhay Deegaanka Xariirad

http://thebsreport.files.wordpress.com/2009/12/handcuffed.jpg?resize=454%2C561

Borama (Kulmiye.Org)- Qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka Xariirad ee Gobolka Awdal, ayaa shalay Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii sida la sheegay ay ku biireen Xisbiga KULMIYE.

Inkasta oo aanu la xidhiidhnay masuuliyiinta gobolka Awdal, si aanu arrintan wax uga waydiino, haddana sida uu xalay baahiyay Telefishanka HCTV, Odayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii sida la sheegay ay ku biireen taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, halka ay hore uga mid ahaayeen taageerayaasha UDUB. “Dadkan la xidhay marka hore waxay ahaan jireen Xisbiga Udub, imika dadkii way ka tashadeen oo waxay isku badaleen inay ku biiraan xisbiga Kulmiye, markaa waxaanu samaynay wada-tashi, taas ayaa keentay. Boolis baa lanagu cabudhiyay, badh naga mid ahna waa la xidhay, badh naga mid ah waa loo hanjabay.” Sidaa waxa yidhi Daahir Yuusuf Dugsiiye oo ka mid odayaasha dhaqanka ee deegaankaas oo u waramay HCTV. Waxaanu xadhiggan ku eedeeyay Xukuumadda oo uu sheegay inay amarka ka bixisay Hargeysa.

Mar uu Oday Daahir ka hadlayay magacyada Odayaasha xidhan, waxa uu yidhi, “Odayaasha hadda xidhan waxa ka mid ah, Ibraahim Suge Good, Cabdi Cumar, Aw Axmed Jaamac, Xasan Axmed, Diiriye Axmed iyo Cabdi Cali.”

Somaliland.Org