Xaflad Wayn Oo Xisbiga Kulmiye Ku Qabtay Magaalada Birmingham

https://i0.wp.com/hadhwanaag.org/images/795_SNV80125.JPG?resize=620%2C465

(Birmingham , Kulmiye.org) Xaflad ballaadhan oo kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka dhacday magaaladda caasimadda labaad ee waddanka Ingiriiska Birmingham, Xafladan oo ahayd mid noceedu ku cusub yahay qurbajooga waxaa soo agaasimay Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham, waxaana ka soo qayb galay siyaasiyiin ay kamid ahayeen, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye

https://i2.wp.com/hadhwanaag.org/images/795_SNV80191.JPG?resize=620%2C465Abdirahmaan Abdiqaadir, Xoghayaha arrimaa dibadda Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, Marwada Guddoomiyaha Kulmiye Marwo Aamina Waris Shiikh Maxamuud, Axmed Cilmi Bare oo ah Siyaasi da’yar oo qurbajooga isla markaana guddida fulinta Kulmiye ah, Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo yana guddida fulinta ah,  Xidhiidhiyaha Qurbajoga Cismaan Saxardiid (Cadaani) Guddida Fulinta Kulmiye Uk oo ay kamid ahayeen Guddoomiyaha Ibraahim Xuseen iyo Ku-xigeenkiisa Suldaan Siciid Kabadhe.

Waxaa kale oo yaguna shirka ka soo qaybgalay Xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo uu kamid ahaa Xildhibaan Ibraahim Dhadheere oo Xisbiga Udub uga soo baxay Gobolka Sanaag, Ardayda jaamacadaha, Fanaaniin, iyo dadweyne tiro badan.  Ugu horeyn wuxuu Guddomiyaha shirka hagaayay Muuse Asar Guuleed oo isagu shirka hagaayay ku soo dhaweeyay Shiikh Baaruud oo kamid ah culimada Birmingam oo halkaas aayado qur’aan ah iyo wacdi guud ka soo jeediyay, kadib waxaa hadalka qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Abdirahmaan Abdiqaadir wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Isagoo ka hadlaaya rajada Kulmiye ka qabo doorashooyinka wuxuu yidhi “Waxaan ku garanayaa in rajada Kulmiye wacantahay haddii laba qolo ku racaan waad gulaysanaysaa, waa dhalinyaradda iyo haweenka, shirarkii aan ka qayb-galaayay waxaan arkaayay dhalinyaradda iyo haweenka oo dadkii waa weynaa ka tiro badan. “Abdirahmaan Abdiqaadir oo ka hadlaayay aqoonta guddoomiyaha xisbigiisa Axmed Silaanyo iyo siduu musuq maasuqa uga dheeryahay waa siduu hadalka u dhigaye wuxuu yidhi”. Anigu mid baan idin sheegayaa Musharaxa Kulmiye Axmed Silaanyo waa nin Musuq maasuq ka dheer, waxaan aqaanay isagoon rer yeelan oo aan aqal galin, illaa markuu ahaa Wasiirka Dawladii Maxamed Siyaad taasna Musuq kamuu yeelin S.N.M markuu Guddoomiyaha u ahaana muu yeelin manuu sameyn Kulmiyena kamuu sameyn, dawladiisa iman doontana ka samayn maayo taas ku bushaaraysta.”https://i2.wp.com/hadhwanaag.org/images/795_SNV80152.JPG?resize=620%2C465

Waxaa isna halkaas ka hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Kulmiye Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar, wuxuuna dhaliil badan u soo jeediyay Xukuumadda Somaliland waxaa hadaladiisi kamid ahaa “Qaranka Somaliland waxay misaniyadiisu dhaafi ladahay 42 Milyan, Kulmiye haduu talada dalka qabto wuxuu saddex labaad iyo afar laab ka dhigidoonaa misaaniyada qaranka, misaaniyada hadda ee dawladu %60 waxay ku baxdaa Madaxtooyada halka wasaaradda waxbarashada ay ku baxdo %15.” Xoghayaha oo hadalkiisi sii wata ayaa ka hadlay haday xukunka qabtaan siday aduunka iyo dawladaha jaarka ah ula xidhiidhi donaan, wuxuuna yidhi. “Haddii aanu talada waddanka qabano waxaanu Somaliland ku xidhi doonaa adduun weynaha anagoo xidhiidh fiican la samayn doona waddamada Jaarka ah sida Jabuuti Ethopia, Keenya iyo waddamada kale”.

Marwada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa yana halkaas ka hadashay yadoo si weyn ammaan u huwisay qurbajooga, waxay si kaftana u tidhi “Maanta anigaa laysoo iib geeyay qurbajoogow ragg baad barigii hore arki jirteen”, waxay sidoo kale ka hadashay arrimaha waddankii iyo waliba rajada Xisbiga odaygeedu hoggaamiyo ay ka qabaan doorashada, yadoo ka sheekaynaysa Gobollada dalka waxay tidhi. “Lixda gobol ee waa weyn ee Somaliland Hargaysa yada hore ayaa loo ogaa oo Kulmiye ayaa awood ku leh, Burco yana waa lamid iyo Ceerigaabo, waxaanse ku farax sanahay Gobolka Saaxil ee Berbera oo in badan ay fartu nagu godnayd maanta hadaan runta idin sheego %80 waa Kulmiye faanbay aniga ii tahay. Boorame waa gobolkeeni waxba Rayaale uma qaban hadad is leedihiin wuu ka soo jeeda waxaan u qabano ayaa ugu horeyn doona“. Axmed Cilmi Bare oo guddida fulinta ah ayaa isna halkaas ka hadlay wuxuuna sheegay in maanta Kulmiye u bahanyahay cududa qurbajooga ee dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba. Waxaa goobtii lagaga dhaqaay guddi aad u tiro badan oo loogu magacdaray guddida ololaha qurbaha yadoo u goobtii kaga dhaqaaay Xidhiidhiyaha Qurbajooga Kulmiye, Mr Cismaan Cadaani. Mubarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ah nin ciyaaraha ka shaqeeya horena Xukuumada Somaliland ugu magacowday Wakiilka Somaliland ee Yurub ayaa isna halkaas ka hadlay yadoo Xoghayaha arrimaha dibadda Kulmiye sheegay in isagoo hawshii qaranka haya isla  markaana Kulmiye ka tirsan uu shaqadiisa sii wadan doono.https://i2.wp.com/hadhwanaag.org/images/795_SNV80161.JPG?resize=620%2C465https://i1.wp.com/hadhwanaag.org/images/795_SNV80177.JPG?resize=620%2C465

Xafladan ayaa ahayd mid noocedu ku cusub yahay qurbajooga xagga abaabulka iyo xagga farsamada, yadoo lacag tiro badan loogu uruuriyay Xisbiga Kulmiye, isla markaana lacag gaadhaysa 6000$ goobti lagaga dhawaaqay, halka xafladoo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qofna lagu qalaayay tigidh qimihuusu yahay 20£ Giniga Ingiriiska. Waxaana qaybtii danbe ee xafladu noqotay masrax faneed ay Fanaaniin caani ka heesayeen. Isku soo duubo markaad eegto Xafladahan Kulmiye ayaa u muuqda kuwo dhaqaale loogu uruurinaayo Xisbiga Kulmiye.

Muniir Axmed Cigaal

Hadhwanaagmedia England/Uk