Xafladda Xisbiga Kulmiye Ee Maalinta Sabtida Ka Muuqo oo Ha Ka Maqnaan

https://i1.wp.com/saylicipress.net/wp-content/uploads/2009/12/kulmiyeLONDON2009-1.jpg?resize=620%2C454(Kulmiye.org) Waxaa Magaalada  Birmingham oo ah caasimada labaad ee dalka Ingriiska looga diyaar garoobayaa  shir ballaadhan  oo ay  qabsanayaan taageerayaasha Xisbiga  Kulmiye. Shirkan oo ay laanta Xisbiga Kulmiye ee magalaada Birmingham isku soo duba ridayso ayaa noqon doona shirarka xisbiga ee dalka Ingriiska kuwii ugu waawaynaa.

Waxaa shirka ka soo qayb gali doona sida aanu warka ku helay dadweyne  aad u fara badan oo ka kala iman doona magaaloyinka dibadda. Sida magaalada London  iyo magaalooyinka kaleba.  Madaxda shirkaa  ka soo qayb gali doonta, waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka 2 aad Mudane Abdiraxmaan Abdiqaadir Faarax, Xoghayaha arrimaha dibadda Kulmiye Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Mudane Axmed Xaji Cali Cadami Xubin sare oo ka tirsan golha fulina, Mudane Abiib Timacad xubin sare oo ka tirsan golha fulinta, Xildhibaan Ikraan Xaji Daa´uud xubin ka tirsan golaha wakiilada, Marwada Guddoomiyaha Xisbiga Marwo Aamina Waris.

Sidoo kale waxaa ka qayb gali doona Fanaaniin aad looga yaqaan dalka iyo dibadaba sida, Cabdi Jaamac (Cabdi qaboojiye) Maxamuud Xuseen Halwad, Ikraan Caraale, Naasir Cunjuf, iyo qaar kale oo badan. Lasoco Xafladaas hadad ku nooshahay Birmingham iyo Nawaxegeeda..  Wixii faah fahina kala xidhiidh Guddoomiyaha Birmingham ee Xisbiga Abdoo Ayir :Telefoonkiisa o 00447886268967.

See  full size image

.https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.net/attached/u_3351d_2009-10-14-1-31-11f_halwad3.jpg?w=620

.https://i0.wp.com/www.allsomalimusic.com/uploads/singers/abdi_jamac.jpg?w=620