Xisbiga KULMIYE oo masuuliyiin cusub u magacaabay Gobolka Gabiley

Hargeysa (Kulmiye.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta masuuliyiin cusub u magacaabay gobolka Gabilay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, ayaa lagu magacaabay masuuliyiinta heer Gobo lee Xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley,

Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Markaan arkay talada Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo baahidda ah in la buuxiyo jagooyinka banaan ee Gobolka Gabiley.

Markaan la tashaday Odayaasha iyo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gabiley, waxaan mas’uuliyiintan u magacaabay xilalkan hoos ku qoran:

1. Aamin Muse Xirsi Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE

2. Omer Jamac Maxamud Gudd. Ku xigeenka Gobolka Gabiley

3. Cabdi Xaashi Jaamac Xoghayaha Gobolka Gabiley

Xubnaha Hoggaanka sare ee Xisbiga iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Gabiley, waxaan ka codsanaya inay gacan ku siiyaan xilalkaas aan u magacaabay mas’uuliyiintaas, waxaan xubnaha cusubna ku boorinayaa inay la yimaadaan karti, shaqo iyo hufnaan.”