ABAAL RAAGAY RAG IYO GEEL BAA LEH , XISBIGA KULMIYENA WAXA UU WACAD KU MARAYAA

ABAAL RAAGAY RAG IYO GEEL BAA LEH , XISBIGA KULMIYENA WAXA UU WACAD KU MARAYAA IN UU IDIIN ABAAL CELIN DOONO.Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degamda M/Haybe Maxamed Yusuf Siciid

Mudadii uu xilka hayay xisbiga UDUB oo ah siddeed sanno wax waxqabad ah oo uu qabtay ma jirto waxaynu ognay xukuumadda maanta talada haysaa in aanay fulin wixii loo igmaday taas oo ahayd in ummadan loo adeego dalkana horumar la gaadhsiiyo iyada oo la wada og yahay wixii dalkan dhib loo soo maray.

Taas oo ahayd in ay dadkani helaan wixii ay u soo halgameen una soo dhibaatoodeen ee ay ku hanti waayeen taas oo ahayd in ay cid u ilaalisa hantidooda una adeegta kuna xukunta cadaalad taasi se,  may dhicin waxaana la wada og yahay xukuumada Rayaale iyo wasiiradiisu ay ka dhigteen hantidii ummadda waxay ay iska leeyihiin ilaa ay ka gaadheen in ay iibsadaan hantidii dawlada xoolihii dalkna ka dhoofayayna ay kooto cid ugu xidhaan kaluunkii baddan cid gaar ah fasax u siiyeen kuwaas oo xalaasahday hantidii ummadda dawladnimadiina ka dhigtay wax ay iska leeyihiin .

Haddba taas badelkeeda waxa idiinku balan qaadaya haddii aad doorataan xisbiga Kulmiye Musharaxa Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisaba iyada oo uu yahay Muj Axmed Siilanyo nin Aqoon yahan ah lehna waayo aragnimo doonayana in uu taariikh uga  tago da’yartiisa si uu dhaxal wanaagsan iyo horumar la taaban karo oo dhan kastaba leh ….

Iyada oo la ogyahay Afrikada madawi waxay la horomari wayday tahay in aanay helin hogaan doonaya in uu taariikh uga tago Mandela mooye ..

Haddaba waxa nasiib u helay dadka reer Somaliland in ay helaan hogaamiye doonaya in uu uga tago wanaag iyo Horumar doonayana in uu uga abaal celiyo dadkani wixii ay dhib u soo muteen ee ay raalina ku ahaayeen in ay hantidoodii naftoodii ba ay u huraan in ay helaan cadaalada horumar iyo hogaan wanaagsan , taasna waxa idiinku balan qaadaya Xisbiga Kulmiye waxa aad ku ilawdaan oo ah daacadnimo iyo in dadka loo shaqeeyo oo aan laga shaqaysan  laguna dhaqo cadalaad iyo sinaan .

Haddaba Xisbiga Kulmiye waxa uu balan ku qaadayaa in uu dalkan dhankastaba xag waxbarasho xag dhaqaale iyo xag maamul wanaag ba aad kaga ga’mi doontaan halgankii qadhaadhaa waxaanu wacad ku marayaa xisbiga Kulmiye in uu idiin abaal celiyo…..

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada M/Haybe Hargeisa

Md:Maxamed Yusuf Siciid