Dadkaygu Waa Mid Dalkaygu Waa Mid By A. Geeljire

https://i2.wp.com/www.somaliland.org/images/b/ageljireh.jpg?w=620

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Tolow maxay haddaba UDUBtii dadka u sheegi? Dhallinyaradii baa u dambaysay oo waataa cawda ay u jareen.

Doolaal: Waar caw iyo caliyo lane ciyaalo iskuulkan aydin qabyaaladda baraysaan maydin ka daysaan?

Dubbe:Ciyaala iskuulka anagu qabyaaladda bari mayno ee waanu ka saaraynaa. Dantooda ayaanu wax ka qabanaynaa oo waanu la shaqaynaynaa idinku naxligii iyo suntii aydin u sheegi jirteen way ka ilbaxeen ee maxaad yeelaysaan.

Doolaal:maxay ka ilabxeen eed sheegaysaa?

Dubbe: waxay ka ilabxeen oo ogaadeen arrintu sidii aydin ugu sheegi jirteen ee Cawil iyo Ina Sulub iyo Cali Warancadde iyo Jug-soo-Dhacay iyo qaar kaloo badani wax ugu sheegeen inaanay ahayn. Waxay ogaadeen inaan Habar Yoonis iyo Habar Awal col ahayn. Inaan Habar Jeclo iyo Habar Yoonis col ahayn. Inaan Arab iyo Habar Yoonis col ahayn. Inaan Samarroon iyo Habar yoonis col ahayn. Inaan Ciise iyo Habar yoonis col ahayn. Inaan Habar yoonis iyo Harti col ahayn. In intaa iyo umadda kale ee Somaliland ku wada nooliba ay walaalo yihiin. Barnaamijkiinii wuu fashilmay ee mid kale ma haysaan? naxliga iyo xumaantu ha dhacdo. Umadda laysku diriyaa ha dhacdo. Suntan iyo suusku ha dhaco. Anigu wixii dadka walaalaynaya ee cudurka iyo cuqdadaha la dhex dhigay ka saarayaba waan la socdaa. I love my people . I love my country. Haye? Afka xun day.

Doolaal:Waar meesha ma xisbigii baad moodaysaa waa mafrishe? Waar ha dhacdo layne sii wada musqushaan ka soo noqonayaaye.

Dubbe: Ma markiinaa isku xaari jirteen baa? Wallee waan laydinka hadhin. Horta anigu waxaan aad uga helay yarkii Mustsafe maxamed Ibrahim ee isagoo ka hadlaya doorashadii ina Rayaale la doortay yidhi. “nin baa nin timir ka iibsaday. Wuxuu arkay timirtii oo ah mid xun. Isagoo taa ka yaabban ayuu haddana arkay miisaankii oo xun. Wuxuu ku yidhi. “waar dee timir xun inaad iga iibiso oo aad haddana miisaan xun ii saarta ima qabato.” Iminka doorashadii Rayaale timir xun baa nalaga iibiyay oo miisaan xun naloo saaray.” Eesh calaa waled. Aanse wax idiin sheego. Wallaahi raggii timirta xun iibinayay beesha ayay u badnaayeen oo nin iyo nin baan u garanayaa.

Doolaal:Horta saw amarkii taliyaha maydaan diidin? Mar uun waa la arki idinkoo talada haya oo amarkiina la diido.

Dubbe:Waar taliyena meesha kuma haysaan ee raggii hawsha soo abaabulay ee ay ka mid ahaayeen Maxamed Shukri,Gabboose, Cabadillahi Carab,Gacmadheere iyo qaar kaloo badan iyo mulkiiliha Kaah,Cismaan Kaahin billad miidhan baan ku tolay. Mahadnaq gaara waxa leh ciidankii Booliska Somaliland ee gartay inaanay abuurin rabshad aan loo baahnayn.

Doolaal:Kulligood waa dambiilayaal qaran. Way is arki. Haye.

Dubbe:waar iminka yaad cidlada uga hanjabaysaa. Kuwii wasiirrada sheeganayay ee askarta watay waxa ku dhacay miyaanad ka war hayn.

Doolaal: Maxaa ku dhacay?

Dubbe:waxaan waraystay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Yusuf oon idhi bal ninkaa Cismaan Kaahin siduu yeelay iyo wixii meesha ka dhacay iiga warran. Wuxuu iigu jawaabay gabay yar oo uu tiriayay. Wuxuu yidhi:

Koodad xume Ina Saqadhi iyo kooxuu daba joogay

Afartii kudliqe, kadafjiirradii, kaaddib iyo beenlow

Wixii kabo qaad soo gurmaday kaamil idilkoodba

Allaylehe karbaash baa ku dhacay Faqash kabaalleeye

Kulankiyo shirkii loo ballamay Kaahin gurigiisa

Markii waa kiis bilays waaran lagu keenay

Markay kadaaliga baqii kararashtii yeedhay

Markay karriirado dhigteen kaalintaa bariga

kubniyada markay soo tubeen iyo kaabulka horjooga

Koran nacas ah iyo markuu karinle guuxaayay

Fulaa kardhada ee Cismaan keni adayg waarye

Kalsooni adag waa nin qaba oon kashii biqine

Ma kabtiyin ee waatuu ku yidhi kira dameeraaye

Kanka dhinaca iyo waatuu dhamaan keenadaa jaraye

Waatuu sida kornayl ciidan wada kaalayaay yidhiye

Kadimada waatuu u furay Kaah albaabada eh

Waataan kuraastii wacnayd keefnay raaxada eh

Waatuu karuur caano geel koobka noo daraye

keegna waatuu noo soo dhigdhigay koofi iyo shaahe

Waanagaa kabiir iyo saqiir mahad u soo kiilayna.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire