Dadwaynow Ciyaar Kubadeed Iyo Xabado Toogasho ahii Ma Is Qabtaan? Jawaabtu Waa Maya!

https://i2.wp.com/harowo.com/wp-content/uploads/2010/02/wasiirka-ciyaaraha.jpg?w=620

Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland  Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa beeneeyay isla hadalkiisii xalay ee uu ku eedeeyanay xisbiga KULMIYE inay garoonka kubada Cagta ee Hargeysa Stadium  si sharci daro ah ugu qabteen  tartan  ciyaareed  oo  Xidhiidhka Kubada Cagta iyo wasaaradiisu toona aanay hore waxba oga ogayn, hase yeeshee shir Jaraa’id oo uu isku suldaaradeeyay hadana oo maanta hadaba ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa wuxuu si buuxda u qirtay in ogolaanshaha Tartankaasi  laga bixiyay xafiiskiisa, wuxuuna ku andacooday in   balanku ahaa in masuuliyada qabashada Tartankaasi lagu wareejiyo Xidhiidhka Kubada Cagta.

Wasiirka qarul mas’uulka ah ee Ciyaaruhu wuxuu   eedo culus u jeediyay  Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo uu sheegay inuu hor kacayay dhalinyaradii diidanayd in Tartankaasi la joojiyo, waxaanu shacbiga ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee Magaalaada Hargeysa uu ugu baaqay inay iska qabtaan Xildhibaan Nac-nac, halka isauguna uu shacabka ku degmadaas u soo hub urursaday.

Wasiirka aan ku haboonayn wasaaradda u ku magacaabanayahay waxa u shirkiisii jaraa’id ku dhamaaday in uu iska hor iyo daba wareego isaga oo qiranaya in ogolaanshaha ay bixiyeen xafiskiisu balse hadana uu kanoqday markuu arkay baaxda iyo tirada dadweynihii ciyaaraha daawanayay inta ay le’kaayeen. Wasiirka mas’uuliyada la ciirciiraya ee dhalinyarada xabadaha ku furay marnaba waxa raali galin iyo cudur daar lagaga ma maqal shirkiisii Jaraa’id.

Waa markii ugu horaysay taariikhda in nin wasiir sheeganayaa ciidamo hubaysan u soo kaxaysto dhalinyaro aan dambi galin  iyaga oo ciyaarayana xabado oodda lagaga qaado.

Wasiirkan wuxuu xalay ka been sheegay oo uu ahaa warkiisii hore  inaanay xisbiga KULMIYE haba yaraatee wax ogolaansho ah soo weydiisan xidhiidhka kubada cagta iyo Wasaarada midna, taas oo uu isla maanta isagu  beeniyay isla hadaladiisii xalay.