Eng Cabdiraxman Saylici Oo Kormeer Ku Soo Maray Gobolada Salal Iyo Awdal

https://i0.wp.com/www.qodal.com/images/saylici1.jpg?w=620 Saylac (Kulmiye.org) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo murashaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeer xog-ogaal u noqoshada xaalada gobolka ku soo maray degmooyinka Xariirad, Boon, Ceel Baxay iyo gargarooray oo ka tirsan gobolka Salal.

Waftiga uu hogaaminayo Murashaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yihiin Xil. Mahdi Cadare iyo masuuliyiin ka mid xisbiga Kulmiye ee Gobolada Awdal iyo Salal, waxay dadweynaha deegaanadaas kala hadleen goobo fagaare ah halkaas oo ay taageerayaasha xisbiga  Kulmiye ku kulmayeen, waftiga xisbiga kulmiye oo meel fagaare ah kala hadlayay taageerayaashan isu soo uruuray ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay la xidhiidho sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen xaalada dhaqan dhaqaale ee ay goboladaasi ku sugan yihiin.

Mudane Saylici oo la hadlayay dadweynahaas ayaa sheegay in komishanka doorashooyinka qaranku uu bisha June u mudeeyay in ay doorashada madaxtooyadu dhacdo isla makaana loo baahan yahay in si weyn loogu diyaar garoobo.

Saylici ayaa balan qaaday in dayaca ka muuqda gobolada salal iyo Awdal uu xisbigoodu wax ka qaban doono haddii ay codkooda ugu hiiliyaan dadka u dhashay labadaas gobol.