Guddoomiyaha Xisbiga Oo Sheegay In Aanay Doorashada Madaxtooyaddu Ku Qabsoonto Wakhtiga Loogu Talo Galay.

(Kulmiye.org)  Wednesday, April 07, 2010

Hargeysa (Kulmiye.org) Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Doorashada Madaxtooyaddu qabsoomi doonto wakhtiga loogu talo galay oo aanay mar dambe dib u dhici doonin, waxana uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey xaflad maanta loo sameyey Ururka SOOWADAAG ee degmada 26-ka June oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, kadib markii ka soo baxeen xisbiga talada haya ee UDUB oo ay hore u taageeri jireen.

https://i1.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_11272d_2010-4-7-10-10-12f_we.JPG?w=620

Xaflad oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay hoolka Cali Maarshaal, ee Magaalada Hargeysa ayaa Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo la hadlayey boqolaal ka mid ah taageerayaasha maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye waxa uu ugu horeyn ka xog-waramay kulan dhex maray isaga iyo Komishanka sare ee Doorashooyinka gelinkii hore ee maanta isaga oo sheegay in ay Doorashada madaxtooyadu qabsoomi doonto wakhtigeeda, inkasta oo Gudoomiyuhu aanu carabka kuma dhufan wakhti cayiman haddana waxa uu sheegay in “Sidii ay idiin sheegeen masuuliyiinta Kulmiye, waxa aan ku maqnaa oo aan war ka soo qaadanayay komishanka Doorashooyinka, waxaanan idiin sheegayaa in ay doorashadii inoo qabsoomi doonto, wakhtigii loogu talogalayna ay ku dhici doonto, doorashadaasina ma noqon doonto mid mar danbe dib u dhacda: ayuu yidhi, Md Siilaanyo, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey oo yidhi. “Markaa waxa aynu ku talogalaynaa in aanay maanta sidii hore ahayn, waxa aynu u diyaargaroobaynaa waa doorashadii dhabta ahayd oo dalka ka dhacda, qof waliba xaq buu u leeyahay in uu codkiisa ku dhiso, kuna keeno maamulka uu doonayo,”aanay mar-danbe dib u dhici doonin Doorashadu.https://i0.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_11272d_2010-4-7-10-12-44f_wertty.JPG?w=620

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu si weyn u soo dhaweeyay taageerayaasha maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye. Isaga oo la hadlayey dhalinyarada  cusub waxa uu yidhi, “Waxa aan si weyn xisbiga ugu soo dhaweynayaan taageerayaasha maanta ku soo biiray xisbiga, waxaana farxad noo ah in tiro intan  le’eg oo wada dhalinyaro ahi ay maanta xisbiga ku soo biiraan.” Waxana uu intaas raaciyey.”Taageerayaashan maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye waxa aan leeyahay waxa aad la mid noqon doontaan taageerayaashii tirada badnaa ee hore ugu sii jiray xisbiga, ee dalka iyo dibadaha kala joogay,”

https://i1.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_11272d_2010-4-7-10-17-28f_tytruy.JPG?w=620

uddoomiye Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in dhamaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye uu hamigoodu yahay sidii ay maamulka maanta dalka ka jira xilka ugala wareegi lahaayeen “Dhamaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye hamigoodu waxa weeyaan sidii ay nidaamka maanta jira si nabad ah xilka ugala wareegi lahaayeen, oo isbedelka uu dalka u baahan yahay u wada gaadhsiin lahaayeen, waxaanan dhamaantii idinku soo dhaweynayaa laab iyo qalbi furan,”

https://i2.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_11272d_2010-4-7-10-19-14f_ffffffffffff.JPG?w=620

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Kulmiye ayaa isaguna hadal jooban oo uu xaflada ka jeediyey waxa uu sheegay in ay Xisbi ahaan si diiran u soo dhaweeynayaan taageerayaasha cusub ee maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye.

https://i1.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_11272d_2010-4-7-10-21-5f_gggggggggrrrrrrrrrrrrrrr.JPG?w=620

Md. Talyanle waxa uu  ugu baaqay dhamaanba taageerayaasha maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye in ay xooga saaraan sidii ay codadkoodu ugu taageeri lahaayeen xisbiga kulmiye oo ah buu yidhi “ka keliya ee maanta dalkan horumarkiisa gacanta ku hayaa”.

https://i2.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_11272d_2010-4-7-10-23-37f_DSC01491.JPG?w=620

Xafladaas oo ay soo qayb galeen Masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye,waxa kale oo iyaguna ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Soowadaag iyo ku- xigeeniisa, waxaanay ku dheeraadeen in aanay dib u taageeri doonin xisbiga UDUB isla markaana codadkooda iyo cududoodaba isugu geyn doonaan sidii ay kulmiye ugu taageeri lahaayeen.

Xigasho/Hadhwanaagnew