Gudoomiyaha Xisbiga Oo Cusbitaalka Hargeysa Ku Booqday Cheif Caaqil Cabdi Iimaan Cawad

(Kulmiye.org Hargeysa, Somaliland) Gudoomiy Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maalintii shalay cusbitaalka magaalada Hargeysa ku soo booqday Chief caaqil Cabdi Iimaan Cawad oo Xabbaddo ka xaqdarani ku dhaceen  Dorraad kadib markii uu wasiirka ciyaarahu amar ku soo bixiyay in dhalinyaro tartatan ciyaareed uga socday Hargeysa Stadium in xabado nool lagu furo.  Cheif Caaqil Cabdi Iimaan Jaamac  ( cawad ) oo imika jiifa cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ayay Xabada  cunaaha kaga dhacday .

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Siilaanyo  markii uu booqday Chief caaqilka , waxaa uu ka bacdi kormeer guud ku soo maray dhammaan qeybaha kala duwan ee bukaan jiifka cusbitaalka , oo uu qof qof isu kor taagay kana waraystay qof kasta xaaladdiisa caafimaad,ILLAAHAYNA uga beryey inuu caafimaad wada siiyo. Socdaalka gudoomiyaha waxaa  ku wehelinayay Xoghayaha guud Md Kayse Xasan Cige, iyo Xildhibaanda  Nac nac iyo Axmed Kijaandhe, gudoomiyaha garabka dhallinyarada Xisbiga Cabdi-najax Siyaad , hawl wadeeno, iyo saxaafadda maxaliga ahiba. Illa hada wax baadhitaan ah kamay qaadin xukuumada Daahir Riyaale iyo taliyaha Police-ka Somaliland midnaba.

Kulmiye.org