Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diraya Dhamaan Reer Xaji yufuf Ducaale

http://somaliswiss.files.wordpress.com/2007/07/tacsi.jpg?w=620

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo) isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan qoyskiisa , kan xubnaha guddiga Fulinta Xisbiga , Golaha dhexe,, taageerayaasha iyo Xubnaha Xisbiga ee dhammaan Gobolada dalka, Dibedda iyo gudahaba, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Yuuusf Xaaji Ducaale  Axmed , oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee reer Somaliland oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Jabouti.
Gudoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu Marxuumka ilaahay uga baryaya inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan ka siiyo .

Amin , Amin, Amin