Gudoomiyaha Xisbiga Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Loogu Magac Daray Marxuumkii Halyayga Ahaa Ee Cali Maarshaal


(Kulmiye.org)  Monday, April 05, 2010

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, ahna Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta xadhiga ka jaray dhamaystirka dhismaha Hool cusub oo loogu magac daray alle ha u naxariiste Marxuum Cali Maxamuud Guuleed, oo ahaa gudoomiyii hore ee Ololaha tartanka Doorashada madaxweynaha ee Gobolada Galbeed ee Xisbiga Kulmiye.

Dhismahan lagu maamusay Mj, Cali Maarshaal, oo dhawaan ku geeriyooday shil baabuur Magaakada Berbera, isla markaana ka mid ahaa xubnaha ugu firdircoon golaha dhexe ee Kulmite waxaa hirgeliyey Garabka Haweenka Xisbiga  Kulmiye ayaa xaflad loo sameyey  furitaankiisii maanta  waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md, Siilaanyo, Murashaxa jagada Madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye,Md. Seylici, xildhibaano tirsan Baarlamaanka Somaliland, masuuliyiin kale iyo Dadweyne tiro badan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye Md, Axmed Siilaanyo,oo halkaa hadal kooban ka soo jeediyay ayaa ugu horeyn mahadnaq balaadhan u jeediyey Garabka haween waynaha xisbiga Kulmiye dardarta iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii uu horumar u gaadhi lahaa xisbiga Kulmiye.isaga oo xusay in Garabka Haweenka Kulmiye

“Marka hore dhamaantii salaan qiimo badan ayaan idiin soo wada jeedinayaa, maanta oo aynu furayn hoolkan qiimaha badan, ee si loo eegaba farshaxanka leh ee aynu ugu magac darnay Magaca alle ha u naxariistee Cali Maarshaal.Mahadnaq gaar ah ayaa wax aan u soo jeedinayaa haweenka reer KULMIYE, ee iyagu keligood hawshan qabtay, kharashkooda bixiyay maalinwalba dul taagnaa,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xisbiga kulmiye uu dhigiisa dheer yahay haweenka iyo dhalinyarada taageera xisbigaas oo buu yidhi mar walba dedaal  xoogan ugu jira sidii uu xisbigoodu wax u noqon lahaa isla markaana uu  gaadhi lahaa meel sare.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye ayaa sheegay in ay ka soo doogeen dhibaatadii iyo hagardaamadii ka haysatay diidmada laga hor istaago in ay hudheelo wax ku qabsadaan waxaanu yidhi “Waad ogaydeen in la inoo diidi jiray in aynu hudheelada wax ku qabsano, laakiin maanta waxa aynu awood u leenahay in aynu hoolkeenan shirarka muhiim ah ka ah ku qabsano, laakiin marka aynu hudheelada u baahano waynu tagi doonaa, laakiin in aynu si joogto ah hoolkeenan aynu ka samaysanay xarunteena ugu qabsano shirarka.

Waxa aan mar kale ku celinayaa mahadnaq aan u soo jeedinayo hablaha reer KULMIYE, hawsha wayn ee ay qabteen, mana qabtaan hawshan oo keliya balse waxa aanu ognahay in ay hadh iyo habeenba ka shaqeeyaan hawlaha xisbiga Kulmiye iyaga oo xooga saaraya sidii uu xisbigoodu horumar balaadhan ugu talaabsan lahaa,”

Waxa kale oo uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ka hadlay xusuusta uu ku reebay filim taariikhi ah oo xaflada furitaanka loogu talogalay isla markaana ka turjumayay taariikhdii ay SNM u soo martay xoraynta dalka waxaanu yidhi “Runtii filimkii taariikhiga ahaa ee aynu daawanay waxa uu igu reebay xusuus badan, halgankaasina waxa uu ahaa mid naf iyo maalba loo soo huray, waxa aynu arkaynay in dhalinyaradii halgankaas ka qayb gashay ay shaashka bahalaha yeesheen.

Intii nasiibka u heshay in ay ka hadhaan halgankii qadhaadhaa ee dalkan lagu xarooyay waxa aad ogtihiin in laga hor istaagay in ay xaflado ku qabsadaan hudheelada, isla markaana magacoodii meel walba laga tirtiray,”

Guddoomiye Axmed Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi  “Berito waxa weeyaan maalintii la aasaasay Ururka SNM, quruxdu waxa ay ahayd in maanta inta halkan laga saaray in halkaa laga saaro.

Laakiin waxa aynu ognahay in maamulka jira iyo dadka shaqaynayaa aanay taas ogolayn, maalin dhaweyd waxa ii yimid niman dhalinyaro ah oo ka socday Sooyaal oo iyagu qaban qaabiyaha xafladaha noocan oo kale ah, sida caadada ahna mar kasta oo uu soo dhawyahay xusku way noo yimaadaan waxaanan siinaa xogaa dhaqaale ah oo aanu ku taageerno, kuma diidno laakiin waxa aanu nidhaahnaa marka halkaa la isugu yimaado maalin halgan uma eekaysiisaan, berigii hore si weyn ayaa loo dabaal degi jiray, suuqa ayaa lug lagu mari jiray, fagaaraha khayriyada ayaa laga khudbadayn jiray, laakiin maanta waxa ay maraysaa in laga joojiyo meelihii lagu xusi jiray oo la yidhi hudheelo ha lagu qabto, in kasta oo iminka lagu soo celiyay oo la yidhi waxa lagu qabanayaa beerta xorriyada.

Waxa aan leeyahay halkaa aynu isugu wada nimaadno oo aynu soo camirno, xuskaana aynu siino qiimaha uu inaga mudan yahay,

Xigasho/ Hadhwanaagnews