Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Oo Ka Qayb Galay Xaflad Arday Ku Qalin jabisay

https://i2.wp.com/radiosomaliland.com/media/1/20071018-SNMBiixi.JPG?w=620

(Kulmiye.org  Hargeysa, Somaliland) Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,  ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka wayn ee Ambaasador, xafladdaas  ay ku qalin jabiyeen dufcadii 13-aad ee Dugsiga gaarka ah ee AL-Khayr . Mudane Muse Biixi Cabdi mar uu maaanta ka hadlay xafladdaas  wuxuu ka yidhi  asxsaabta qaranka iyo Komishanka doorashooyinku ay wada saxeexdeen heshiis la xidhiidha Xeerka Anshaxa Doorashada.waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in xeerkaasi sida uu yahay loogu dhaqmo.

“Anagu Kulmiye ahaan waxaanu balan  qaadaynaa Xaaji Cabdi idinka iyo dadka kaleba waxaanu u balan qaadaynaa Tartankaasi aanu ku jirnaa dalkaasi wax u kordhiya oo hagaajiya oo is bedel kayr qaba keena, ma doonayno in maalin uun baal shimbireed inaga duulo,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi

Waxaanu intaasi ku daray “Markhaati horena waad ku haysaanoo dal Afrikaana oo 80 cod kaga hadhay kursigii waa kow. Jabhad inta ay dal xoraysa  oo dadkeedii  taladii dib ugu celisayna waa laba. Arrinta sadexaad waxa weeye sadex jeer ayay doorashadu dib ayay u dhacday sadexdaasi jeerba ardayda iyo shacbiga  ayaanu u tudhnay. KULMIYE waxa  uu u taagan yahay halkii Islaantii Nabi Saleebaan ee lagu yidhi inanka ma la idiin kala jaraa ee tidhi gabadhii ay isku haysteen ha qaadato ilmaheeddii lexjeclo ay ka qabtay darteed.”