Hanti-dhawrka Guud oo ka Baaqsaday inuu Xilka kala Wareego Guddigii Cusbitaalka Hargeysa ee Rayaale Eryey

04/04/2010 –

Hargeysa (Jam)- Hanti-dhawrka guud ee qaranka, ayaa baaqsaday inuu ka soo xaadiro xaflad lagu waday inay xilka kala wareegaan Guddigii dadweynaha ee cusbitaalka guud ee Hargeysa oo dhawaan Madaxweyne Rayaale kala diray.

Xil-wareejinta Guddigii hore ee cusbitaalka oo Sabtidii shalay loo ballansanaa in lagu qabto xafiiskii guddiga ee cusbitaalka dhexdiisa, ayaa waxa baaqsaday inay ka soo qaybgalaan masuuliyiinta Hanti-dhawrka Qaranka oo uu Madaxweyne Rayaale ku amray inay xilka kala wareegaan guddiga uu eryey, iyadoo aannu masuuliyiinta Hanti-dhawrku wax cudur-daar ah soo sheegin.

Xubnaha Guddiga Cusbitaalka oo saacad kadib waqtigii ay la ballansanaayeen masuuliyiinta Hanti-dhawrka shir jaraa’id ku qabtay xafiiskoodii hore, ayaa sheegay in aanay garanayn sababta keentay in Hanti-dhawrku ka baaqsado ballantoodii.

Guddoomiyaha Guddigii cusbitaalka Maxamed Xuseen Caabbi oo ka hadlay shirkaa jaraa’id, ayaa sheegay inay Hanti-dharka guud ku ballansanaayeen inay xilka u wareejiyaan, balse ay ballantii oofinwaayeen.

“Waxaannu u ballansanayn oo aannu doonaynay in aanu xilkii ku wareejino Hanti-dhawrka Guud, nasiib-darro ballantayada oo ahayd 9:00 subaxnimo ilaa hadda noomay iman,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Xuseen.

Guddoomiyuhu waxa uu shaki ka muujiyey sababta keenay in xilka uu kala wareego xafiiska Hanti-dhawrku guud, maadaama aanay haynin hanti dawladdu u dhiibtay, isla markaana ay ahaayeen guddi shacabka matasha oo loo baahnaa inay xilka kala wareegto guddi la mid ahi.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa kale oo jira in guddigani ahayd mid shicib ah oo dadweynaha matasha ahayd oo halkan u joogtay horumarinta cusbitaalka, markaa guddigu waxay xilka ku wareejin kartaa uun guddi la mid ah oo shicibka matasha, laakiin nasiib-darro Madaxweynuhu wuxuu sheegay in guddigu xilka ku wareejiso Hanti-dhawrka, hase ahaatee dadweynihii aannu matalanay aad bay ula yaaban yihiin in la yidhaahdo Hanti-dhawrka guud xilka ku wareegiya. Annagu maanu haynin hanti dawladeed oo aannu ku wareejino Hanti-dhawr guud.

Suldaan Barre Warsame Shire oo ka mid ahaa guddiga cusbitaalka oo halkaa ka hadlay, ayaa isnagu sheegay in cidda keliya ee ay xilkii ummadda ay u hayeen ku wareejin karaan tahay guddi shicibka ka timaada oo iyaga beddesha.

“Anigu Hanti-dhawr meel wax lagu wareejiyo maanu garan, sidaa uu Guddoomiyuhu u sheegayna hanti qaran maanu haynin ee wuxuu annagu aannu ka shaqaynaynay samafal buu ahaa, samafalkana ummad baa haddii ay wax bixinaysayna iyo hay’ado madaxbannaan, markaa annagu ciddaanu wax ku wareejin karnaa waxa weeye guddi dhigayaga ah oo wixii aanu haynu ku wareejino,” ayuu yidhi Sul. Barre, waxaannu intaa raaciyey, “Weliba meel fagaare ah aannu uga warano dadka arrimuhu siday yihiin iyo faahfaahin intaa dheerba, waayo ummadda ayaa na soo saartay Madaxweynuhu digreeto ayuu ku soo lifaaqay.”

Xigasho/Jamhuuriya Online