Marwo Amina Waris Oo Si wayn Loogu Soo Dhaweyay Magaalooyinka UK

London, April 5, 2010 (Haatuf) – Wefti ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo ay hogaaminayso Marwo Aamina Waris ayaa saddexdii todobaad ee u dambeeyey waxa dalka UK si diiran ugu soo dhaweynayey dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland ee ku nool halkaasi.

Tan iyo intii ay Aamina Waris soo gaadhay magaalada London badhtamahii Bishii March, waxa Marwada loo qabtay kulamo iyo munaasibado tiro badan oo lagu soo dhaweynayey, kuwaas oo London ka sokow ka dhacay magaalooyinka Bristol, Birmingham, Cardiff, Sheffield, iyo kuwo kale.

Soo dhaweyntan balaadhan ee lagaga hortagay Weftiga Aamina Waris may ahayn mid ku kooban taageerayaasha Kulmiye oo kaliya, balse waxa ka soo qayb galay dad aan hore uga tirsanaan jirin xisbi Mucayin ah iyo waliba dad badan oo lagu xaman jiray inay taageersan yihiin xisbiga UDUB.

Marwo Aamina Waris  waxa ay dadkii kasoo qayb galay xafladahaasi taxanaha ahaa mar walba uga waramaysay xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay iyo loolanka siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ugu jiro siddii uu Somaliland uga dhalin lahaa isbedel maamul oo dalka u horseedi kara Aqoonsi iyo horumar dhaqaale oo ku dhisan Nabad, Cadaalad Iyo Dimuqraadiyad.

Dad ka mid ahaa ka qaybgalayaashii xafladihii kala duwanaa ee loo qabtay Aamina Waris iyo Weftigii ay hogaaminaysay ayaa waxa ay isku raaceen in aanay hore u arag wefti reer Somaliland ah, Muxaafid ama Mucaarid kuu doono ha ahaado eh, oo lagu soo dhaweeyey heer u dhigma ama xataa ku dhaw heerka iyo maqaamka hadda lagu soo dhaweeyey Weftiga Aamina Waris.

Hadaba marka aanu dadka indho indheeya arimaha siyaasada guddaha Somaliland wax ka weydiinay sababta ay Aamina Waris u mutaysatay Soodhaweynta Xad-dhaafka ah ee ay kala kulantay Somalilanders-ka UK, waxay dhacdadan ku tilmaameen mid ka dhalatay ama dabada ku haysa iyada oo wakhtigan xaadirka lagu jiro xilli ay dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ay si weyn ugu hanqal-taagayaan xisbiga Kulmiye, taas oo ay filayaan inuu ku guulaysan doono doorashada Madaxtooyada Somaliland ee sanadkan.

Inkasta oo uu Kulmiye ahaa xisbiga ugu taageerayaasha badan xaga Qurbaha, hadana waxa aan shaki ku jirin in dad badan oo aan saddexda xisbi midna aan ka tirsanaan jirin ama taageeri jirayba Xisbiga UDUB ay haatan u janjeedhsameen dhinaca Kulmiye, taas oo ay inta badan ugu wacan tahay, maamul xumada Madaxweyne Rayaale oo niyad jab weyn ku riday aqlabiyada dadka kunool dibada iyo gudahaba.

Tusaale ahaan xafladihii lagu maamuusayey weftiga Aamina Waris, waxa mid kasta ka soo qayb galayey dad cusub oo ku soo biirayey Kulmiye iyo waliba dad tiradoodu aanay yarayn oo loo tirin jiray xisbiga UDUB.

Waxa kale oo aan muran ka jirin in maamul xumada xukuumaddu ay xisbiga UDUB gayeysiisay in Kulmiye kaga Adkaado Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyada oo fadeexadihii uu ku kacay Wasiirkii hore ee Caafimaadku iyo burburinta guddidii dadweynaha ee u soo qadhaabi jirtay Cusbitaalka Hargeysa ay u quus gooyeen cid kasta oo rajo ka qabtay in xukuumadda iyo UDUB ay ka soo rayn doonaan, waxaanay dadka reer Hargeysa arintaasi u arkeen mid muujinaysa tudhaale la’aanta Madaxweyne Rayaale iyo Waxtar uu u geysto arimaha Caafimaadka daayoo, uu ka burburinayo horumarkii yaraa ee ay dadweyne ahaan iyagu ku soo kordhiyeen waxqabadka Cusbitaalka Hargeysa.

Weftigan Culus ee ay hogaaminaysay Aamina Waris waxa ka mid ahaa Ilhaan Jaamac oo ahayd haweenaydii Xisbiga Kulmiye u sharaxay inay xubin ka mid noqoto Komishanka doorashooyinka, balse uu magacaabisteeda uu is hortaagay Madaxweyne Rayaale.

Maamul xumadda Madaxweyne Rayaale ka sokow soo dhaweynta qayral caadiga ah ee weftigani meel kasta oo uu tagey kala kulmay waxa loo nisbaynayaa arimo la xidhiidha dhawaaqii ka soo baxay sarkaal ka tirsan xukuumadda oo ku baaqay in guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siillaanyo laga mamnuuco soo galitaanka Dalka xilli uu Siillaanyo booqasho ugu maqnaa dalka Dhawr bilood ka hor, erayadaas oo dadka reer Somaliland Mucaarid iyo Muxaafid intooda badani aad uga xanaaqeen iyo Ishortaagii Rayaale ee u magacaabista Ilhaan Jaamac xubinimada Komishanka doorashooyinka iyo waliba shakhsiyada iyo Xirfadaha Hogaamineed ee ay leedahay Marwo Aamina Waris.

Waxyaabaha Weftigu intii uu socodka ku gaalaabixinayey Ingiriiska waxyaabihii u qabsoomay waxa ka mid ah, shacbiyadii xisbiga Kulmiye oo cirka isku shareertay iyo guddidii Xisbiga Kulmiye ololaha doorashada qurba-jooga oo la doortay.