Md Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Loo Magacaabay Kaaliyaha Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga

(Kulmiye.org) Iyadoo hadda ay si toosa u cadeyeen komiishanka qaranka ee doorashoyinku in doorashadi dhacayso haddii alle idmo bisha June, ayaa waxaa socda qaban qaabada Xisbi kasta ugu suxul duubanyahay siduu u heli lahaa codadka ugu badan. Taasi waxay keentay in xisbi kasta gudihiisa is dhiso oo magacaabo xilalkii doorashada, haddaba Xisbiga Kulmiye oo hore u magacaabay garabyadii u qaabilsana ololaha doorashoyinka gobolada Galbeedka iyo Bariga ku waas oo kala ah Baase Cabdi Gaboobe oo ah Galbeedka iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo qaabilsan bariga yagoo lala magacaabay ku-xigeenadoodi, ayaa waxaa loo magacaabay siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi inuu noqdo kaaliyaha Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).    Jagadan oo ay hadda u magacabeen Siyaasi Maxamuud Xaashi Xisbiga Kulmiye ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka cawin doono Musharaxa dhammaan qorshe maalmedka Axmed Silaanyo, Maxamud Xaashi wuxuu muddo 11 sanno ah kamid ahaa golihi wakiilada ee hore, xiligii Madaxweye Maxamed Xaji ibrahim Cigaal Alla haw naxariste, sanadihii danbe wuxuu ku sugnaa waddanka Ingiriiska wuxuuna degenaa Magaalada Birmingham, xiligii halgankii Maxamuud Xaashi wuxuu Maayar ka ahaa Magaalada Dhoqoshay oo xiligaa xarun u ahayd gacansiga iyo abaabulka aaga bari ee ururkii SNM ka dagaalami jiray, markii dalka la soo galay wuxuu maayar ka noqday Caasimada labaad ee Somaliland Burco.

Xigasho/ Muniir Axmed CigaalHadhwanaagmedia England/Uk.
Email muniir10@gmail.com