Maxuu Maanta Ka Yidhi? Kaabad Shaydaan By A Geeljire

https://i0.wp.com/www.sallaxleynews.com/1/albums/userpics/geeljire01.jpg?w=620

DALJIRE
Kaabad Shaydaan
By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:Waaryaadhaheen. Maxaa u malaynaysaan xisbiyadu heshiiskii ay saxeexeen ma fulinayaan?
Dubbe:’aar ii kaadiya. Waar afkaaga baloodh lagu qabay ee ii kaadi. Waar intaydaan ka jawaabin aan Kaabad Shaydaanka laba dhagac ku tuuro ee ii kaadiya.
Doolaal:Waa maxay Kaabad Shaydaankuna?
Dubbe:Horta anigu maan xajin laakiin dhegtaan ka qaatay maanta haddaan tago cid i dawaafisa uma baahni. Waxa la yidhi waxa jirta kaabad dheer oo laga qotomiyay halkii Ibliis uga khaakhaayiray nebi Ibrahim, calayhi salaame. Markii uu manaamka ku arkay isago inakiisii Ismaciil hor Ilaah u sadqeeyay. Markaa shaydaankii lahaa ka daa oo Ilaahay diid amarkiisa halkii uu dhagxanta kaga tuuray nebigu ayaa kaabad shaydaan la yidhaahdaa oo qofkii arkaaba shiidaa; kab ku tuuryaa iyo dhagax ku tuutyaaba.
Doolaal:Marka ma xajkii baad adna manaam ku joogtaa maxaad shiidaysaa?
Dubbe:Mayee miyaydaan arag ninka xidlhibaanka Guurtida ah ee Axmed Obsiiye la yidhaa? Kaas ayaa kaabad shaydaan ah oo aan shiidayaa.
Doolaal:Oo sidaad u shiidaysaa?
Dubbe:Waar wax ma fahantide laba kelmadood baanu ku tuuraynaa. Waxaan leeyahay. Haddii uu u haysto in siyaasadii lixdanaadkii maanta wax tarayso oo ay soconayso isna maqaamkii uu lixdanaadkii joogay ayuumbuu maanta noqonayaa
Doolaal:waa Halkee maqaamkiisu?
Dubbe: Wuxuu noqonayaa kuwan inagoon garanayn markaynu hilib geellaha tagno miiska inala soo fadhiista ee yidhaaha. “ ‘aar ka daa. Aar hilibka si wanaagsan u jarjar ama ka baydh ee faraha iskala soo gala cunto aanay lahayn” Ee markaad tidhaado “oo miyaynu is garanynaa?” yidhaahda. “Dee mayee kanaanu garanaynaa.’ Inta hilibka farta ku fiiqaan. Ta kale haddaanu duruus cilmiga siyaasadda ah u baahanu Prof. Cali Caydiid Faarax baa Hargeysa jooga ee u sheega.
Doolaal:Halkaad ku aragtay waxuu yidhi?
Dubbe:Warqad buu wargeyskeena Haatuf u geeyay uu haddana mar kale ku muujinayo cunsurinimadiisa iyo sida uu beelaha qaar u neceb yahay. isagoo weliba xil qaran haya oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo nabadgelyada .
Doolaal:kkkkk.Waar inaga daaya ninkan iyo Kaabad shaydaantiisa oo maxaa ka tidhaadeen arrinkaa?
Dubbe:anagaa ka jawaabaynee anigu mar walba UDUB waan ka shakisanahay. Waayo cidda keliya ee awoodda leh ee UDUB ahi waa Ina Rayaale isagana been iyo xumaan iyo ballan uu ka baxo mooyee ugamaynaan baran ballan uu fuliyo. Berri waxaydin arki isagoo ka murmaya natiijada kala shaandhaynta.
Doolaal:siduu uga murmayaa?
Dubbe:Waxaad arki boqol guulwade iyo daba dhilif oo midba meel ka qaylinayo oo leeyahay beeshayadii iyo degmadayadii baa la daadiyay tiradoodii. Waxaad arki Madaxdhaqameedayadii uu ku shaqaysan jiray oo leh beeshayadii baa la daadiyay. Sanduuq lama keeni karo gobolkayaga ama degmadayada ama tuuladayada. Waar iminkaba caalamku yuu nook ala tegin.
Doolaal:Waar iminkaydin sas qaadiye adkaysta.
Dubbe:Waar muran uunbaad na gelisay ee horta Komishanka inaynu hambalyayno saw maaha? Waxaanu leenahay hambalyo. Saddexda xisbi dhex Ilaahay hortii ugu ahaada. Halkaa ka wada.
Doolaal:Waa sidaa. Hambalyo.
Dubbe:Waar heedhee Booliskeenu waxan ay dadka habbadda ula dhacaan waa maxay?
Doolaal:Dee iyaga weydii.
Dubbe:Adigu ciyaar baad u leedahay ee waaban weydiiyay mid kamid ah kuwii garoonka carruurta ku rasaaseeyay. Sheekaaba na dhex martay.
Doolaal:maxaa idin dhex maray?
Dubbe: sidan bay u dhacay:
Aniga:Waaryee taliye waxaan ku weydiiyay…
Askari:Waar dee anigu taliye mihi. Orodoo taliyahaad sheegeyso doono.
Aniga:Oo haddaa sawdigan buuran. Illayn derejo ma lihidin eek ii buuran ayuumbaanu is nidhaahnaa kanaa waxooga yar siib siibay oo sarkaal u ege. Maxaad la buuran tahay haddaa?
Askari:Waar waxba kaama geline illayn risiqa nooma hayside orodoo taliyahaad sheegayso doono.
Aniga:waar Taliyahaba inaga daayoo. Maxaad dadka rasaasta ugu furteen?
Askari: Ma dadbaa? Sankay kaa soo geleyaan sidii xabbad sarreen ahe. Waar dib nooga jooga baanu leenahay way nagu soo socdaan.
Aniga: Haaye maxaa xabbadda ugu ridaysaan maa ul ku kaxaysaan?
Askari:Ma kuwan baa ul ku tegaya? Adeer xaggaad ka timi kaagan riyoonayaa?
Aniga:Ma Ina Saqadhi baa idin yidhi ku fura tacshiiradda dadka weliba wixii Arab ah aniga buuggayga ku qora oo xabbadda aad ula dhaca?
Askari:Ina Saqadhi waa ayo?
Aniga: Dee waa Jananka ciidanka. Miyaanad aqoon.
Askari:’aar anagu janan iyo waxaa ma naqaanee. Sigaar ma haysaa?
Aniga: Ma cabo sigaarkee noo jawaab.
Askari:’aar ninyow haddaba na daa. Afar cishaanu heegan ahayn oo sidaas uun u taagnayne. Maanaga waxba kala garanayna. Xalay oo dhanna qaar maandooriye sita baanu eryanaynay. Adigu maxaad ahayd?
Aniga: Ma iminkaad xusuusatay inaad i weydiiso kaan ahay? Dubbe ayaa lay yidhaahdaa. Guddomiye mafrish baan baan ahay.
Askari: Ma Kulmiyaad tahay?
Aniga:kkkkk. “Jinnaa wadaada ah” ma maqashay? Qoriga iska dhig horta aan kuu sheegee.
Askari:Waaryee xasanow. Waar bal xabbad sigaara noo dhiib. Qaadkana laba qori noo dhiib.
Aniga: ma dirayska adigoo xidhan baad qayilaysaa?
Askari:Waa caadiye. Naftaa u baahane.
Aniga: Haddii iminka derejo laydin siiyo adigu maxaad noqon lahayd?
Askari: Hoggaan.
Aniga:Waar hoggaan derjo maahee maxaad noqon lahayd?
Askari: Haddaa waa maxay sawkan hoggaanka miidhani na xukuma maaha? Waar derejana ka dooni maynee mushaharka yar ee weliba iminka raaga uun ma noo kordhinayaan?
Aniga:Alifle ma noqon lahayd?
Askari:Alifku waa maxay ma malcaamad baa quraan laga dhiganayaa?
Aniga; ma taqaanaa Laas Kaabul(last corporal), Kaabul, (corporal) Saajin (sergent), Saajin Miije (sergent major) sab isbeedhad (sub inspector) isbeedhadh (inspector) jiif isbeedhadh (chief inspector) sabaldhan (sub lieutenant) lafdhan ama tiniite (lietenant) kabtan (captain) Mijir (major) tiniite kornayl (lieutenant colonel) Kornayl (colonel) mataqaana Hafsar iyo komishan hafsar( commissioned and non commissioned officers) haw sawjar (old soldier)
Askari: Kaabul iyo kadh kadh layne ma maqal anigu waxaa.
Aniga: haddaa iska daayoo ma taqaan Alife, laba alifle, saddex Alifle,xiddigle,laba xiddigle, Dhamme,Gaashaanle, G/le Dhexe, G/le sare, Sarreeye Guuto, sarreeye, Gaas. Waar dhegeyso waryaa . Jan jan (Attention ama digtoonow)Hadduu ina Warancadde idin kaxaysto oo uu yidhaahdo tuulayaasha Isaxaaqa ayaan calamada Kulmiye ka soo dejinayaa ee ina keena diida. Sarkaal muu ahayn isagu. Wuxuu ahaa Booliskii diinta ee Xaaji Abu site.
Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebe idmo.
A. Geeljire