Rasaas Xukuumadu ku Weerartay Dhalinyaro Kubad Ciyaaraysay

https://i0.wp.com/www.physics.umanitoba.ca/undergraduate/phys1020/images/breaking-news.gif?w=620

Xisbiga Kulmiye ayaa tartan ciyaaraha kubadda cagta ah u qabtay dhallinyarada xaafadaha magaalada Hargeysa  halkaas oo Xisbigu u dhigay  koob ciyaaraha iyo direyska ciyaaraha ee kooxda oo isku dhan ah, oo la gudoonsiinaayey ciddii marba badisa.

Xisbigu intii aanuu bilaabin hawsha tartansiinta ciyaarahaasi, waxa uu si sharciga waafqsan  fasax uga soo qaatay oo qoraal siiyey Xidhiidhka Kubadda cagta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland, sidaas darteedna waxaa  ku bilaabmay maalintii shalay tartankaasi  ciyaartii ugu horaysay. Hadaba  subaxdii saaka ayaa waxa lagu waaberiistay iyadoo uu wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaruhu leeyahay tartankaas Xisbiga Kulmiye ma qabn karo, loomana ogalaan karo in ay ciyaaro ku tartansiinyaan dhalinyarada xaafadaha magaalada Hargeysa.

Waxaa  galabta  ciyaartii ugu horaysay loo furay labadii kooxood, markii hadaba ay yimaadeen garoonkii waxaa ciyaartii oo socota garoonkii yimid todoba baabuur bilays oo tikniko ah ,  isla markiibana  rasaas oodda kaga qaaday kuna  furay dhallinyaradii ciyaaraysay iyo dadweynihii daawanaayeyba,  waxaana rasaastii cuskatay Cheif Caaqil Cabdi Iimaan Jaamac cawad oo ah oday dhaqameed wayn oo ka tirsan bulshada reer Somaliland. Waxa ay xabadu kaga dhacday cheif caaqilka dhinaca bidix ee cunaha waxaana ay ka baxday qadaadka dambe ee qoorta iyo madax u dhaxaysa.  ilaa imminka wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhayay xalada caafimad ee caaqilku waxay  tahay aad u culus tahay

Wixii War Ka soo Kordha Halkan Kala Socda