Saddexda Xisbi Siyaasiy oo si wada-jir ah u saxeexay Xeerka Anshaxa Doorashada

https://i1.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/heshiis3_1.jpg?w=620

Hargeysa (Kulmiye.Org)- Saddexda Xisbi Siyaasi ee Somaliland, ayaa maanta si wada-jir ah qalinka ugu duugay Xeerka Anshaxa Doorashooyinka.

Munaasibaddii lagu kala saxeexday Xeerkan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyayaasha Guddiyada Doorashooyinka Somaliland iyo Ghana iyo sidoo kale hoggaanka sare ee saddexda Xisbi siyaasadeed, ayaa maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay inay dhinacooda ka hirgelinayaan Xeerkan hab-dhaqanka Doorashooyinka, isla markaana wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay in aanay dhex ka ahayn Warbaahinta Dawladda, waxaanu sheegay in Xisbiga UDUB iyo Xukuumaddu si gaar ah u adeegsadaan Warbaahinta.https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_11532d_2010-4-13-8-12-47f_DHAMAAN.JPG?w=620

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay Telefishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeisa oo uu sheegay inaanay dhex ka ahayn arrimaha Xisbiyada. Waxaanu shaaciyay inay UCID ahaan hirgelin doonaan, isla markaana ku dhaqmi doonaan Xeerkaas.https://i1.wp.com/www.oodweynenews.com/uploads/images/heshiis2.jpg?w=620Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna ku hadlay afka Xisbigooda, ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin Guddida Doorashad iyo wax kasta oo ay soo saaraan, waxaanu xusay inay dhinacooda iyana ka hirgelin doonaan Xeerka anshaxa Doorashada. Guddoomiyayaasha Guddiyada Doorashooyinka Somaliland iyo Ghana Ciise Yuusuf Maxamed iyo Afari-Gyn oo iyana halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan in Xisbiyadu sida ay tahay u fulin doonaan Xeerkan. Waxaanu Guddoomiyaha Komishanka Ghana sheegay in dhinaciisa uu kalsooni ku qabo in Guddida Doorashadu u fulin doonaan hawlaha loo igmaday si caddaalad ah.https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.net/attached/u_11532d_2010-4-13-8-26-16f_FFFFFFFFF.JPG?w=620Somaliland.Org kala soco goor dhaw War farxad geliyay Bulshada oo ka soo yeedhay Guddida Doorashada Somaliland.

Xigasho/Somaliland.Org