Taliyaha Boolisku Muxuu Cismaan Hindi Iyo Jug-Soo Dhacay Xafladaha Udub Uga Mamnuuci Waayay

Saqadhe Dubad mid ayaan leeyahay, Riyaalena mid midbaan leeyahay Mucaaradkana mid baan leeyahay

Saqadhe Dubad waxaan leeyahay amarada aad bixinayso horta ku fuli Jug Soo Dhacay iyo Cismaan Hindi.  Marka la arko adiga oo Hoteelada ay Udub shirarka ku qabsanayso ciidan keenay anagana markaas aad naga helaysaa inaanu kuwayagana joojino.  Saqadhi Dubad, waxaanu kuu aragnaa askari ka amar qaata Dahir Riyale oo sharciga aan aqoon u lahayn.  Saqadhe Dubad amarada aad bixinaysaa kama duwana kuwa faqashta ee ahaa urur lama ogala, lama shiri karo xukuumada iyo xisbigeeda mooyaane. Saqadhe Dubad dalku sharci iyo distoor lagu kala socdo ayuu leeyahay, wixii sharci ah ee distoorku xisbigan Kulimiye u fasaayo adiga iyo Dahir Riyaale mid marti kaaga noqon mayno ee ha ku seexan taas.

Daahir Riyaale isna waxaan leeyahay, ama Saqadhe Dubad soo adeegso ama NSS soo adeegso dalkan sharciyadiisii waad ku tumatay maanta se waxaa la soo gaadhay wakhti  aann shacab kaa qaadanayn xukun xumadaada. Shacabka reer Somaliland iyo xisbiyada mucaaridkuba waa dad u hogaansan sharciga iyo distoorka dalka u yaal ayaan darro se waxaa ah marka ay dawada aad adigu hogaaminaysaa daaqada ka tuurtay sharci iyo distoorba dadkiina aad ku xukunto xukun deg deg ah.

Xisbiyada Mucaaridkana mid baan leeyahay oo ah dalka dawlad xumaa haysta aan ixtiraam u lahayn shrciyadii, distoorkii iyo xuquuqdii Aadamaha , wixii sharci ah ama distoor idiin fasaxayo waxaanu idin leenahay Daahir Riyaale iyo Saqadhe Dubad midnaba ha u joojinina.