Udub ma hogaamin karayaa Somaliland qarniga 21naad? Iyo gabaygii sida geel horweynoo harad kaw kasiiyo.

Udub ma hogaamin karayaa Somaliland qarniga 21naad? Iyo gabaygii sida geel horweynoo harad kaw kasiiyo.

https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.net/attached/u_11253d_2010-4-6-18-2-54f_naasir.jpg?w=620


(Kulmiye.org)  Tuesday, April 06, 2010

Xisbiga udub dadka reer Somaliland wuu lugooyey ,maanta dalkeenuna wuxuu marayaa marxalad aad iyo aad uqalafsan oo wax kaste sii adkaanayo  darxumo udhamaatay shacabka Somaliland qofkii wax haystaa wax ayuu sii helayaa ama udub ku xidhan ,labadii walaalaha ahaa kii wax haysta caruurtiisu quraanka way baranayaan kii kalana dibjiriin ayey noqonayaan dadka utalaliya udub waxay ku nool yihiin barwaaqo caanaha ayaa biyo unoqday mafrishyadooda halka biyo laga cabilahaa waxaa lagu qayilaa caano ,nin walba oo wasiir beened ah gurigiisa iyo mafrish kiisa waxaa lagu bur buriyaa ilaa 1500 dollar waa lacagtii dalka lagu horu marin lahaa lacagtaas sunta ah badankeeda waxaa looga soo ururiyaa daadka masaakinta ah ee bacadka fadhiya meelsha waxaa ka socda booba yaa reer udub. iyo dabadhilifkood, bari gii Af –weyne waxbarashada waaba loo sinaa maantana soomali land waa tijaarada ugu weyn lacagta wax lagu barto gudaha talka ardaygu hadii uu qabto jaamacad dibada ah waxbarasho ka fiican ayuu kaso helayaa iyo khibrad ardayda Somaliland lacagta ay wax ku bartaan waa qaali dawladuna kama hadasho waxbarashana ma sameyso, tusaale ahaan barigii aanu dalka hindiya ka aheyn ardayda waxaa nalooso dirijiray 100 ilaa 150 dollar bishii taas oo aanu wax kaste ka bixin jirnay nolol fiicana aanu kaga nooleyn hadaba shacab yahow toosa oo bal yara fakara oo eega  aduunyada indinku wareegsan ee sheegata dumuqraadiyada ama shucuubta xorta ah dhinac kaste way ku guul dareysteen xisbiga udub wadankana way majaro habaabinayan oo wax mustaq bal ah oo ay soo wadaan majiro inay wax sii kharibaan mooyane inta ay talada hayaana cadaaladu way fog tahay markaste.

1)Somaliland waxay ledahay wasaarada cadaalada

Wax haba yaraate oo ay qabataa majirto waa wasaarada dulmiga mana madax banana waxay xukuntaa uun dadka masaakinta ah waxaana qacanta ku haya xisbiga udub cadaalad daro ayeynu u dagaalane cadaaladii maxaa helay

2)wasaarada maaliyada ee soomali land

Waa wasaarada boobka iyo baabinta dhaqaalaha dalka waa dukaan ama bakhaara lacagta loogu qabto tuugta sharciyeysan

3)wasarada biyaha iyo macdanta Somali land

Wasaarada haraadka iyo oonka waxaa ka wax soo sar badan biyolayasha

Barakeysan ee Somali land waa qayb kamid ah shaqaalah bakhaarka maliyada

4)Wakaalada korontada ama laydhka ee Somali land

Wasaarada mugdiga iyo habeenka magaaloyinka qaarkod laydhba lagama yaqaano dawladu leedahay sida dakada weyn ee bar bara wax horu mar ah ooy dawladu ku sameysay majirto iyagu reer udub wuxuun bay qaatane waxba madhiiban bal ufiirsada sida ay dalka ula dhaqmayaan waa cadaawe aan dadnimo laheyn oo diirka inala wadaaga oo dantooda eegta .

5)wasarada waxbarashada ee Somali land

Waa wasaaradii dalka dhisilaheyd ee wasaarad kaste laga horu marin lahaa

Waa nuurkii dalka nasiib daro waa wasarada laga cararo waxaa loo dhiiba wasirka layara ganaa xayo waayo waa wasarada foqorka iyo busaarada oo lacagi masoo gasho macalimiintuna way ku dul mayihiin ardaydana waxaa waxka barta kii wax haysta waa wasarad aad iyo aad umuhiin ah dalka wayna xaniban tahay oo waa lacasilay .

6)Wasaarada warfaafinta ee dalka Somali land

Wasaradani waa tii dalka badali laheyd lakiin waxaa nasiib daro noqotay in ay noqoto wasaarda ladagaalamka xoriyada dalka Somali land iyo afka xidhka dadka.

7)wasaarada arimaha gudaha Somaliland

Waa misha uu dulmigu kasoo abuurmo waa wasarada gudaha dhiga bal xagee lagu arkay wasarad arimoha gudaha oo haysata ama maamusha dawladaha hoose wasaaradan waxba uma qabato dalka ee meesh qofka shacabka u hadla

Khadkiisa loogu dago .

8)wasaarada khaarajiga ee Somali land

Waa wasaarada dalxiiska iyo socdka safarada cusub ee ka bilaamay yurub maxay reer udub udooni ictiraaf Somaliland iyagaa afka urogayee .

9)dimiqraadiyada Somaliland

Somaliland dimiraadiyadeedi looso halgamey udub ayaa jeebka gashaday

Waxay doonana ayey sameeyan sharcigana way kasareeyan wixii lagu ladoodana waxay yidhaahdan xataa hadii uu qorayo distoorku maqorayo reer udub waa dad toodu ucadahay oo soo shaqatagey ee umajedan dimiqradiyad

10)barlamaanka somaali land

Waa barlamaan awoodi laga qaaday oo dadkii soo doortay aan waxba u qaban kareeyn ,awooda dalka waxaa iska haysta udub iyo taliyahooda mana ixtiraaman barlamaanka sharafta leh ee umada u halgamaya kuna jooga dorashada xaga ah

Barlamaanka Somaliland waa halbawle lama huraan ah udubna waxba uma haysato xagee lagu arkay aduun yada barlamaan hablaha yar-yar iyo inamada ee hay adaha qaxoontiga teebka u garaaca ay ka mushahar badan yiin waa mucjiso?

11) madax dhaqameedyada bulshada soomaliland

Ilaahey khayr hasiiyo odayaash Somaliland waa kuwa bad baadiyay

Ee maanta halkaa soo gaadh siiyey nabada waa dad sharafleh laakiin nasiib

Daro reer udub ma oga maanta sida koonfur iyo afrikaanka kale ayeynu is cuni

Laheeyn waxbana kuma qabaan dawlada laakin Ilaahey ayey khayer ka helayaan

Wadanada yurub nimka dadka shaqadooda qabta waxaa layidhaahda(social workers and community workers) odayaashenu wax kaste oo bulshada laxidhiidha iyagaa qabta markay dawlad fiican timaadan way heli xaqooda .

12)dakadaha iyo madaarada soomaliland

Dakadeenu waa boosaso Barbara iska ilaawa waligeed maamul fiican losameyn

Maayo sidaa ayeynu bosaso utaginaa bal reer udub waatase bar bara haka dhigaan dakad furan oo sicir jaban lana tar tami karta dakadaha kale sida jabuuti,bosaso ,madaaraduna udub waxba magalisee wax ayuun  baa uga soo

Baxa oo 19 sanadood maalin ayuun bay shaqeynayen badan koodu qarna ma shaqeeyan.

Dhibaatoyinka dalka ka taagan lasoo koobi karimaaye wixii aanan waxba kasoo qorin waa meelo bakhtiyey oon waxba laga qori kareyn sida wasaarada caafimadka soomali land ,maanta Somaliland Janis ayey haysataa oo aduunkii afrika meelaha khayraadku ku jiraan ayaa loo kala dheeraynayaa wadankeenuna

Wuu buxaa mansha Alahu hadaba meerasasey meerageedii!!!!!!

13)xisbiyada Somaliland ee siyaasiga ah

Udub waa xisbi shuuci ah oo donaya in aanu yeelan dalkeenu xisbiyo kalo oo ay xaaran inagu haystaan bal waxay samaynayaan eega xisbiyadii qaar way diidayan iyadoo xaqdaro ah majiro dal dumuqraadi sheegta oo diida xisbiyada faraha badan barlamaanka ayaa wax diida laakin madax wayne isagu wax kasta diida lama hayo shaqada madax weynaha ma aha waxaasi udub waxay doonayan khidad ah imika qaybi oo xukum nimankani maanta ayey kama fa karayan mustaqbalka jiilka soo socda umajoojiyaan. siyaasi yiinta ugu waa weyn udub isma maqlaan adeer ama khayr ku hadla ama iska aamusa hadii aad gabowdeen oo ku noqoteen caruurnimadii labaad (second childhood)

Hadal iyo dhamaantii reer udub halaga tashado oo shacabku ayahooda haka taliyaan udub waxba sooma wadee haku habsaamina oo beentooda barta.

14)qisadii iigu cajiibka badneyd ee aan ka dawado universal tv (Borama airport)

Galab ayaan dawaanayey  universal tv dabadeed waxaa soo galaya ayey yidhaahdeen warkii Somaliland markaas ayaan iska yara sugay nasiib daro waxaa igaga soo baxday qiso cajiiba. waxaa lasoo saray gudoomiyihii madarka MR ADEN ISAAQ oo hadlaaya una waramaya wargalinta, wuxuu lahaa madaarkii waa la boobayaa diyaarad danbe oo aan masuul ka ahey majirto maanta laga bilaabo!! waataa ciidi wadada  laga guranayo markii uu wariyihii waydiiyey muxuu dawlada ugu sheegi waayey wuxuu yidhi dawlada hoose ayaaba kamid ah kuwa guranaya hadaba ma kuwaa wixii jiray baabinaya ayaa khayrleh dadyow qabiilka ka baxa oo dad walalo ah oo islama tiine xaga garta.

Idinkaa hadha iyo rag

Hunguri dhexjifo haybtun

Kunoolo horseed aan aqoon

Oo dadka kala habawshoo

Hami goodu duni tahay

Haweys hibo usiiyo hobalay

Uqaado hadhuubkedi raaciyay

Hadad maanta leediin markii

Aad habowdeen haweys hibo

Ubixiseen anakaa hilmaano

Heerka isgeynee habarkani

Muxuu haa hawalshiisu badana

Markii aad habsanten himilad

Adunkiyo horsed gadhi weyden

Idinkoon hubsiin hayn goor

Aan habeen hayn hambalyada

Maqaaden heesa matiriseen

Sida geel horweynoo hoban

Lamoodo hawad sare ku rago

Haraad kaw kasiiyoo habqankiisi

Soo shubay halkii uu kacabijiray

Halyaygii horilahaa hadhuubkisa

Qaate heesaha utirinjiray halaq uu

Haleeloo halbawlaha wadnaha jaray

Heehaabanayaad heehaabanaysaan

Hayb uun ku nool eey inta

Uu hadhagaas hogankiina haystana

Horseed gaadhi maysaan haasawe

Beeniyo hadal baad kunoolshin

Halgankeeni dheerah hubka la

Isla dhaca iyo hawalshiisu kulu

Layd kii soo halgamayee hubka

Culus uqaate heeryada hilaabte

Hooyadiisi wacan iyo hooygi

Kahaajiray isaago hagag wada

Ayaad haybsataano hadad hayb

Wadaagtan hadalkiisa maqashan

Hadeydan wadaagina hadal kama

Sugtaano hareertad ka dhaaftan

Ruux kastoo horseed wada hayb

Tiisa doontan haduu haybta

Kula hayn haybtaad ku diidan

Kuwa idin halaagad haybtood

Ku raacdan haybtuun kunool

Eey haasawe beeniyo hadal

Baad kunool shiin horseed

Gadhimaysan inta uu hadhagaas

Hogaankina haystana horseed

Waa ka qatantiin habeenjooto

Weyaan hami uu dhamadayna

Hooyo bacadka fadhidaa waa

Hab loogu talagay hablo

Dibad wareega waa hab

Loogu talagay hami inuu

Dhamaada waa hab loogu

Talagalay inuu geesi habradaa

Waa hab loogu tala galay

Inay haybtu socotaa waa

Hab loogu tala galay

Horseed inuu istaaga waa

Habloogu tala galay inay

Haybtu socotaa waa hab

Loogu tala galay halkii

Inaynu aadna waa hab

Loogu talagalay haybtuun ku

Nooleey hasaawe beeniyo hadal

Bad ku noolshiin inta uu

Hadhaga hogaankina haystana

Horseed gaadhi maysaan.

Nasir x.ciise (ina geeljire)

nasir_issa@hotmail.co.uk

Cardiff UK