Waan Ciyaarayaa Iyo Ciyaarimaysid By A. Geeljire

Abdillaahi Geeljire

Dubbe iyo Doolaal  duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha.  Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna  inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:shshshshshh. Waar bal aamusa. Waxa rasaas dhacaysa ma maqlaysaan?

Doolaal:Haaye? tolow waa halkee ma qaar baa baloodh isku haysta?

Dubbe:Baloodhkaaba dhac.  Rasaasta baloodhku fara badanaa. Waar haddaan gartay ee iska daa.

Doolaal:Waa halkee?

Dubbe:Qiyaastii  ma ku beegantahay dhankaa iyo dusiga Axmed Guray?

Doolaal:Horta waa dhankaa Dumbuluq.

Dubbe:Iska daa gartay eh. Waxaas oo rasaas ahi waa kubadda waan ciyaaraa iyo ciyaari  maysid. Waa halkii ninkii Ogaadeen yidhii “buuqaa magaalada ka baxahayaa waa iga gado iyo kaa gadan mahay.” Caqliga Faqshtaan idinka aqaan oo inamadii yaryaraa ee kubadda ciyaaryay ayay ciidan kala dira dul geysay. Haa. “nimaad taqaan waad la joogtaa.” Baa la yidhi.

Doolaal:Halow! Haa? Ma iyagiibaa? Dhallinyaradii ciyaaraha? Oo cidi wax ma ku noqotay? Caaqil Guray aa? Oo intuu qabaa…..?

Dubbe:waar siday wax u jiraan?

Doolaal:Waa ciyaalkii aydin soo waasheen ee tidhaahdeen kubbad soo ciyaara oo askartii shiiday.

Dubbe: Ma Ilaah baa kugu og? Waa waxaan sheegayay. Somalilandeey waakaa Caqliga Ina Rayaale  ee codka idinka doonayaa carruurta ku laynayaa kubbad ha ciyaarina. Bal maxaa nuqsaan ah ee ugu jira qaranka, daaqad muraayada oo jabtayna dhehoo, ilmo kubbad laaday oo weliba garoonkii loogu talo galay la tegey? Arrintaa  waxan leeyahay Afhayeenka mafrishku, Dubeeco, warsaxaafadeed lagu cambaaraynayo  ha ka soo saaro.

Doolaal:Carrurtu haddii aanay fasax haysaan sow inay guryahooda iska joogaan maaha?

Dubbe:Waar Dubeecow diyaari warsaxaafadeedka aan saxeexee?

Dubeeco:Waa diyaare anigu gaadhibaa wax ka xareediyaan iyo waxaa odhan maayee, waxaanu leenahay Wasiirka haddii aad shaqadaadii gabtay oo shaxaadka Idris aad ku habsaantay maaha inaad carruurta umaaddu ku tabcayso ee aydin dayacadeen aad xabbad ugu dartaan. Sidee buula hawl yarhay inaad xabbad uun ku furtaan ubad dad dhalay oo soo korsanayay labaatan sanno iyo dheeraad? Berigii Ina Rayaale waxaynu isku qabsan jiray doorasho way dhacaysaa iyo dhici mahayso. Diwaan gelin baa lagu gelayaa iyo lagu geli mahayo. Ii kordhiya iyo laguu kordhin mahayo. Adhiga Aljaabiri baan u xidhayaa iyo u xidhi mahaysid. Riigga beertaydaan biyo ugu qodayaa iyo ugu qodi  mahaysid.kalluunka anigaa keligay dhoofinaya iyo dhoofin mahaysid. Carruurta iyo mawaadiniinta mudaharaad nabad ah dhiga waan laynayaa iyo layn mahayysid.been baan idiin sheegayaa iska qaata iyo qaadan mahayno. Golaha Wakiilada waan xidhahayaa iyo xidhi mahaysid. Iminkana arrintii waxay maraysaa carrureey kubbadda ciyaari mahaysaan iyo waanu ciyaari. Adaw dab naara lagu gub haddee muxuu soo wataa ee u haray?

Dubbe:qoladan aad lahayd qabyaalad bay ka hadleena maxay ahaayeen?

Dubeeco:Jimcihii dhoweyd ee Kulmiye xafladda Kaah ka dhacday lagu casuumay waxaan arkay Guddomiyaha UCID, Faysal Calu Waraabe, qaar saxaafadda ka mid ah iyo dad kale oo leh Kulmiye qabyaaladda ha ka daayo dhallinyarada. Waxa kale oo aan arkay Xildhibaan Gacan oo leh “Habar Yoonis in hudheel qaado maaha.”

Haddaba Faysal iyo saxaafadda oo niyad wanaag arrinku ka ahaa, sidaan qabo iyo ciddii kale la mid ahayd waxaan leeyahay bulshadeenu waxay ka dhigan tahay ninkii inankiisa ka waaniyay cabista sigaarka ee haddana yidhi. “intaa ii dhiiboo” xabad sigaar ah oo ianku cabayay markaa. Wax wal oo umaddeenu ku dhaqantaaba qabyaalad buu ku fadhiyaa haddana mar mar ayuunbaynu iska kacnaa nidhaahnaa qabyaaladaa ha layska daayo. Haddaba bahasha aan ka tashano oo xumaanteeda iska reeebno ee inta ka horraysaa taladaa canaanta muraadaysan ee meesha aan qaban inaga daaya. Xildhibaan Gacan Obsiiyana waxaan idhi waa runtaa oo HY in hudheel qaado ka badan in dhuuntaada martana ka badan ee maygu raacday?

Waxa kale oo aydin u sheegtaan C/lahi Cirro sheekada keliya ee uu Maraykan keenay  een  ah “Habar Yoonis iyo Habar Jeclo waxba UDUB iyo xukuumadda kama aha o anigay ii daba fadhiistaan.” Inkasta oo aanu nidhi “Allow d…… ruqsay.” Habar Awalna waxba Kulmiye kama aha” Inaanay ahayn wax ummadda kala fogeyn kara isla markaana aanay ahayn wax ka iibsamaya ee dadku intaa ka caqli badan yahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa intan yar ee aan ka hayo gabaygii Cali Dhuux ee uu Cali Xaraaro xayiray ee uu kula hadlayay qola SNM ah oo Xukuumadda Ina Rayaale u adeega. Wuxuu yidhi.

Dhankaan ka hadlay waakaa qaniin dhaafay hadalkiiye

Dhegxumada ha diidaan lahaa dheegga loo sudhaye

Dhawrtada cashuureed haddii la xado waad dhadhamisaaye

Caqliga wax lagu dhaado iyo dhaayahaa maqane eh

Guulwadaan dhankii loo diro iyo dhinacna diidayne

Iyagaba dhaandhaanimaa lagu arkay iyo dhiigga faasidaye

Haddaanay sida dhoocilaa ahayn laguma dhaansheene

Wax ka dhigan mujaahid dhaartay oon ceeb ka dhiidhiyine

Nin dhacdhaca Faqash dugsaday dhuuni raac noqoye

Dhashaaday dishaa tuugadaad maanta dhurataaye

Dhirfal buu Daahir marin  intuu dhaco dadkiiniiye

Maxjar dhimay dekedna waa horuu dhamaye

Dhoobada Hargeysiyo Berberi wa dhaxal adawgiiye

Dhulka kama macaasheen haday dhawrayaan qarane

Waa dhego la’yahay reer Estii (snm) dhoohan weligiiye

Dhibta gaadha waa moogyihiin iyo dhaliishoode

Haddaanay ubadkay dhaleen dheeli karihayne

Wakaa wasiir dhaantaynayaa ciidan soo dhigaye

Waakaa dhirbaaxada indhaa taabtay dhabanakiiye

Wakaa dhallaankii ilmada dhiigga hoorsadaye

Waakaa dhafoor qiiqlihii dhuunta jaray qaare

Waakaa dhashiikaha ku furay duhur dharaareede

Waakaa dhaawacii jajabay dhiraha hoos yaale

dhayal loma laayeen hadday dhiirran karayaane

ha dhabacdeen waataa dhaamaan dhabarku muuqdaane

Waa inoo qoraalka xiga haddii  eebbe idmo

  1. Geeeljire