Wax Wanaag Ah Oo UDUB Ay Hanbaysatay……

https://i1.wp.com/www.aboutus.org/Special/image/full/Logo-kulmiye-com.gif?w=620https://i1.wp.com/www.longlivesomaliland.com/IMAGES/kulmiye-logo.gif?w=620http://hiildan.files.wordpress.com/2009/04/kulmiye-logo1.jpg?w=620https://i0.wp.com/2.bp.blogspot.com/_7fYVIyVupo8/SrC9a78Q_eI/AAAAAAAAADA/e3d6SBARUGw/S270/logo1.jpg?w=620

Mudadii ay xilka haysay Xukuumada UDUB wax wax-qabad ah oo ay dadka reer Somaliland ay u og yihiin ma jirto Waxaana loo yaqaanaa M/weyne Rayaale iyo wasiiradiisa Koox ku shuraakoobay Hanti Boob.

Sidaa daraadeed ma jirto wax lagu doorto maanta oo abaal loogu hayaa iyada oo ay taasi jirto, ayaa wax dhawaan ka dilaacay deeganka Toon ee Degmada Sallaxley shuban biyood oo inta la og yahay ay ku dhinteen lix caruur ihi tiro kalena ay u ildaran yihiin dhibaatadaa caafimaad iyo nafaqo daradaa ka soo gaadhay abaaro muddo saddex sanno ah iska soo daba noqnoqnaayay oo xoolihii deegaankaasi caanka ku ahaa naafeeyey taas oo keentay markii ay roobabku da’een ay raqdii xooluhu ay weelkii biyaha ku xaroodaan taas oo keentay dhibato caafimaad .

Haddaba waxa jirtay in ay xukuumadu ku gurmatay iyaga oo wata tiro baabuur land curuiser ah  oo mid waliba saaran yahay laba qof oo kaliya kuwaas oo  hadal uun la tagay iyo waxooga ORS ah oo ay hayadaha ka qaadeen waxyana xukuumadu ku faantay wax qabad iyo in ay u gurmatay dadkaas iyada oo la wada og yahay in deegaankaas balaadhani in aanu lahayn rug caafimaad iyo wax qabad dawladeed.

Haddaba xisbiga UDUB meel caruuri ku dhimatay ayuu haddba sacab ka tuntaa yidhaana bal eega waa wax qabad kayaga  taas oo la mid sheeko xariireed hore, ee ahayd “Barribaa waxa xanuunsaday nin mudakar ah oo reer Weyn ah oo cilinkiisa la saari waayay dabdeed dawco ayaa tidhi aniga ayaa daweynaya ee toddoba cisho ha u soo gelina cuntadiisa oo hilib ahna u dhiga aqalka markii ay hilibkii ay cuntay ayaa la yidhi  ninkii oo dhintay todoba cisho kadib dooryaankuna bawda hayo ayaa la yidhi naa dayooy ka waran ninkii markaasay tidhi saaka ayaabu tukanaayay.”

Waxa taas ka dhigan xisbiga UDUB ee ku faanaya wixii lagu canaanan lahaa oo ah dhul adeeg caafimaad iyo mid kalena aaanay ka fulin ayay xukuumadu markii ay dadku dhinteen waa wax qabad dawladeed ee muxuu mucaaridku ku hadli doonaa!!!!!…

Qalinkii: Maxamed Yusuf Siciid

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe

Ee Xisbiga Kulmiye