Waxaad shalayto mudatiyo Mahadhada xusuusnoow Halkii qorigu kaa muday Mar labaad lugtaadiyo !!

https://i1.wp.com/www.sdwo.com/Union_Hotel.jpg?resize=620%2C431

Bariido wacan akhristow,

Dalkeena Somaliland ee curdinka ahi wuxu innaga mudan yahay gardaadin iyo in aynu gaadhsiino heer uu inoogu dhalo midho inna wada deeqa, balse waa goorma goorta midhahaas guran lahaa? Sida tuducyadan ka midka ahaa maanso qiima leh oo (AHN)Abwan Ibrahim Gadhle tiriyey 80-nadii waxa mudan in aynaan shalay illaawin oo ku degdegin wax kala riixasho dano gaar ah ku qotonta. Wuxu yidhi:

Waxaad shalayto mudatiyo
Mahadhada xusuusnoow
Halkii qorigu kaa muday
Mar labaad lugtaadiyo
Cagtu yaanay kula marin

Dalkeenu wuxu u baahnaa in aynu garaad iyo gurmed ku anqarino, kuna korino daacadnimo iyo aqoon kobcisa haya’dihiisa curdinka ah ee u ooman caqli suubban oo dedaal, caddaalad, aqoon iyo daacadnimo jaheeyeen, ogsoonna in loo baahan yahay waqti badan oo ay ku hano qaadaan kuna qaan gaadhaan (xilligii ay tamarin lahaayeen) ee midhohooda la guran lahaa. Abwaanku wuxu mar kale yidhi:

Maantiyo dantaadiyo
Yaan mililku kaa lumin
Maalmaa danbeeyiyo
Waxa maqanna faallee

Maalkaagu yuu noqon
Musdanbeedka reerkiyo
Makhsinkaad u hoyatiyo
Masallaha Rasuulkiyo
Ku Masaajid lagu gubo
Muhmal laguma guuree

Danni ma-hure haw dilin

Geedku intaanu bislaan haddii midhihiisa la goosto waa lagu balaloodaa, waxana laga dhaxlaa geedkii oo ba’a iyo kii goostay oo ama galbada ama guul-darraysta, waa sidaas marka dal  curdin ah oo u baahan in caddaalad, aqoon iyo daacadnimo lagu barbaariyo inta taas laga leexdo danta gaarka ah laga hor mariyo ta guud, taas oo horseedda burbur iyo bara-kac. Wuxu abwaanku maansadan oo dheerayd ku gunaanaday erayadan culus:

Geela maalintii raac
Makhribkiyo habeenkana
Aan kugu ag maalee
Ha maggaabin caanaha
Maaheyska kugu yidhi
Sii mililiciisana
Waxa kaaga magac roon
Macaluusha gaajada
Haba laga masoobee
Adigoo markaha rida.

Ali Adan Awale

London UK

Email: xasiid2000@yahoo.co.uk