“Xidhiidh Dhex Mara Somaliland Iyo Jabuuti Uu Yahay Lagama Maarmaan” Muj. Muuse Biixi

Shirweynihii KULMIYE, Hargeisa Muj. Muuse Biixi Oo Shaaca Ka Qaadayin Xidhiidh Dhex Mara Somaliland Iyo Jabuuti Uu Yahay Lagama Maarmaan, Kuna Tilmaamay Laba Shacab Oo Dhiig Iyo Dhalasho Ka Dhaxayso
“Kuwo Maan-Gaab Ah Oo Aan Dimuqraadiyada Waxba Ka Aqoonin Oo Iyaga Gudahooda Aan Wadatashi Oolin Ayaa Doodahayga Khilaaf Ka Dhiga, Waxaanad Moodaa In Xisbiyada Qaarkood Ay Rajo U Arkaan Kulmiyaa Is Khilaafay Oo Qudha, Hadaynu Jabuuti Is Fahmi Weyno Ma Chine Iyo Galbeedka Africa.. ”
Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, April 11 2010-(Haatuf)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ka mid ah hogaamiyayaasha reer Hargeysa ee hormuudka ka ah axsaabta mucaaridka, ayaa sheegay in xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Djibouti uu yahay lagama maarmaan, tilmaamayna in xisbigooda Kulmiye uu yahay xisbi himilo fog leh oo dimuqraadi ah, islamarkaana tibaaxay in doodaha wadatashi ee dhexdoodana ay xisbiyada qaarkood iyo warbaahinta dawladu ka dhigaan khilaaf ka dhex jira xisbiga Kulmiye.
Muj.Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu si kulul u deedefeeyay wararka sheegaya  hogaamiyayaashoodii ururkii SNM ay u kala qaybsanaayeen garabo siyaasadeed iyo ,mid milatari, balse uu tilmaamay in uu ahaa mid isku duuban oo siyaasiyiintu hogaaminaysay milatariguna fuliyeen taladii hogaanka siyaasadeed ee dalka lagu soo galay.
Muj.Muuse Biixi Cabdi oo xalay aanu khadka tilifoonka kula xidhiidhnay waxna kaga weydiinay siyaasada xisbigooda ee ku wajahan, xidhiidh Somaliland iyo Djibouti dhex mara iyo socdaalkii uu dhowaan dalkaasi kaga soo laabtay, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya arrinkaasina waxa uu yidhi, “xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti waa mid wada dhalasho, waa mid dhuleed, waa mid dhiig, waa laba dal oo meel ku wada dhaqan oo xadkii isticmaarku Afrika uu kala xidhay, Djibouti iyo Hargeysa, Berbera iyo Burco waa isku mid, inay Djibouti iyo Somaliland isku soo dhowaadaan waa lagama maarmaan, wixii turxaan ah waa in laga ilaaliyaa haday hore wax u yara qaloocdeen waa in la saxaa, mustaqbalkana xidhiidh Somaliland iyo Djibouti dhex maraa waa mid waajib ah, in labada shacab iyo labada dalba ay sii horumariyaan walalnimadooda iyo sooyaalka taariikheed ee ka dhexeeya.
S : mawqifkiina Kulmiye ee ku aadan xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti, muxuu yahay?
J : Kulmiye, Djibouti iyo Somaliland, mar kasta xidhiidhkoodu wuu wanaagsan yahay, Djibouti waa dal Somali, madaxweynaheeduna yahay Somali, dalkaana ay wada degan yihiin Canfar iyo Somali, waa meesha Somali ku badbaaday, waa meesha haysa iyadoo hareeraheedii oo dhami gubanayaan, hogaankeeda iyo shacbigeeduba waxay muujiyeen horumar laxaad leh, wax lagu hambalyeeyana ay tahay, ku dayashana mudan, adeegyo bulsho, caafimaad, waxbarasho, jidad iyo deked, waxan ku soo arkay horumar ay ka sameeyeen, Ilaahayna ha u sii siyaadiyo wax qabsigoodaa.
S : Xisbigiina Kulmiye waxad moodaa in mawqifkiinii hore ee xidhiidhka Djibouti aad wax ka bedesheen, muxuu yahay, istaraatijiyadiina siyaasadeed ee xidhiidh Somaliland iyo Djibouti dhex mara?
J : mar walba waa waajib in xidhiidh lala sameeyo Djibouti, Kulmiye waxa ka go’an in xidhiidh lala sameeyo dalalka deriska oo dhan, Djibouti  waa dal Somaliyeed oo aynu isku fahmi karno, hadaynu is fahmi weyno ma Shiinaha, Guinea oo Afrikada Galbeed ah ayaynu is fahmi karnaa.
S : maadaama aad ka mid ahayd hogaamiyayaashii milatari ee ururkii SNM, waxa lagu eedeeyaa in laba garab ay u qaybsanayd, garab siyaasi ah iyo mid milatari, laguna eedeeyo garabkii siyaasigu inuu halgankii ku fashilmay, arrimahaa maxaad ka leedahay?
J : arrimahaa imika waxa yidhaahda dad aan wanaag u jeedin ama taariikhda qaldaya, SNM madax siyaasadeed bay lahayd, hogaan siyaasadeed baa hogaaminayay, taladiisii dalka lagu soo galay, raga imika waxaa ku hadlayaa taariikhdana way qaldayaan dadkana way jaho wareerinayaan, berigii aanu halganka ku jiray raga leh milatarigii baa guuleystay milatarina may ahayn waxna kumay tarayn, berigaana waxay odhan jireen waa halgan shacbi, askartu yay hadlin, oo waxay odhan jireen askartu waa inay shacbiga dhageystaan oo siyaasad baa hogaaminaysa, kuwii baa maantana leh milatarigii baa guuleystay oo siyaasigii baa xumaaday, markaa waxan u arkaa dad maalinba wax ku hadlay, SNM xisbi siyaasi ah ayay ahayd oo siyaasiyiin baa hormuud u ahayd, taladoodiina ay ciidamadu fulinayeen oo lagu guuleystay, xisbi midaysan oo madax kala dambaysa leh buu ahaa markaa maxaa loo kala dhex kala qaybinayaa xabadu keligeed may guuleysateene talo wada jir ah ayaa lagu guuleystay.
S : Wakhtiyadii halganka aad ku jirteen iyo xilliyadan danbe ee Somaliland waxa lagugu xantaa in si weyn ha bdhaqankaagii saaxada siyaasada wax iskaga bedeleen iyo weedhihii kululaa ee dhinaca siyaasada, taa maxaa ka jira?
J:Kolba dadku si bay wax u qiimeeyaan waxaan filayaa inaad ka hadlayso xilligii halganka dalka lagu jiray ee Siyaad barre lala dagaalamayay marka halgan iyo xeelad dagaal lagu jiro hadal adag, go’aan calool adayg baa loo baahan yahay, marna waa la nagi yahay oo arrin la rogrogo oo raga laga talo galiyo ayaa loo baahan yahay markaa xaaladu dagaal iyo ta nabadeed kolba ta lagu jiro ayaa go’aankeeda la qaataa. Ragii berigii hore la dagaalamayey Afweyne ee halganka xoraynta dalku socday ee isku lahaa wuu gacan adag yahay oo waa digtaytar, maantana waa kuwa leh milatarigii baa guulaystay kolba saacadii la joogaa la tukadaa oo arrin kasta si baa loo galaa.
S: waxa lagu tilmaamaa habdhaqankaaga siyaasadeed in jaamacadii xalinta khilaafaadka maamulka ee aad dhawaan kaga qalin jabisay jaamacada Hargeysa, aad arrimo badan oo dhinaca siyaasada iyo hogaaminta ah aad ka korodhsatay, bal ka waran arrinkaa?
J: Wax badan bay ii tartay aqoon badana waan ka korodhsaday waanay ku mahadsan yihiin macalimiintii jaamacada duruusta nagu siinaysay, waa dhab maalinkasta oo aad waxbarasho gashaa waxbay kuu kordhinaysaa
S: Xisbigiina Kulmiye waxa lagu tilmaamaa in taageero weyn oo balaadhan aad ka hesheen beryahan danbe bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa, lana sheego inaad saamayn weyn ku leedahay, maxaase rajo aad ka qabtaa in xisbigiinu doorashada madaxtooyada guul ka gaadho?
J; Horta bulshada Somaliland guud ahaanba gobollada dalka oo dhan si weyn baanu ugu kalsoonahay codadkooda oo doorashooyinkii horeba codad tiro badan bay na siiyeen natiijadii doorashada madaxtooyada ee horena waad ogayd aqlabiyada codadkii aanu ka helay, inkastoo Ilaahay (SWT)ogyahay natiijada kaso bixi doonta doorashada hadana insha allaah rajo weyn baanu ka qabnaa taageerada codadka ummada iyo doorashada madaxtooyada-ba.
S: Xisbigiina Kulmiye iyo Udub waxa lagu eedeeyaa inaad taageerada bulshada idin ku soo biiraysa aad u adeegsataan kasbasho beeleed sida beel heblaayo ayaa xisbi hebel ku biirtay, iadoo hanaanka dimuqraadiyada loo gudbayna miyaanay habdhaqankaa qabiilku ka hor imanayn mabaadii’dii axsaabta?
J: Horta Afriki qabiil way dhaafi weyday Soomaalina jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ayaa qabaa’il u qaybisay, hadana intaasiba waxa la leeyahay oo maalinkasta aad maqlaysaa qabyaalada hala daayo hadana hoosta ayaa laga wad-wadaa waan aaminsanahay in qabiilka laga gudbo oo qabiilka loo adeegsado dhismaha iyo horumarka dalka qabiilna qaran ma noqdee waxa loo baahan yahay in ummada qaranimo loo tababaro, hase yeeshee waxaan u arkaa inay tahay kacaa kufka aynu u marayno barashada siyaasada, waase qalad in qabaa’ilka la xoogeeyo oo la bunbuuniyo.
S: Xisbigiina Kulmiye waxa lagu sheegaa xisbi ay siyaasiyiin badan oo baar-qab ahi isugu tageen oo baryahan danbena la idinku eedeeyo in hogaankiina sare aydin khilaaf iyo is qabad talada hogaanka xisbiga isku haysaan, arrimahasi maxaa ka jira?
J: Alxamdulilaahi dadka mudakarkiisii-ba xaganay ku soo urureen oo Ilaahay baan ugu mahad naqaynaa, dadkii reer Somaliland aqoonyahankoodii iyo waxgaradkoodiiba ayaa Kulmiye iskugu yimid waananu ku faanaynaa si weyn baanu ugu kalsoonahay miisaanka nagu soo biiray, xisbigayaga Kulmiyena waa xisbi himilo fog leh  oo dimuqraadiya oo dhexdiisana doodo wadatashi oo xor ah ka yeesha, laakiin dad maangaab ah oo aan dimuqraadiyda aqoon oo aan iyaga dhexdooda aan doodo wadatashi yeelan ayaa doodahaygaasi ku tilmaama khilaaf, waan arkayay maalmahan danbe Media dawladu xukunto oo waxyaalahaa dacaayadaha raqiiska ah fidinaya laakiin waxaad ka soo qaada uun nin daad qaaday xumbo cuskay imika xisbiyada qaarkood waxaad moodaa in rajadoodii-ba ay ku xidhan tahay oo kaliya Kulmiye ayaa is khilaafay laakiin Kulmiye wax is khilaafa iyo wax kala taga wuu ka balaadhan yahay waanu ka qaro weyn yahay.