Xildhibaan Dhugad:”Ninka ugu fog baan ahay inuu galo UDUB”

https://i1.wp.com/www.longlivesomaliland.com/IMAGES/cabdillahi-dhugad.jpg?w=620

Hargeysa ( iftin news) Xildhibaan Dhugad oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida ee sida weyn ugu kacsan Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Udub, dhawaan intaan guddida Joogtada ah oo uu Guddoomiye u ahaana intaan xilka laga qaadin Olole xag jirnimo ah ku qaaday xukuumadda ayaa sheegay war dhawaan ku soo baxay saxaafadda oo sheegayay inuu UDUB ku buuray uu ahaa been abuur ay UDUB soo abaabushay oo meel uu soo fadhiistay intay kamarad qaadeen ka duubeen isaga oo aan is ogayn

Xildhibaanka oo ka cadhaysan falkaa lagu sameeyay ayaa maanta warbaahinta uga waramay mawqifkiisa iyo wixii lagu sameeyayba waxaanu yidhi “Anigaygii dadka ugu horeeyay ee ka baxay ayaa intaan meel soo fadhiistay la I leeyahay wuxuu soo galay UDUB waa been cadaan ah.Ninka ugu fog baan ahay inuu galo UDUB, awal waxaan lahaa dagaalka dhima,been samayska ay maanta sameeyeen, ee Saxaafadda ay galiyeen, ee Filim aanan ogayn ay iga duubeen run waxa ah inaan dagaalkii dib ugu noqonayo, dagaalkaygii hore dagaalba muu ahayn.

Waxaanu leenahay ka daaya dadka warkan beenta ah ee intaad soo galisaan Saxaafadda aad leedihiin UDUB baa la galay, UDUB nin ka baxay kuma noqon karo, dadkana waxaan u sheegayaa nimanka dhugad maanta metalay inuu u soo galay waar yaa ka baxsanaya, habartii meel maraysaba miyay u gashay, lagama yaabo, ninka ugu fog baan ahay binu’aadamka.

Aniga iyo Siilaanyo, Siilaanyo maanta UDUB anigaa uga fog, kumana noqonayno waxaanan idiin sheegayaa waxba kama jiraan beentaa.”

Xildhibaanku waxa uu ku eedeeyay falkaasi inuu kula kacay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo ay isku beel yihiin taasoo dhacday shir uu ka qayb galay oo beeshu lahayd.

Mar la weydiiyay xildhibaan dhugad isaga iyo wasiirka xidhiidhka ka dhaxeeya iyo sida ay sheekadani u dhacday waxa uu yidhi “Siciid Sulub waxaanu ku kulanay hotelka Maansoor, cabaar markaanu sheekaysanayna wuxuu igu yidhi aan qadayno goor danbena way ahayd, qadadaas uun baanu isugu nimiye macsuumad uu anaga noo sameeyay may jirin, gudaha markaan galnayna waxaan ugu tagay laba Suldaan, intaas uunbay ahayd.”

Xigasho/ Iftin