Xisbiga Kulmiye Oo Dhoolatus Aan Hore Loo Arag U Sameeyay Taageereyaal Ku Soo Biiray.

Hargaysa-(HWN)-Xisbiga KULMIYE ayaa galabta xaflad balaadhan oo ay ku soo dhaweeyeen isbedel doonka aqoonyahanada, siyaasayiinta, ardayda jaamacadaha iyo culimo awdiinka Beesha Habar Yoonis oo ku biiray xisbigaasi.ku qabtay Huteelka KAAH ee Barriga Hargeysa.

Xafladan waxa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Koowaad, labada sarkaal ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan olalaha doorashada iyo in ku dhow kun qof oo ka tirsan beesha Habaryoonis kuwaasi oo sheegay inay ku biireen xisbigaasi waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay inay wax ka qabato adeegyada bulshada ee Gobolka Oodweyne iyo guud ahaan deegaanada ay beeshaasi degan tahay.

Guddoomiyaha Olalaha doorashada ee gobolada barriga Somaliland  Dr. Maxamed  Cabdi Gaboose oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay taageereyaashaasi ku soo biiray oo uu tilmaamay inay  u baahnaayeen.waxaanu sheegay in  Wasiiro ka tirsan xukuumadu ay Madaxweyne Rayaale been u sheegi jireen kuna odhan jireen dhab libaax ayaad ku fadhidaa taasi oo uu tilmaamay inay beenowday.

Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee gobolada barriga Somaliland waxa uu intaasi ku daray  in xukuumadu taayiro iyo dhagaxaan ay wadooyinka u dhigto Guddoomiyaha KULMIYE halkii looga fadhiyay inay ummadda wax u qabato.

Dr. Cabdi Aw- Daahir, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageereyaasha aadka u faro badan ee ku soo biiray KULMIYE oo uu xusay in isaga oo keliya uu  beeshiisa kaga jiray maantana lala arkay wixii uu Xukuumada iyo UDUB kaga biyo diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo , una mahadnaqayo taagereyaasha ku soo biiray oo isugu jiray Aqoonyahano, waxgarad iyo arday Jaamacadeed, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay mulkiilaha Huteelkaasi oo uu sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay dalabkii xukuumadu ku doonaysay inay ka hor joogsato xisbiga kulmiye xafladan.

Guddoomiyuhu waxa uu u sheegay dhalinyarada in Barnaamijkiisa siyaasadeed ay ku jirto sidii  wax badan loogu qaban lahaa isla markaana uu ka hor qaadi lahaa caqabadaha dhinaca sharciga ee ka hortaagan inay ka qeyb galaan Goleyaasha hoggaaminta.

Md. Axmed Siilaanyo wuxuu ku dhawaaqay in haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada uu furi doono ururada siyaasada si tallada dalka looga wada qeyb qaato.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu Taliyaha Booliska uga digay in aan loo adeegsan xadgudubyada loo geysanayo Xisbiyada mucaaridka ah.

Mustafe Ibraahim iyo Maxamed Xasan Dirir, oo ka mid ahaa dhalinyaradii ku hadlayay magaca ardayda Jaamacadaha ee ku biiray xisbiga KULMIYE  ayaa sheegay in wadanku uu u baahan yahay isbedel siyaasiya waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay balanqaadyadii hore ee ay samaysay wakhtigii la galayay doorashadii hore. Waxaanay xuseen lacagta Giimbaarta ah oo aan ilaa hada laga bedelin gobolada bari iyo Biriijkii labaad ee Hargeysa oo sanado badan dunsan ummaddana dhibaato badan ku haya.

Dhalinyaradaasi waxay sheegeen in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee beeshooda kaga jiraXukuumaddu ay isku dayeen inay sasabtaan isla markaana ay u qaadaan balamo kale oo ay tibaaxeen inaan wax ka fulayaa jirin.

Dhinaca kale, waxa galabta la xidhay wadooyinka taga Hudheelka Xafladan lagu qabanayay ee KAAH oo ku yaala bariga Magaalada waxaana halkaasi lagu tuulay Dhagaxaan badan oo ay masuuliyiinta KULMIYE ka gureen. Iyadoo Huteelka Hortiisana ay goob yaalayeen Ciidamada Booliska.

Mulkiilaha Huteelkaasi  ayaa dhagaha ka furaystay amar taliyaha Boolisku ku faray inaan lagu qaban shirar siyaasadeed, waxaanu sheegay inuu xor u yahay ganacsigiisa isla  markaana xisbigii u yimaadaba uu ka kiraynayo.

Hadhwanaagnews/Office

Hargaysa